31 views 11 mins 1 comments

Beriga Dhexe Waxa Uu Qarka U Saaran Yahay Dhulgariir Siyaasadeed

In Turjumaad
April 08, 2026

Bariga Dhexe wuxuu ku dhow yahay inuu galo isbeddel siyaasadeed oo weyn oo ruxa gobolka. Ku dhowaad nus qarni, tan iyo Kacaankii Islaamiga ahaa ee 1979, Iran oo ay hoggaamiyaan culimo diimeed ayaa ahayd tiirka ugu weyn ee qaabeeya siyaasadda Bariga Dhexe. Hogaamiyayaasha kacaanka Iran waxay Lubnaan ka abuureen Xisbullah (Hezbollah), waxay taageereen oo hub siiyeen Xamaas (Hamas) oo Gaza ka dhisan, waxay taageereen Xuutiyiinta Yemen (Houthis), waxayna garab istaageen xukunka qoyska Assad ee Suuriya. Waxay mudo dheer ku ahaayeen cadow aan maare loo hayn Israa’iil iyo Sacuudi Carabiya, waxayna galbeedka ka abuureen falal argagixiso iyo naceyb ka dhan ah Yuhuudda (anti-Semitism) iyagoo adeegsanaya baraha bulshada iyo habab kale. Sidoo kale, Iran waxay door weyn ka ciyaaraysey rabshadaha iyo fowdada ka jirta Ciraaq tan iyo markii la riday Saddam Hussein, iyada oo adeegsanaysa maleeshiyaadyo.

Iran waxay gacan ka geysatay weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar 2023 ee Israa’iil, taas oo noqotay arrin si weyn u dhaawacday nidaamka Islaamiga ah. Jawaabtii militari ee Israa’iil ee ahayd dagaal socday laba sano waxay burburisay Xamaas, waxayna si weyn u wiiqday Xisbullah, taas oo ugu dambeyntii horseeday burburka nidaamka Assad ee Suuriya. Hanjabaadda gantaallada iyo nukliyeerka ee Iran ee ka dhanka ah Israa’iil ayaa keentay dagaalkii dhacay bishii Juun, kaas oo Israa’iil iyo Mareykanku ay ku gaadhsiiyeen khasaare weyn hoggaanka militariga iyo sirdoonka Iran, iyo sidoo kale nidaamkeeda difaaca cirka.

Si loo fahmo xidhiidhka ka dhexeeya mudaharaadyada shacabka iyo guuldarrooyinka militari ee Iran, waa in la fahmaa istaraatiijiyadda militari ee Iran ka dib dagaalkii Iran iyo Ciraaq (1980–1988). Dagaalkaas oo ka dhacay gudaha Iran ayaa si weyn u saameeyay Jamhuuriyadda Islaamiga ah. Sidaas darteed, hoggaamiyeyaasha diimeed ee dalkaas ka talinayey waxay go’aansadeen inay abuuraan ciidan wakiil ah (proxy forces) oo ka dagaallama meelo ka fog Iran, si aysan dagaalladu uga dhicin gudaha dalka. Xisbullah, Xamaas, iyo kooxo kale waxaa loo sameeyay inay la dagaallamaan Israa’iil iyagoo ilaalinaya dhulka Iran.

Burburinta Xisbullah iyo Xamaas waxay u sahashay Israa’iil iyo Mareykanka inay si toos ah u weeraraan gudaha Iran markii ugu horreysay tan iyo dhammaadkii dagaalkii Iran iyo Ciraaq. Tani waxay si weyn u wiiqday kalsoonida shacabka Iran ee ay ku qabaan nidaamkaas. Arrintan oo ay weheliso maamul xumo dhaqaale, hoos u dhac ku yimid lacagta, iyo dhibaatooyin la xidhiidha biyo la’aan ayaa kicisay kacdoonnadii ugu dambeeyay.

Iran muddo dheer waxay ahayd awood xooggan taas oo ay sabab u ahaayeen dadkeeda badan, halka ay dhacdo juqraafi ahaan oo leh difaac dabiici ah, iyo kartida dhaqan iyo aqooneed ee dadkeeda. Iran ma aha dal Carbeed; waa dal asal ahaan Indo-European ah, taas oo ka dhigtay inay si xirfad leh u adeegsato dagaallada wakiillada iyo farsamooyinka kale. Horumarka ay ka gaadhay barnaamijkeeda nukliyeerka ayaana muujinaya heerka aqooneed ee dalkaas. Iran ma aha dal leh xuduudo macmal ah sida Suuriya iyo Ciraaq. Waa dal leh Ilbaxnimo qadiimi ah iyo dad ka badan 90 milyan, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah bulshooyinka Muslimiinta ugu waaweyn uguna waxbarashada fiican gobolka.

Haddii Iran ay ka gudubto nidaamka wadaada ee diinta ku dhisan oo ay noqoto dowlad caadi ah, isbeddelkaas waxa uu si weyn u ruxi doonaa gobolka. Sida Kacaankii Islaamigu uu u ahaa dhacdo taariikhi ah, isbeddelka cusub oo ka dhan ah nidaamkaas ayaa sidoo kale noqon doona mid taariikhi ah.

Buuggeyga, The Loom of Time: Between Empire and Anarchy from the Mediterranean to China (2023), waxaan si cad u saadaaliyey dhammaadka Jamhuuriyadda Islaamiga ah iyo cawaaqibka ay ku yeelan karto siyaasadda caalamka. Waxaana suuragal ah in Amiir Reza Pahlavi (wiilkii Shahii hore) uu door ka qaato mustaqbalka Iran, iyada oo laga yaabo in Iran ay xidhiidh cusub la yeelato Mareykanka iyo Israa’iil. Taariikh ahaan, Faarisiyiinta iyo Yuhuuddu waxay lahaayeen xidhiidh wanaagsan qarniyo badan, marka la ga reebo nus qarnigii la soo dhaafay.

Xulufo siyaasadeed oo si qarsoon ay u wadaagaan Iran, Israa’iil, Sacuudi Carabiya, iyo waddamada Khaliijka ayaa suuragal ka dhigi kara in Lubnaan ay noqoto dal xasilloon oo aanu ka jirin Xisbullah, Suuriya ay degto, Falastiiniyiinta lagu qasbo inay aqbalaan shuruudaha Israa’iil isla markaana meesha la ga saaro aragtida ah in Mareykanku guuldaro kala kulmey Ciraaq. Tani waxay sidoo kale yareyn kartaa nacaybka ka dhanka ah Yuhuudda ee Galbeedka.

Si kastaba ha ahaatee, arimahaasoo dhami kuma dhacayaan habeen kaliya. Waxay qaadan kartaa dhowr sano. Balse isbeddelku waxa uu bilaabmi doonaa isla marka nidaamka wadaaddada ee Tehran uu burburo ama isbeddelo. hase ahaatee, waxaa jira suurtagalnimooyin kale:Nidaamka wadaaddada ayaa laga yaabaa inuu awoodda sii haysto dhowr sano oo kale. Dagaal sokeeye oo leh xoogaa qalalaase ah ayaa dhici kara, iyada oo Ciidamada Ilaalada Kacaanka (IRGC) iyo xoogagga kale ee nidaamka ay la dagaallamayaan dibadbaxayaasha. Qowmiyadaha laga tirada badan yahay ee ku nool xuduudaha Iran ayaa laga yaabaa inay ku dhawaaqaan is-maamul; Baluch-ka ku nool koonfurta bari ee Iran waxa la ga yaaba inay la midoobaan dadkooda ay asal ahaan ka soo jeedaan ee Pakistan, halka Azeri-yada waqooyi-galbeed Iran ay u sii jeesan karaan Azerbaijan. Dhacdooyinkaas iyo kuwa la mid ah ayaana dhici kara. Isbeddelkan ayaana saameyn ku yeelan kara guud ahaan qaab-dhismeedka siyaasadeed ee Bariga Dhexe, Qaaradda Hindiya (Indian Subcontinent), iyo Aasiya Dhexe.

Waana sababta ay dowlad cusub oo Iran mustaqbalka la ga dhisaa ay uga daciifsanaan doonto tan ay hadda hoggaamiyaan ayatollah-yada kali-taliska ahi. Si kastaba ha ahaatee, geedi socoska isbeddel taariikhi ah oo weyn ayaa durba bilaabmay. Leo Tolstoy sida uu ku qorey buugiisa War and Peace (1869) waxa uu qabaa: si uu qofku u saadaaliyo dhacdooyinka mustaqbalka ee juqraafi-siyaasadeed kuma filna falanqayn keliya balse waa in qofku adeegsadaa mala-awaalkiisa suugaaneed. Waxa la joogaa waqtigii aynu dhammaanteen ka faa’iidaysan lahayn mala-awaalkeenna si aan u sawirno mustaqbalka Bariga Dhexe. Markii Mohammad Reza Shah Pahlavi uu talada hayay, ma jirin falaanqeeyayaal badan oo saadaalin karayey sida ay u eekaan doonto Iran oo aanay taladda haynin qoyska Pahlavi. Tobannaan sano kadibna hadda, falanqeeyayaal badani ma qiyaasi karaan dhab ahaan Iran aan lahayn ayatollah-yada. Haseyeeshee dadka faraha badan ee ku sugan waddooyinka magaalooyinka iyo tuulooyinka Iran waxay muujinayaan in in ka badan 90 milyan oo qof—oo da’yar, waxbartay, kana faa’iidaysanaya teknoolojiyaddu—ay u muuqdaan inay ka baxayaan mugdiga siyaasadeed oo ay ku biirayaan dhaqaalaha iyo nidaamka caalamiga ah. xaqiiqaduna waxa ay tahay in hoos u dhac weyni ku yimi, Islaamiyiinta xagjirka ah sanadihii u danbeeyey.

Tusaale waxaa u ah geedi socodka isbedelkan, hoggaamiyaha Sacuudi Carabiya Mohammed bin Salman, oo si weyn u gu janjeedhsadey nidaamka aan diin ku dhisneyn ee Cilmaaniyadda. Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, isaga oo siyaasadeynaya diinta Islaamka, dhab ahaantii waxa uu gudaha Iran ku wiiqay cibaadadii ruuxiga ahayd ee Islaamka. Mustaqbalka Iran, sida Sacuudi Carabiya, waxa uu u janjeeraa dhinaca nidaamka aan diinta ku dhisneyn ee cilmaaniyadda.

Halkaas ayaanu gobolka u socdaa, wax ka soo qaadna malaha hadhaaga kooxaha jihaadiga ah ee ku sugan meelo fogfog oo Galbeedka Afrika ah, kuwaas oo inta badan ka dhasha fowdo iyo dowlado daciif ah. Bariga Dhexe oo ka xuubsiibta nidaamyada diinta ku dhisanina waxa uu si fudud u aqbali doonaa jiritaanka dowlad Yuhuudeed (Israel), in ka badan inta ay aqbali karaan qaar ka mid ah reer Galbeedka bidixda fog iyo dadka Yuhuud nacaybka qaba. Falastiiniyiintuna, marka ay waayaan taageero military oo xoog leh waxay si tartiib tartiib ah ula qabsan doonaan xaqiiqda cusub. Nidaamka Iran ee ka dambeeya wadaaddaduna waxa ay u badan tahay in aanu aad uga welwelin arrinta Falastiin, gaar ahaan maadaama burburka nololeed ee ka dhacay Iran intii ay ayatollah-yadu talada hayeen uu horseedi karo isbeddel degdeg ah oo ku yimaada siyaasadda arrimaha dibadda ee Iran. Mustaqbalka Iran waxa uu noqon karaa mid dimuqraadi ah, taasoo saameyn ku yeelan karta siyaasadda dalal Carbeed oo leh nidaamyo amni oo adag (police states). Inkasta oo Iran aysan ahayn dal Carbeed, haddana waxay noqon kartaa tusaale ay gobolka ku daydaan. Heerka horumarka siyaasadeed ee Iran—xitaa iyadoo ay ayatollah-yadu talada hayaan—Waxaa ka muuqda faa’iidooyin hay’adeed oo ka maqan dalal badan oo Carbeed.

Bariga Dhexe waxa uu marayaa isbeddel weyn oo dhinac kasta ah. Marka laga hadlayo dhacdooyinka waaweyn ee taariikhda, waxa sanado badan u muuqda wax aan suurtagal ahayn ayaa si lama filaan ah u noqda wax aan laga baaqsan karin.

Waxaa qorey, Robert D. Kaplan

One comment on “Beriga Dhexe Waxa Uu Qarka U Saaran Yahay Dhulgariir Siyaasadeed
Leave a Reply