31 views 2 mins 0 comments

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo Ka badbaadey Iskuday Dil

In Wararka
April 26, 2026

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo markiisii u gu horeysey ka qaybgalaya casho sannnadeedka taariikhiga ah ee loo qabto weriyayaasha aqalka cad ayaa si degdeg ah looga saaray hotelka ay cashadu ka dhaceysey oo ahaa Washington Hilton, kadib markii nin hubeysan uu rasaas furay meel u dhow halka dadka la gu baadhayey. Eedeysanaha ayaa la qabtay, waxaana la sheegay inuu yahay nin ka soo jeeda gobolka California. Trump ayaa sheegay in ninkaasi uu si culus u hubeysnaa isla markaana uu u muuqday inuu kaligiis falka sameeyay. Waxa uu sidoo kale sheegay in hal askari oo ka tirsan adeegga amniga la toogtay, balse xaaladdiisu ay wanaagsan tahay. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, marwada koowaad, iyo xubnaha golihiisa wasiirrada ayaan wax dhaawac ahi soo gaadhin.

Xafladdan oo lagu qabto Washington tan iyo 1921 ayaa waxaa inta badan ka qeyb gala madaxweynaha, xubno ka tirsan golaha wasiirrada, saraakiisha sare ee dowlada, iyo boqolaal saxafiyiin ah. haseyeeshee dad badan oo uu ku jiro Trump laftiisu ayaa dhaliila munaasibadan oo u arka mid dhaawaceysa madaxbanaanida saxaafada.

Ka qeybgalayaasha ayaa la mariyaa baaritaan amni oo u eg kan garoomada diyaaradaha ka hor inta aan la gelin hoolka weyn ee cashadu ka dhacdo, iyada oo sidoo kale ilaalo badani dusha ka joogto waxayna noqotaa munaasabad si aad ah loo sugo amaankeeda, maadaama ay isugu yimaadaan madax sare iyo warbaahin badan.

Saraakiishu waxay sheegeen in eedeysanaha—oo watay qori dheer (shotgun), bastoolad iyo mindiyo badan—uu ku orday bar koontarool oo ay leeyihiin qaybta adeega amaanka ee gudaha hoteelka, qiyaastii 8:36 fiidnimo waqtiga maxalliga ah ee Mareykanka.

Ninka ayay rasaas isweydaarsaday askari ka tirsan ciidamada ammaanka, kaas oo lagu dhuftay jaakaddiisa rasaasta celisa, haatana lagu daweynayo isbitaal ku yaalla Washington, DC. Eedeysanaha laftiisa ma uusan ku dhicin rasaas, balse sidoo kale waxaa lagu hayaa isbitaal si loo qiimeeyo xaaladdiisa. Waxaa la filayaa in maxkamad federaal ah lagu horgeeyo Isniinta.

Waxaa xusid mudan in isla goobtan, Washiton Hilton 45 sano ay ka dhacdey Isku daygii dilka Ronald Reagan, madaxweynihii Mareykanka ee xiligaas taariikhdu markay ahayd 30 Maarso 1981.Toogashadaas ayaana si xun u dhaawacday Reagan iyo saddex qof oo kale.