10 views 4 mins 0 comments

Maxaan Ka Og Nahay Xaalada Beriga Dhexe 24-kii Saacadood ee U gu Danbeeyey

In Bogga Hore, Wararka
April 24, 2026

Warbaahinta Lebanon 24 ayaa sheegtay in laba weerar oo ay fuliyeen ciidamada Israel ay ka dhaceen koonfurta Lebanon, saacado kadib markii Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu ku dhawaaqay in Israel iyo Lubnaan ay ku heshiiyeen mudo kordhin xabbad-joojineed oo socon doonta saddex toddobaad oo dheeraad ah. Ciidanka Israel ayaa dhankooda iyaguna sheegay in “gantaallo dhowr ah” lagu soo tuuray woqooyiga Israel.

Waxaanu Trump intaas ku darey in maalmaha soo socda uu wadahadalo rasmi ah ku casuumi doono hogaamiyaaysha Lubnaan iyo Isreal isagoo sheegay inuu rajeynayo in arrintan ay fursad u noqoto wadahadallo waara oo lagu soo afjaro colaadda soo jiitamaysay tobannaan sano.

Dhanka kale, xiisadda u dhexeysa Mareykanka, Isreal iyo Iran ayaa mar kale sii xoogeysanaysa, iyadoo Maraykanku sii wado go’doominta badeed ee dekedaha Iiraan, tallaabo ay Tehran ku tilmaamtay fal dagaal oo si toos ah u jebinaya xabbad-joojinta. Taliska Dhexe ee Maraykanka ayaa sheegay inuu dib u celiyay dhammaan maraakiibtii isku dayay inay gaadhaan dekedaha Iiraan waxayna qabteen maraakiib shidaal oo lala xiriirinayo Iran. Isla waqtigaas, Maraykanku wuxuu kordhiyay joogitaankiisa militari ee gobolka, iyada oo laba markab oo ah nooca xambaara diyaaradaha dagaalka ay ku soo gaadheen Bariga Dhexe, taas oo muujinaysa in Mareykanku diyaarinayo in awoodiisa ciidan ballaadhinayo. Wasiirka Difaaca Israel Israel Katz ayaana sheegay in Israel ay “diyaar u tahay inay dib u bilowdo dagaalka ka dhanka ah Iran” haddii ay oggolaansho ka hesho Washington

Wakaaladda wararka Fars News Agency oo xidhiidh la leh ciidanka kacaanka Iran ayaa werisay in la howlgaliyey nidaamyada difaaca cirka ee Tehran saacadihii hore xalay kadib markii drones yaryar lagu arkey hawada Iran

Trump ayaa sidoo kale bixiyay amar adag oo ah in la “toogto oo la dilo” doomaha Iiraan ee isku dayaya inay miinooyin dhigaan marinka Hormuz, waxaanu ku adkeystay in Maraykanku uu si buuxda u xakameynayo marin biyoodkaas. Dhinaca kale, Iiraan ayaa weli ku adkeysanaysa mowqifkeeda ah inaysan dib u furi doonin marinka Hormuz ama aysan dib u bilaabi doonin wadahadallo inta laga qaadayo go’doominta, isla markaana ay diyaar u tahay inay ka hortagto gardarro kasta oo uga timaada Mareykanka iyo Isreal. Mowqifyadaas is diidan ayaana xaalada ka sii dhigaya mid cakiran islamarkaasna waanwaan kasta sii fogeynaya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Abbas Araghchi ayaana sheegay in hay’adaha dowladda Iiraan ay weli “ku shaqeynayaan midnimo, ujeeddo iyo nidaam”, isagoo ka jawaabaya eed u soo jeediyey Trump oo ku saabsan kala qaybsanaan gudaha Tehran.

Barnaamijka Rewards for Justice ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sidoo kale ku dhawaaqday abaalmarin dhan $10 milyan oo la siinayo qofkii bixiya xog keenta qabashada hoggaamiyaha koox ay ku sheegeen “argagixiso” oo xidhiidh la leh Iran kana hawlgasha Iraq. Kooxdan oo la yidhaahdo Kata’ib Sayyid al-Shuhada (KSS) ayaa waxa uu Mareykanku si gaar ah u raadinayaa hoggaamiyaha iyo xoghayaha guud ee  kooxda Hashim Finyan Rahim al-Saraji. Iyaga oo sheegay in kooxdaasi ay mas’uul ka ahayd dilka dad rayid ah oo Ciraaqiyiin ah iyo weerarro lagu qaaday xarumaha diblomaasiyadeed iyo shaqaalaha Maraykanka ee Ciraaq iyo Syria. Waxaana bayaanka la gu sheegey in qofka bixiya xogtan uu heli doono abaalmarin lacageed iyo aag bedelid si loo ilaaliyo ammaankooda.