18kii Ogoosto, dhowr saacadood kadib markii wafdi Turki ah ay bookhasho ku tageen saldhigga milatari ee Abu al-Duhur ee ku yaala xadka waqooyi-galbeed ee Syria oo Turki u jira afar KM, diyaaradaha Israel ayaa duqeeyay isla goobtaasi.
Inkasta oo aanay duqaynta ka dhalanin wax khasaare nafeed ah, hadana waxay waxyeello gaarsiisay runway-ga iyo qaybo ka mid ah saldhigga. Israel ayaana sheegtay in tallaabadaasi ahayd mid looga hortagayo qorshe ay Syria ugu oggolaanaysay Türkiga in uu ciidamo geysto saldhiggaas.
Türkiye iyo Syria ayaa labaduba diideen sheegashadaasi. Turkiga ayaana waxa uu ku tilmaantay weerarka mid aan sharci ahayn, halka Syria ay sheegtay in saraakiisha Turki ah ay goobta u tageen tababar iyo iskaashi amni oo labada dal u dhexeeya, balse aysan jirin qorshe lagu dhisayo joogitaan ciidan oo joogto ah.
Haseyeeshee dhacdadu waxay u eeg tahay in ay ka sal balaadhan tahay saldhig la duqeeyay.
Saldhiggan ayaa muddo ka badan toban sano aan si buuxda u shaqayn, kaddib markii dagaalkii sokeeye lagu burburiyay kaabayaashiisa militari. Sidaas darteed, muhiimadda weerarku kuma xirnayn oo keliya awoodda saldhigga laftiisa.
Israel ayaa waxa ay sheegtay in Syria ay ku dhowdahay inay jebiso xaalad amni oo horey looga heshiisyey, iyada oo u oggolaanaysa in Turkigu uu joogitaan ciidan ku yeesho gudaha Syria.
Balse Si loo fahmo halka uu salka ku hayo khilaafkan, waxa aynu u baahanahay in aynu marka hore la fahamno sababta Syria muhiim ugu tahay Türkiye.
Tan iyo markii uu dhacay xukunkii Bashar al-Assad, Ankara waxay noqotay mid ka mid ah quwadaha dibadda ee ugu saameynta badan dowladda cusub ee Madaxweyne Ahmed al-Sharaa.
Turkigu waxa uu taageertay dowladda cusub, waxuuna la shaqeeyey ciidamada Syria, isaga oo siiyey tababar iyo qalab militari, waxa uuna sidoo kale door ku lahaa dib-u-dhiska dalkaasi. Iyaga oo xataa saxeexdey heshiis iskaashi militari oo la saxiixay 2025.
Arrintani oo Turkiga siisey saameyn amni iyo istiraatiiji gudaha Syria ah.
Ankara ayaana waxay leedahay dano dhowr ah oo ay ka mid yihiin inay ka hortagto in kooxaha Kurdiyiinta hubaysan ay ka dhistaan xuduudda Syria awood ay Ankara u aragto khatar iyo inay ilaaliso saameynteeda siyaasadeed iyo militari, Syria cusub oo xoog leh oo uu Turkigu saameyn ku leedahayna waxay waxay dib u qaabeyneysaa awoodaha cusub ee Bariga Dhexe ah.
Halka Isreal ay ka cabsi qabto Syria oo noqota dowlad militari ahaan awood leh oo aan saaxiib la ahayn Israel, iyo quwado kale sida Turkiga oo ka dhista Syria joogitaan militari oo xooggan.
Inkasta oo ugu yaraan hadda aysan jirin caddayn muujinaysa in labada dal ay doonayaan dagaal toos ah hadana khatarta isku dhaca ayaa u eeg in ay korodhey labada dalbana waxay dano xooggan ka leeyihiin Syria. Syria oo ka soo gabaneysa dagaalo sokeeyo oo daba dheeraadey ayaana laga yaabaa inay noqoto dhibbanaha loollankan
Inkasta oo Syriada cusubi ay u muuqato mid kabaneysana hadana waxaa muuqda loolano ay wali dhexda u taagan tahay oo la ga yaabo in ay mar kale ku dunto sida khilaafka Iran iyo Israel Ruushka iyo reer galbeedka iyo Turkiga iyo kooxaha Kurdida hubeysan ee xadkeeda ka dagaalama.

