41 views 19 secs 0 comments

Ciidamada Laftagareen oo la wareegay magaalada Buurhakaba

In Bogga Hore, Wararka, Warbixinno Gaar Ah
October 15, 2026

Ciidamada daacadda u ah madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa maanta la wareegay degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, kaddib dagaal culus oo ay la galeen ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ee taageersan Aadan Madoobe.

Muuqaallo laga soo duubay magaalada ayaa muujinaya saraakiil iyo masuuliyiin taageersan Laftagareen oo ku sugan gudaha Buurhakaba, halka ciidamadu ay sidoo kale soo bandhigeen maxaabiis ay ku qabteen dagaalka.

La wareegista Buurhakaba ayaa ah guushii labaad ee weyn ee ciidamada Laftagareen gaadheen muddo kooban, kaddib markii ay maalmo ka hor la wareegeen degmada Qansaxdheere.

Buurhakaba ayaana waxay ku taallaa waddada istaraatiijiga ah ee isku xidha Muqdisho iyo Baydhabo, waxayna qiyaastii 60 KM u jirtaa Baydhabo. Gacan-ku-dhigisteeda ayaa sii kordhinaysa cadaadiska militari ee ku wajahan maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo dagaallada u dhexeeya labada dhinac ay hadda ku sii fidayaan gobolka Baay.

Ilaa hadda lama hayo tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalka.