150 views 12 mins 0 comments

Loolanka Badda Cas waxa uu dib u qaabeynayaa Mustaqbalka Geeska Afrika

Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed oo laga yaabo inay beryahan danbe siyaabo kala duwan ugu soo noqnoqdeen cinwaanada iyo bogaga la ga falanqeeyo siyaasada isgarbinta iyo tartarka ku dhisan ee quwadaha waaweyn ee caalamka; waxa ay noqdeen wax ka badan marino biyood oo maraakiibta ganacsigu isaga gooshaan; waxayna isu beddeleen goob ay ku kulmaan danaha quwadaha caalamka, tartanka dalalka gobolka, iyo xisaabaadka amni ee Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika.

Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Bab al-Mandab waa marinno badeed oo si dhow isugu xidhan, kuwaas oo sameeya mid ka mid ah waddooyinka ganacsi ee ugu muhiimsan dunida. Badda Cas waxay u dhexaysaa Afrika iyo Jasiiradda Carabta, halka Bab al-Mandab uu yahay marinka cidhiidhiga ah ee isku xidha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Gacanka Cadmeedna waxa uu isku xidhaa marinadan iyo Badweynta Hindiya. Gobol badeedkan ayaa waxaa ku teedsan dalal ay ka mid yihiin Somaliland, Jabuuti, Eritrea, Somalia, Sudan, Masar, Yemen iyo Sacuudiga, kuwaas oo dhammaantood leh muhiimad istaraatiiji ah.

Xudunta loollankan ayaana waxa uu yaallaa marinka Bab al-Mandab, oo isku xidha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Cidda saameyn ku yeelata marin-biyoodkan waxay awood u yeelan kartaa inay saamayn ku yeelato isku socodka ganacsiga u dhexeeya Aasiya, Yurub iyo Badda Mediterranean-ka. waana sababta ay quwadaha sida Mareykanka, Shiinaha, Sacuudiga, Imaaraadka, Masar, Turkiga, Iran iyo Ruushka si weyn ugu danaynayaan gobolka, halka Geeska Afrikana uu noqday goobta ugu muhiimsan ee ay ku kulmaan danahaasi iska soo horjeeda.

Muhiimadda Badda Cas waxay ka timaaddaa doorkeeda ah in ay tahay marin gaaban oo isku xidha Badweynta Hindiya iyo Kanaalka Suweys. Taas oo ka dhigan hadii qalalaase ka dhaco baddan, maraakiibtu in ay ku qasbanaanayaan in ay ka wareegaan cidifka ku yaalla koonfur-galbeed ee South Africa, taas oo ku kordhin karta safarka 5,000ilaa6,500 mayl-badeed ama si kale hadii loo dhigo (9,000–12,000 km). taas oo waqtiga safarka qiyaastii ku dari karta 10 ilaa 20 maalmood, halka kharashaadka shidaalka, shaqaalaha iyo caymiskuna ay mararka qaar kor u kici karaan 30% ilaa 50% ama ka badan.

Haseyeeshee Saameynta arrintani kuma koobna shirkadaha maraakiibta oo keliya. Waxay si toos ah u taaban kartaa qiimaha shidaalka, cuntada iyo badeecadaha kale ee dunida.

Si kastaba ha ahaatee su’aashu ma aha kumana saabsana cidee ama dowladee si toos ah u xukumi doonta Badda Cas, maadaama aysan jirin awood keliya oo maamuli karta marin-biyoodkan balse Tartanka dhabta ahi waxa uu ku saabsan yahay cidda ku yeelan doonta saameynta ugu weyn: dekedaha, saldhigyada militari, xarumaha saadka, iskaashiyada amniga, shabakadaha sirdoonka iyo xidhiidhada siyaasadeed ee dalalka xeebaha ku yaalla.

Tartanka ka socda Badda Cas waxaa hormuud u ah quwado goboleed iyo kuwo caalami ah oo mid walba uu leeyahay dano gaar ah. Sacuudiga ayaa u arka Badda Cas laf-dhabarta qorshihiisa 2030, maadaama horumarinta dalxiiska, ganacsiga, tamarta iyo amniga xeebihiisu ay si toos ah ugu xidhan yihiin xasilloonida marin-biyoodkan. Sidaa darteed Riyadh waxay dooneysaa Badda Cas oo ammaan ah, iyo sidoo kale in Iran ama quwado kale oo gobolka ka tirsani aysan saameyn weyn ka yeelan agagaarka xeebaha Sacuudiga.

Imaaraadka Carabta ayaa isna qaatay istaraatiijiyad ku dhisan dekedo, ganacsi iyo saameyn amni. Shirkadda DP World iyo mashaariic kale oo la xidhiidha ayaa maalgashi ku sameeyay dekedo iyo marinno ganacsi oo gobolka ah, gaar ahaana Berbera. Emaraatka ayaana dekedaha u arka, marka laga yimaado inay yihiin xarumo ganacsi; aalado lagu ballaariyo saameyntiisa siyaasadeed iyo amni ee gobolka.

Masar, dhinaceeda, waxay Badda Cas u aragtaa halbowlaha Kanaalka Suweys. Qalalaase kasta oo ka dhaca gobolkuna waxa uu si toos ah u saameyn karaa dakhliga ay ka hesho isu socodka maraakiibta. Sidoo kale, Qaahira waxay si dhow ula socotaa kororka saameynta Itoobiya, gaar ahaana marka weli ay taagan yihiin khilaafaadka la xidhiidha webiga Nile iyo biyo-xireenka GERD.

Itoobiya, inkastoo aysan lahayn xeeb, haddana waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan ee loollankan ku lug leh. Tan iyo markii ay Eritrea ka go’day, Itoobiya waxay si weyn ugu tiirsaneyd dekedaha Jabuuti. Sidaas darteed, dadaallada ay ku raadineyso marin badeed cusub, gaar ahaan heshiisyadii la xidhiidhey Somaliland, waxay muujinayaan sida helitaanka badda uu ugu noqday arrin istaraatiiji ah oo muhiim u ah mustaqbalka Itoobiya. Hase yeeshee, arrintaasi waxay dhalisay muran siyaasadeed oo xooggan iyo cabsi laga qabo xasillooni darro gobolka ka dhalata.

Turkiga ayaa isna si qoto dheer uga dhex muuqday Soomaaliya, isaga oo adeegsanaya tababaro military oo uu siiyo ciidamada Soomaaliya, mashaariico horumarineed, diblomaasiyad iyo heshiisyo dhinaca badda ah. Istaraatiijiyadda Ankara way ka duwan tahay tan dalalka Khaliijka; waxay ku dhisan tahay dhisidda hay’adaha dowladda, iskaashiyo amni iyo kuwo dhaqaale iyo saameyn siyaasadeed oo muddo dheer loogu talogaley inay socoto.

Iran, inkastoo aysan si toos ah uga hawlgelin Badda Cas sida quwadaha kale, haddana waxay leedahay awood ay ku carqaladeyn karto amniga marin-biyoodka. Iyada oo adeegsanaysa Xuutiyiinta Yemen iyo shabakadaha ay gobolka ku leedahay, Tehran waxay muujisay inay khatar gelin karto isu socodka maraakiibta xitaa iyadaoo aan lahayn ciidan badeed weyn oo si joogto ah uga hawlgala Badda Cas.

Quwadaha waaweyn ee caalamkana, Mareykanka ayaa wali ah awoodda militari ee ugu weyn ee ka hawlgasha gobolka. Saldhiggiisa Jabuuti, hawlgallada ciidamada badda iyo isbahaysiyada amniga ayaa muujinaya in Washington ay Badda Cas u aragto qayb muhiim ah oo ka mid ah nidaamka amniga ee isku xira Bariga Dhexe, Afrika iyo gobolka Indo-Pacific.

Shiinaha, dhankiisa, wuxuu gobolka ku leeyahay dano dhaqaale oo sii isu beddelaya dano siyaasadeed. Saldhiggiisii ugu horreeyay ee militari ee dibadda ah waxa uu ka dhistay Jabuuti, meel aan ka fogayn saldhigga Mareykanka. Beijing waxay dooneysaa inay ilaaliso marinadeeda ganacsiga iyo maalgashiyada uu Shiinuhu ka sameeyay dekedaha, waddooyinka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee gobolka, gaar ahaan mashruuca Belt and Road Initiative, oo ah qorshe istaraatiijig ah oo Shiinuhu ku ballaarinayo xiriirkiisa ganacsi iyo dhaqaale ee Afrika, Aasiya iyo Yurub iyo waliba helitaanka suuqyada Afrika. Sidaas darteed, Badda Cas waxay noqotay goob kale oo uu Shiinuhu ku loollamo, inkastoo uu weli ka taxaddarayo inuu si toos ah ugu muuqdo mid ku jira tartan militari oo furan.

Ruushka ayaa isna doonaya inuu saameyn ku yeesho Badda Cas, balse marka la barbar dhigo quwadaha kale waxa uu haystaa fursado iyo xulafo kooban. Xiisaha Moscow ee Sudan iyo gobolka Badda Cas ayaana la xidhiidha rabitaankiisa ah in uu helo marin militari oo cusub, oo uu ku ballaariyo joogitaankiisa badeed, isla markaana uu yeesho saameyn dheeraad ah oo uu kula tartamo reer Galbeedka.

Midowga Yurub, dhankiisa, waxa uu si toos ah u dareemayaa saameynta qalalaase kasta oo ka dhaca Badda Cas. Carqalad kasta oo ku timaadda marin-biyoodkana waxay saameyn ku yeelaneysaa ganacsiga Yurub iyo isku socodka badeecadaha. Sidaa darteed, hawlgallada ciidamada badda ee Yurub waxay diiradda saarayaan ilaalinta maraakiibta ganacsiga iyo hubinta in ganacsiga caalamku sii isticmaalo Badda Cas iyo Kanaalka Suweys, halkii uu ku khasbanaan lahaa inuu ku wareego Koonfur Afrika.

Si kastaba ha ahaatee Geeska Afrika ayaa ah Xudunta Tartanka ee loolankan maadaama oo uu juqraafi ahaan uu ku yaallo meel aad u istaraatiiji ah taas oo xataa dalalka yaryar iyo kuwa nugul siisay awood gorgortan oo ka weyn inta dhaqaalahooda ama awooddooda militari laga filan karo.

Jabuuti ayaana ah tusaalaha ugu wanaagsan ee loo soo qaadan karo. Inkasta oo khayraadkeeda dabeeciga ahi uu yahay mid aad u kooban, haddana waxay goobteeda juqraafiyeed u beddeshay hanti istaraatiiji ah. Waxay martigelisaa saldhigyo militari oo ay leeyihiin quwado kala duwan, dekedaha, adeegyada saadka iyo heshiisyada saldhigyada ayaana noqdey laf-dhabarta dhaqaalaheeda iyo saameynteeda diblomaasiyadeed.

Dekedda Berbera ee Somaliland ayaa iyaduna si isa soo taraysa u noqotay xarun muhiim ah u ah tartankan. Iyada oo soo jiidatay danaha quwadaha gobolka iyo kuwa caalamkaba. Itoobiyana ayaa iyaduna u aragtaa marin ay ku yarayn karto ku tiirsanaanta Jabuuti, halka Imaaraadkuna uu u arko qayb ka mid ah shabakaddiisa dekedaha iyo saameynta badeed ee uu ka dhisay Badda Cas iyo Geeska Afrika. Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa ku doodaya in muhiimadda sii kordheysa ee Berbera iyo goobta istaraatiijiga ah ee Somaliland ay ku taalo ay xoojin karto doodaha ku saabsan aqoonsigeeda mustaqbalka. Aragtidan ayaana ku salaysan in Somaliland ay ku taallo meel muhiim u ah amniga Gacanka Cadmeed iyo Bab al-Mandab, xilli ay quwadaha caalamku raadinayaan xulafo iyo goobo ammaan ah oo ay ku ilaashadaan ganacsiga iyo isu socodka maraakiibtooda. Gaar ahaan maadaamada oo Somalia inteeda kale ka jiraan caqabado amni iyo khilaafyo siyaasadeed.

Si guudna Soomaaliya oo maamushaa xeebta ugu dheer Afrika, waxayna ku taallaa meel muhiim ah oo u dhow Gacanka Cadmeed. Inkasta oo dhibaatooyinka amni iyo siyaasadeed ay marar badan albaabka u fureen faragelinta shisheeye, haddana juqraafiyadda Soomaaliya ayaa siinaysa miisaan istaraatiiji ah oo sii kordhaya. Waana sababta ay quwadaha sida Turkigu, ugu maalgelinayaan xidhiidhka muddo dheer ah oo ay la yeeshaan Muqdisho.

Eritrea dhinaceeda waxay gacanta ku haysaa dekedaha Assab iyo Massawa oo ku yaalla meel aad u muhiim ah oo Badda Cas ah. Haddii isbahaysiyada gobolka ay is beddelaan, dekedahani waxay dib u heli karaan muhiimad weyn. Si kastaba ha ahaatee, nidaamka siyaasadeed ee xiran ee Eritrea ayaa xaddidaya awooddeeda ay kaga faa’iidaysan karto fursadaha dhaqaale ee gobolka.

Si kastaba ha ahaatee dekadaha ayaa sannadan danbe noqdey hub siyaasadeed iyo aaladaha cusub ee lagu cabbiro saameynta siyaasadeed iyo istaraatiijiyadeed ee dalalka xulufada ah. Heshiisyada dekedaha ayaana noqdey albaab laga galo waddooyin horseeda iskaashi amni, marino militari, heshiisyo sirdoon, ku tiirsanaan dhaqaale iyo xulafo siyaasadeed.

Waana sababta ay Berbera, Jabuuti iyo Assab uga muhiimsan yihiin inta ay muuqaal ahaan yihiin.