52 views 3 mins 0 comments

Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Maka

Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan ayaa magaalada Maka ee barakeysan Jimcihii shalay ku kala saxeexday heshiis difaac oo dhigaya in weerar kasta oo lagu qaado mid ka mid ah saddexda dal loo aqoonsan doono weerar lagu qaaday dhammaantood. Heshiiskan oo mudo la ga soo shaqeynayey ayaana xoojinaya iskaashiga saddexdan quwadood ee gobolka xilli walaaca dhinaca ammaanka ee Beriga dhexe uu sii kordhayo.
Heshiiska waxaa kala saxeexday Dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif, sida lagu sheegay bayaan ay soo wada saareen madaxda saddexda dal.
Heshiiskan oo loogu magac daray “Mecca Joint Defense Agreement” ama Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Maka, waxa uu mideynayaa quwadaha saddex dal oo Muslimiin Sunniya ah, kuwaas oo mid walba leeyahay awood istaraatiiji ah oo gaar ah sida Sacuudi Carabiya oo hodan ku ah saliidda, Pakistan oo ah quwad nukliyeer, iyo Turkiga oo leh ciidanka labaad ee ugu weyn isbahaysiga NATO iyo warshado difaac oo si xawli ah u koraya.
Sacuudi Carabiya ayaa muddooyinkii dambe ku howlaneyd in ay kala duwdo saaxiibbada iyo iskaashiyada dhinaca difaaca, gaar ahaan xilli kaabeyaasha muhiimka ah iyo xarumaha saliidda ee dalkaas ay weerarro la kulmeen intii uu socday dagaalka Iran.
Hase yeeshee, Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Maka, waxa uu dhaliyey su’aalo ku saabsan sida uu isu beddelayo miisaanka awoodda ee Bariga Dhexe. Khubaro ayaa saadaaliyey in heshiiskani noqon karo bilowga isbahaysi goboleed ballaadhan, kaas oo dhexda u istaagaya Israel iyo Iran, kana taxaddaraya labadaba.
Inkasta oo saddexda dal ay doonayaan inay muujiyaan awood iyo midnimo ay kaga hortagayaan khataraha gobolka, haddana waxay aad uga taxaddareen in heshiiska loo sawiro mid si toos ah cid gaar ah loogu cabsi gelinayo.
Falanqeeyayaasha ayaa tilmaamaya in saddexda dal ay ka fogaadeen inay si cad uga cadhaysiiyaan dalalka ay gobolka ee ay is hayaan. Ilaa haddana ma cadda heerka uu heshiisku soo faragashanayo colaadaha dalalkaasi ku socda.
Pakistan waxay tan iyo bishii Febraayo ku jirtay dagaal xuduudeed kala dhexeeya Afghanistan, halka bishii May 2025na ay dhowr maalmood rasaas isweydaarsadeen India oo iyaduna ah quwad nukliyeer ah.
Sacuudi Carabiya, dhankeeda, waxaa dhowr jeer weerar ku qaaday Iran iyo xulafadeeda tan iyo markii uu dabayaaqadii Febraayo qarxay dagaalka Mareykanka iyo Israel ee ka dhanka ah Iran.
Turkiguna sannado badan ayuu dagaal kula jiray kooxaha hubaysan ee Kurdiyiinta, gudaha iyo dibadda dalkaba. Xiisadda u dhaxeysa Israel ayaa iyaduna kor u kacday. Haseyeeshee khubaradu waxa ay sheegayaan inaan weli la garanayn sida Heshiiska Maka ee saddexdan dal ugu lug yeelan karo colaadahaas.