10 views 8 mins 0 comments

Maxaa Burburiyey Heshiiskii Mareykanka iyo Iran? Falanqayn Ku Saabsan Qabyadda MoU-ga

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanku oggolaaday in dib loo bilaabo wada-hadallada Iran, kaddib markii, sida uu sheegay, Tehran ay codsatay in la sii wado wadaxaajoodyada. Hase yeeshee, Trump ayaa isla mar ahaantaas ku dhawaaqay in xabbad-joojintii u dhexeysay Mareykanka iyo Iran ay “gebi ahaanba burburtay”, kadib laba maalmood oo ay labada dhinac is-weydaarsadeen weerarro iyo duqeymo culus.

Habeenimadii Salaada ilaa Khamiistii toddobaadkan, Mareykanka iyo Iran ayuu dhex marey iska hor imaadkii militari ee ugu weynaa tan iyo markii 17-kii Juun la saxeexay is-afgarad horseeday muddo 60 maalmood ah oo wada-xaajood iyo xabbad-joojin ah. Mareykanka ayaa markii hore weeraray 85 bartilmaameed oo ku yaalla Iran habeenimadii Salaadii iyo subaxnimadii Arbacada, kadib markii maraakiib ganacsi oo marayay Marinka Hormuz la weeraray.

Iran ayaa Arbacadii kaga jawaabtay weerarro ay ku qaaday saldhigyo iyo kaabayaal milatari oo Mareykanku ku leeyahay dalalka Khaliijka. Taas oo dhalisay weerarro kale oo uu Mareykanku ku qaaday 90 bartilmaameed oo Iran ku yaalla habeenimadii Arbacada, iyo weerarro kale oo Khamiistii lagu qaaday gobollada koonfureed ee xeebaha iyo bariga Iran. Tehran waxay sheegtay in qaar ka mid ah weerarradaasi ay gaadheen kaabayaal rayid ah, arrintaas oo oo Iiran ku tilmaamtey danbi dagaal.

Ugu horeyn qodobka koowaad ee heshiiska oo dhigayay in Mareykanka, Iran iyo xulafadoodu joojiyaan dhammaan howlgalada militari ee jihooyinka colaadda, oo ay ku jirto Lubnaan islamarkaana lagu xusey in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Lubnaan heshiiska si toos ah loo guma xusin Israel iyo Xisbullah, oo ah dhinacyada ugu muhiimsan ee dagaalka ka socda Lubnaan.

Taas oo heshiiska gelisay muhmal sharci iyo mid siyaasadeed. Israel iyo Xisbullah oo aan midkoodna heshiiska saxeexin, ma aysan jirin hanaan la isla garanayo oo loogu qasbi karo inay xabbad-joojinta u hoggaansamaan. Iran waxay ku doodaysaa in Mareykanku jebiyey heshiiska markii uu u oggolaaday Israel inay sii waddo weerarrada koonfurta Lubnaan. Washington se waxay ku doodi kartaa inaysan si buuxda u maamuli karin go’aannada militari ee Israel, gaar ahaan maadaama Israel aysan si rasmi ahaan qayb uga ahayn heshiiska.

Sidoo kale, heshiisku waxba kama sheegin waxa laga filayo Iran marka la eego taageerada ay siiso Xisbullah iyo kooxaha kale ee hubeysan ee gobolka. Ma cadda in xabbad-joojinta Lubnaan ay ka dhigan tahay in Tehran joojiso hubka, dhaqaalaha iyo taageerada siyaasadeed ee ay siiso Xisbullah, ama in keliya laga doonayo inaysan si toos ah uga qaybgalin dagaalka. Mugdigani waxa uu labada dhinac siinayaa fursad uu midba heshiiska ugu fasirto si u gaar ah.

Khilaafka labaad, oo noqday imtixaanka ugu weyn ee heshiiska, waa Marinka Hormuz. Qodobka shanaad ee is afgaradku waxa uu sheegayaa in Iran ay dadaalkeeda ugu wanaagsan ku bixin doonto badbaadinta maraakiibta ganacsiga muddo 60 maalmood ah, isla markaana maraakiibtu si bilaash ah uga gudbi doonaan Gacanka Faaris iyo Badda Cumaan. Qodobku waxa kale oo uu xusayay in Iran ay ka shaqayn doonto nadiifinta miinooyinka iyo ka saarista caqabadaha farsamo iyo milatari.

Hase yeeshee, heshiisku ma uusan qeexin waddada ay maraakiibtu mari doonaan, cidda maamulaysa amniga marinka, ama sida loo kala saari doono biyaha ay Iran maamusho iyo kuwa ay Cumaan ka taliso. Iran waxay samaysay waddooyin gaar ah oo ay ansixiyeen Ciidamada Ilaalada Kacaanka, halka Mareykanka iyo dalal kale ay isku dayayaan in ay abuuraan marinno kale oo koonfurta marinka ah si looga maarmo biyaha ay Iran maamusho.

Hase ahaatee, labadaasi nidaam ee mid Iran ay sheeganayso inay iyadu maamusho midna ay taageerayaan Mareykanka, Cumaan iyo dhinacyada kale ee caalami ahi midkoodna si cad looguma xusin heshiiska. Tehran waxay u aragtaa maraakiibta ka leexata waddada ay Ciidamada Ilaalada Kacaanka dejiyeen inay jebinayaan nidaamka amniga, halka Washington ay u aragto weerar kasta oo lagu qaado maraakiibtaas inuu yahay gef cad oo lagu sameeyey xorriyadda isu-socodka badda.

Waxaa intaas dheer muranka ku saabsan qorshaha Iran ee ah inay mustaqbalka lacag ka qaaddo maraakiibta ka gudbaysa marinka. Heshiisku kaliya waxa uu sheegayaa in maraakiibtu si bilaash ah ku mari doonaan muddo 60 maalmood ah, balse waxba kama sheegin waxa dhacaya marka muddadaasi dhammaato. Iran waxay doonaysaa inay awooddeeda juqraafiyeed u beddesho saameyn dhaqaale oo joogto ah, halka Mareykanku ka cabsi qabo in taas ay Tehran siin doonto awood ay ku xakamayso qayb weyn oo ka mid ah ganacsiga shidaalka dunida.

Khilaafka saddexaad waxa uu ku saabsan yahay kalsooni-darrada u dhexeysa Washington iyo Tehran. Iran waxay ku eedaynaysaa Mareykanka inuu dhowr jeer weerarro qaaday xilli wada-hadallo socdaan, waxayna ku doodaysaa in arrintaasi muujinayso in Washington ay diblomaasiyadda u adeegsanayso cadaadis militari, halkii ay u arki lahayd waddo nabadeed oo iskeed u taagan.

Dhanka Mareykanka, Madaxweyne Trump ayaa dhinac ka sheegay in wada-hadallada Iran ay yihiin kuwo aan faa’iido badan lahayn oo waqti lagu luminayo, hase yeeshee dhinaca kale waxa uu oggolaaday in wafdiga Mareykanka uu sii wado wada-xaajoodka. Taasina waxay muujinaysaa in Washington ay isku mar adeegsanayso laba xeeladood oo kala ah in ay cadaadis militari ku hayso Iran, isla markaana ay albaabku u furan yahay xal diblomaasiyadeed haddii wada-hadalladu midho dhalaan.

Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaal badan ayaa weli qaba in Mareykanka iyo Iran midkoodna uusan u muuqanin inuu diyaar u yahay in uu dib ugu noqdo dagaal buuxa. Qiimaha dagaalkaas oo saameyn ku yeelan kara saldhigyada Mareykanka ee Khaliijka, kaabayaasha Iran, qiimaha shidaalka caalamka iyo amniga gobolka oo dhan.

Marka la soo koobo, khilaafka kama taagna keliya in heshiiska la jebiyey, balse waa in heshiiskii laftiisu uusan si cad uga jawaabin su’aalihii ugu adkaa. Israel iyo Xisbullah laguma darin saxiixayaasha heshiiska, doorka Iran ee kooxaha gobolka lama qeexin, maamulka Marinka Hormuz si buuxda looma go’aamin, waddooyinka maraakiibta lama isla meel dhigin, halka arrinta lacagaha laga qaadayo marinkuna weli muran ka taagan yahay.

Wada-hadalladu waxaa la ga yaabaa in ay dib u bilaabaan, balse ilaa qodobbadan si cad loo qeexo, heshiis kasta oo cusub waxa uu mar kale halis ugu jiraa inuu ku burburo fasiraado kala duwan, kalsooni-darro iyo weerarro cusub.