Waxaa baraha bulshada iyo warbaahinta falanqeeya arrimaha Geeska Afrika si weyn loo ga hadal hayey dood ku saabsan war dhawaan kasoo baxay safiirka Somaliland u magacawday Israa’iil, Mxamed Hagi kaas oo sheegay in la qorsheynayo in safaaradda Somaliland laga furo magaalada Qudus (Jerusalem). Waxaana jira dhinacyo iska soo hor jeeda oo badhkood u arkaan in talaabadi ay tahay fursad Somaliland ay ku muujiso madaxbanaanida go’aamadeeda iyo sida ay u ga go’an yihiin dedaalada geedisocodka aqoonsi raadinta islamarkaana ay u tahay waddan saaxiibtinimadisa la isku haleyn karo.
Halka dad badan oo kalena ay ku doodayaan inay tahay talaabo halisteeda leh oo Somaliland albaaba hor leh ka soo xidhi karta. Waxaana jira walaac laga muujinayo in Somaliland ay lumiso fursado diblomaasiyadeed oo ay ka heli lahayd dalalka Carabta iyo guud ahaan dunida Muslimka, maadaama Qudus ay tahay magaalo aad u xasaasi ah oo diimeed.
Haseyeeshee Somaliland oo muddo dheer dunida ka sugeysey aqoonsi caalami ah gaar ahaan waddamada Islaamka iyo kuwa Afrika, kaas oo aan midho dhalin, waxay u muuqataa in ay qaadatay siyaasad ku dhisan “dan qaran” oo ay ku ballaarinayso xiriirkeeda caalamiga ah iyada oo aan ku xirnayn hal dariiq oo diblomaasiyadeed oo kaliya.
Si kastaba ha ahaantee waxa aynu barnaamijkan si kooban ugu eegeynaa taariikhda siyaasadeed ee magaaladda Qudus ee barakeysan ama sida ay reer Galbeedku u yaqaanaan Jerusalem iyo sida uu aduunku u la macaamilo.
1967-kii, Dagaalkii lixda maalmood socday kadib, Israel waxay qabsatay Bariga Qudus oo markaas ka tirsanaa Jordan, waxayna markii ugu horreysay gacanta ku dhigtay magaalada oo dhan. Tan iyo waqtigaas, Qudus waxay isu beddeshay mid kamid ah magaalooyinka ugu muranka badan dunida; meel ay ku kulmaan loolan diimeed, mid siyaasaddeed iyo rabshado joogto ah.
Israel waxa ay markiiba magaalada ku dartay maamulkeeda, iyada oo 1980-kiina ku sheegtay in Jerusalem ay tahay “caasimadda aan la qaybin karin ee Isreal.” Hase yeeshee, beesha caalamka inteeda badan arrintaas ma aqbalin. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaana soo saaray qaraarkii 478, kaas oo sharci-darro ku tilmaamay go’aanka Israel isla markaana ugu baaqay dalalka caalamka inay safaaradahooda ka raraan Qudus. Markaas waxaa safaarado kulahaa Qudus wadamo ka badan 12 oo ay ku jiraan Netherlands, Uruguay, Venezuela iyo qaar kale. haseyeesheesee amarkaas qaramada midoobey kadib dhamaan safaaradahaasi waxay u guureen Tel eviv.
Muddo ku dhow 40 sannona, inta badan dunidu waxay ka fogaatay inay safaarado ka furato Jerusalem, maadaama xaaladda magaalada loo arkayay arrin wali muran caalami ahi ka taagan yahay. Sidaas darteed Tel Aviv ayaa noqotay xarunta safaaradaha Israel laga furo, ka hor intii aan mudo xileedkii hore ee Trump, 2018 Mareykanku safaaraddiisa u wareejinin Jerusalem. Kadibna Guatemala ayaa raacday. Waddamo kale sida Paraguay iyo Honduras ayaa iyaguna tallaabooyin la mid ah qaaday, inkastoo qaar dib uga noqdeen ama heerar kala duwan ku joogaan.
Laakiin dalalka waaweyn ee reer galbeedka sida: Boqortooyada midowdey ee Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka, Canada iyo Japanmwali safaaradahooda waxay ku leeyihiin Tel Aviv, iyagoo qaba in xaaladda kama dambaysta ah ee Jerusalem lagu go’aamiyo wada-hadallada Falastiin iyo Israel.
Waxaa jira nooc gaar ah oo xafiisyo diblomaasiyadeed ah oo ku yaalla Jerusalem kuwaas oo aan si toos ah uga hoos shaqeyn safaaradaha dalalkaas ee Israel, balse si gaar ah ugu shaqeeya arrimaha Falastiiniyiinta iyo dhulka Falastiin.
Dalalkan leh xafiisyadaas ayaa intooda badan waxay safaaradahooda Israel ku leeyihiin Tel Aviv, laakiin sidoo kale waxay Jerusalem ku leeyihiin “Consulate General” ama xafiis diblomaasiyadeed gaar ah oo xiriir la leh Falastiiniyiinta, gaar ahaan Bariga Qudus, Daanta Galbeed iyo mararka qaar Gaza.
Dalalka hadda leh xafiisyadaas waxaa kamid ah:
- UK
- France
- Turkey
- Spain
- Italy iyo qaar kale oo badan
Xafiisyadan intooda badan waxay ku yaallaan Bariga Qudus, waxayna si gaar ah ula shaqeeyaan shacabka Falastiiniyiinta. Waxa xiiso leh in madaxda xafiisyadani aysan waraaqaha aqoonsiga u gudbin madaxweynaha Israel sida safiirrada kale sameeyaan, sababta oo ah si rasmi ah looguma aqoonsana inay yihiin ergooyin u jooga Israel.
Tusaale ahaan, British Consulate General Jerusalem wuxuu si cad u sheegayaa inuu matalo UK “Jerusalem, West Bank and Gaza” isla markaana mowqifka Britain ee Jerusalem aanu wali go’aan kama dambeys ah gaadhin.
Sidoo kale Mareykanku muddo dheer wuxuu Jerusalem ku lahaa qunsuliyad gaar ah oo xidhiidhka Falastiiniyiinta maamuli jirtay tan iyo 1844. Qunsuliyaddaas oo aan hoos tegi jirin safaaradda Mareykanka ee Israel, balse si madax-bannaan ula shaqeyn jirtay Falastiiniyiinta. Arrintaas ayaa is beddeshay markii Donald Trump 2018 safaaradda Mareykanka u raray Jerusalem kadibna 2019 la xidhay qunsuliyaddaas oo lagu daray safaaradda cusub.
Waxaa kale oo xusid mudan in Qudus/Jerusalem wixii ka dambeysay 1967 ay noqotay mid kamid ah magaalooyinka ugu rabshadaha badan aduunka iyada oo martigelisay rabshado waaweyn, mudaharaadyo dhiig ku daatay, weerarro, kacdoonno iyo dagaallo si joogto ah ugu xirmayay muranka u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo Israel. kacdoonadii koowaad ee 1987 iyo tii labaad ee 2000 ayaa si gaar ah magaalada u beddelay, iyadoo waddooyinka Bariga Qudus ay noqdeen goobo ay maalin kasta isku horfadhiistaan dhalinyarada Falastiiniyiinta iyo ciidamada Israel. Magaalada ayaa marar badan gashay xaalad go’doon ah, waxaana caadi noqday xidhitaannada waddooyinka, ciidamada sida culus u hubeysan, rasaasta cinjirka ah, sunta dadka ka ilmaysiisa iyo weerarrada ka dhaca agagaarka Masjidka Al-Aqsa. Weerarro mindiyo loo adeegsaday, rasaas iyo falal aargoosi ah ayaa sidoo kale muddo dheer qayb ka ahaa nolosha magaalada.
Nolosha Falastiiniyiinta ku nool Bariga Qudus ayaa muddo dheer ahayd mid cadaadis badan wajahaysa. Dad badan ayaa ka cawda baaritaanno joogto ah, xannibaado dhaqdhaqaaq, xadhigyo sharci daraa, guryo la dumiyo iyo deegaameynta Yuhuuda oo si tartiib tartiib ah uga sii fidaya xaafadahooda. Ciidamada iyo booliska Israel ayaa si joogto ah u jooga xaafadaha Falastiiniyiinta, gaar ahaan meelaha u dhow Al-Aqsa, iyo Sheikh Jarrah. Ururrada xuquuqda aadanaha qaarkood ayaa ku eedeeyay Israel inay magaaladaas u adeegsato awood xad dhaaf ah, halka Israel ay sheegto inay tallaabooyinkaasi yihiin kuwo amni lagu sugayo.
