9 views 3 mins 0 comments

Dagaalka Ukriene waxa uu bedeley aragtidii la ga qabay awoodda haweenka ee dagaalka

Dagaalka Ukriene waxa uu bedeley aragtidii la ga qabay awoodda haweenka ee dagaalka, hoggaaminta militariga iyo warshadaha difaaca. Waa cinwaanka maqaal ay Zoe Strimpel ku daabacdey jariirada The Telegraph. Qoraalkan ayeynu si kooban ugu eegeynaa dooda ay Zoe ku dhiseyso aragtideeda, xogta ay daliishaneyso, caqabadaha iyo takoorka ay weli wajahayaan haweenkaasi, iyo su’aasha weyn ee ah dagaalku ma si dhab ah ayuu awood-siiyey haweenka Ukraine, mise baahida dagaalka ayaa jebisay albaabbo xidhnaa markii ciidanku u baahday dad badan?

Qoraagu wuxuu ku bilaabayaa in mid ka mid ah natiijooyinka aan inta badan laga hadlin ee dagaalka Ruushka iyo Ukraine ay yihiin isbeddelka lagu arkay kaalinta iyo aragtida haweenka dagaalka Ukraine. Sida maqaalka ku xusana, qiyaastii 75,000 haween ah ayaa ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Ukraine, waxaana askar si toos ah dagaalka uga howlgasha ah in ka badan 55,000, una dhiganta qiyaastii 8% guud ahaan ciidamada, kuwaas oo qaarkood hoggaamiyaan platoons, shirkado iyo cutubyo militari. Tiradaas ayaana korodhey in ka badan laba jibbaar tan iyo markii Ruushku duullaanka bilaabay Febraayo 2022.

Si kastaba ha ahaatee qoraagu bulshada ukreine wali waxa ay ku tilmaamaysaa in ay yihiin bulsho rageed halkaas oo Haweenka ciidanka ku jiraa ay weli la kulmaan takoor, jagooyinka ugu sarreeya ee taliska militarigana ay weli u badan yihiin rag. Waxa ayna qabtaa in aaney kaalinta iyo doorkooda dagaalka haweenku ku helin sinaan markii horeba jirtey balse dagaalku uu siiyay fursad ay ficil ahaan ugu caddeeyaan awooddooda, taas oo beddelaysa fikradihii bulshada. Haseyeeshee waxay sidoo kale soo bandhigeysaa in aan doorka haweenku intaasi ku koobneyn ee ay sidoo kale kaalmo waaweyn ka soo muuqdeen dhinaca tiknoolajiyadda dagaalka.
waxayna qoraagu tusaale muhiim ah u soo qaadanaysaa Iryna Terekh, oo 34 jir ah, madaxna ka ah shirkadda hubka ee Ukraine ee Fire Point shirkadaas oo sameysa gantaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee drones ka. Dagaalka Ukraine ayaana si gaar ah drones-ku waxay noqdeen qayb weyn oo dagaalka ka mid ah.

Sidaas darteed, haddii haweenku ka soo muuqdaan hawl-wadeennada diyaaradaha drones-ka, injineerrada, dhakhaatiirta qalliinka, taliyeyaasha ciidamada iyo madaxda shirkadaha hubka, waxay qayb ka noqonayaan dhamaan qaybaha nidaamka dagaalka taas oo ka balaadhan furimaha hore. si kastaba ha ahaatee qoraagu waxa uu qabaa in dumarka Ukreine ee askarata ahi ay ku jiraan laba dagaal oo midi yahay ka Ruushka ka labaadna takoorka.