Todobaadkan ayaa loo asteeyey in aas qaran loo sameeyo hoggaamiyihii Iran ee dhammaadkii Feberwery lagu diley duqeymihii Israel iyo Mareykanka, Ayatollah Cali Khamenei. Inkasta oo aasku muuqaal ahaan ahaa munaasabad baroordiiq qaran ah, haddana dhab ahaantii waxa uu noqday fariin siyaasadeed, mid amni iyo mid diblomaasiyadeed oo Tehran u dirtay shacabka gudaha, xulafadeeda gobolka iyo quwadaha caalamka. Dowladda Iran ayaana waxa ay isku dayaysaa inay dunida tusto in geerida hoggaamiyuhu aysan wiiqi doonin nidaamka Jamhuuriyadda Islaamiga ah, balse ay sii adkayn doonto isku duubnida iyo awoodda dowladda.
Malaayiin qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka Tehran iyo magaalooyin kale si ay uga qaybgalaan salaaddii janaasada iyo aaska qaran ee lagu maamuusay hoggaamiyaha. Meydka Khamenei ayaa loo qaaday meelo kala duwan oo ay ka mid yihiin Tehran, Qom iyo ugu dambayn Mashhad, halkaas oo lagu wado in lagu aaso, iyadoo dowladda Iran ay sheegtay in munaasabadaha baroordiiqda ay sii socon doonaan illaa 9-ka bishan. Dowladda Iran waxay warbaahinta gudaha iyo tan caalamkaba u adeegsatay muuqaallada shacabka tirada badan si ay u muujiso in nidaamku weli haysto taageero ballaadhan oo gudaha ah, inkasta oo sanadihii u dambeeyey Iran ay ka jireen mudaharaadyo iyo cadaadis dhaqaale oo sii xoogaysanayay. Sidaas darteed, isu soo baxaasi ma ahayn oo keliya baroordiiq, balse waxa uu sidoo kale ahaa bandhig awood siyaasadeed.
Waxaa sidoo kale hadalhayn dhalisey maqnaanshaha Mojtaba Khamenei, oo ah wiilka hoggaamiyaha beddelay, kaas oo aan ka soo muuqan munaasabadaha aaska. Arrintaasi ayaana dhalisay tuhunno kala duwan oo lagu faafiyey baraha bulshada iyo warbaahinta qaarkood, kuwaas oo sheegayay in laga yaabo inuu ku dhaawacmay weerarradii lagu dilay aabbihii. Hase yeeshee, sheegashooyinkaas ilaa hadda si madax-bannaan looma xaqiijin. Dhanka kale, saddexda wiil oo kale oo Cali Khamenei dhalay ayaa si muuqata uga soo qayb galay munaasabadaha, waxaana warbaahintu baahisay muuqaallo muujinaya iyagoo si weyn uga murugaysan geerida aabbahood.
Sidoo kale magaalada Tehran waxaa laga hirgeliyey mid ka mid ah hawlgalladii amni ee ugu waaweynaa ee Iran muddo dheer samayso. Waddooyin badan ayaa la xidhay, ciidamada ilaalada kacaanka (IRGC), booliska iyo hay’adaha sirdoonka ayaana si wadajir ah u sugayay ammaanka. Waxaana laga hor tagey cabsi kasta oo laga qabay weerarro dibadeed, falal argagixiso ama isku day kasta oo lagu carqaladayn karo munaasabadda. Iran ayaana waxa ay si fiican uga warqabtay in dhacdo sidan u weyn ay noqon karto bartilmaameed ay ka faa’iidaystaan cadawgeeda, gaar ahaan xilli gobolka uu wali ka jiro xiisad u dhaxaysa Iran, Israel iyo Mareykanka.
Madaxdii ka qaybgashay aaska ayaa iyaguna bixiyey sawir cad oo muujinaya halka ay maanta taagan tahay diblomaasiyadda Iran. Wufuud heer sare ah ayaa ka timid dalal ay saaxiibo la tahay Tehran, waxaana goobta ka muuqday mas’uuliyiin ka socday Ruushka, Shiinaha iyo dalal badan oo Bariga Dhexe, Aasiya iyo Afrika ah. Sidoo kale waxaa ka qayb galay hoggaamiyeyaasha ama ergada ururrada Iran taageerto sida Hezbollah, Xuuthiyiinta Yemen iyo kooxaha hubeysan ee Ciraaq. Joogitaankoodu ayaana muujinayay in shabakaddii saameynta gobolka ee Iran aysan ku xidhnayn hal qof oo la diley, iyo in aysan Iran tanaasul ka muujineyn saaxiibtinimadooda.
Marka la soo koobo, aaska hoggaamiyihii Iran ma ahayn oo keliya munaasabad lagu sagootinayay hoggaamiye geeriyooday. Waxa uu ahaa bandhig awoodeed, imtixaan amni, iyo fariin diblomaasiyadeed oo loo diray dunida. Inkasta oo dowladda Iran ay dadaal badan gelisay inay muujiso xasillooni iyo kala dambayn, haddana indhaha falanqeeyayaashu waxay weli ku sii jeedaan sida loo maamuli doono marxaladda kala-guurka, cidda saameynta ugu badan yeelan doonta, iyo in siyaasadda gudaha iyo tan dibadda ay isbeddeli doonaan iyo in kale.

