57 views 5 mins 0 comments

Maxay yihiin soo-jeedimaha Mareykanka ee la gu soo afjarayo dagaalka, halkee se Iran ka taagan tahay?

Warbaahinta Maraykanka ee Axios ayaa sheegtay in labada dhinac ee Iran iyo Maraykanka ay aad ugu dhow yihiin heshiis ku saabsan dukumenti ka kooban 14 qodob. Sida ku cad qoraalka heshiiskaas hordhaca ah, Iran waxay oggolaan doontaa inaysan sameysan hub nukliyeer ah isla markaana ay joojiso sifeynta uranium-ka muddo ugu yaraan 12 sano ah.

Dhanka kale, Maraykanka ayaa qaadi doona cunaqabataynta saaran Iran, waxa uuna sii dayn doonaa balaayiin dollar oo hanti Iran leedahay oo la xanibay ah. Labada dhinac oo hadda isku haya go’doominno iska soo horjeeda oo ka jira marin-biyoodka Hormuz ayaa sidoo kale dib u furi doona marinkaasi muddo 30 maalmood gudahood ah marka heshiiska la saxiixo.

Iran ayaa tobannaan sano ku jirtay cunaqabataynta Maraykanka, waxaana qaar ka mid ah cunaqabatayntaasi la qaaday heshiiskii nukliyeerka ee 2015, balse mar kale ayaa dib loo gu soo celiyey kadib markii Trump ka baxay heshiiskaas mudo-xileedkiisii hore. Waxaana Iran wali bangiyada aduunka kaga xaniban balaayiin dollar oo hanti Iran leedahay ah sababo la xidhiidha cunaqabataynta.

Lama oga waxa ay ku kala duwan yihiin qorshe 14 qodob ah oo Iran ay soo bandhigtay toddobaadkii hore iyo heshiiskan cusub.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa Khamiistii shalay, iyada oo soo xiganaysa ilo ku lug leh dhexdhexaadinta, sheegtay in wada-hadallada Maraykanka ay ku metelayaan ergayga gaarka ah ee Trump Steve Witkoff iyo wiilka uu sodoga u yahay Trump ee Jared Kushner. Haddii labada dhinac ay isku raacaan heshiiska hordhaca ahna, waxaa bilaaban doona 30 maalmood oo wada-hadallo faahfaahsan ah laguna gaadhayo heshiis dhammeystiran.

Heshiiska buuxa ayaa lagu soo afjari doonaa go’doominta ay Maraykanka iyo Iran isku hayaan marinka Hormuz, waxaa la qaadi doonaa cunaqabataynta Maraykanka ee Iran, waxaana la sii deyn doonaa hantida Iran ee la xayirey. Waxa kale oo heshiisku ku jiri doona xaddidaado lagu soo rogayo barnaamijka nukliyeerka Iran, kaas oo ay oggolaatay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan kormeerka nukliyeerka.

Inkasta oo ilo-wareedyadu sheegeen in heshiiska hordhaca ahi aanu marka hore ku qasbeyn labada dhinac tanaasul weyn, haddana ma aysan xusin dhowr dalab oo muhiim ah oo Maraykanku horey u soo jeediyay balse Iran ay diiday, sida: in la xaddido gantaallada Iran iyo in Iran ay joojiso taageerada kooxaha hubeysan ee gobolka Bariga Dhexe.
Sidoo kale lama xusin kaydka Iran ee uranium-ka heerkiisu ku dhow yahay mid hub lagu sameyn karo, kaas oo lagu qiyaasay in ka badan 400kg.
Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, oo saaxiib dhow la ah Trump, ayaa Arbacadii sheegay in isaga iyo Trump ay isku raaceen in dhammaan uranium-ka la sifeeyey laga saaro Iran si looga hortago inay sameysato hub nukliyeer ah.
Maraykanka iyo Israel ayaa bishii June duqeeyey xarumaha nukliyeerka Iran intii lagu jiray dagaalkii 12-ka maalmood socday, Trump ayaana sheegtay in barnaamijka nukliyeerka Iran “gebi ahaanba ay burburiyeen”.

Iran ayaa ku adkeysaneysa in barnaamijkeedu yahay mid nabadeed oo waafaqsan heshiiska caalamiga ah ee ka hortagga faafitaanka hubka nukliyeerka.

Inkasta oo aanay Iran wali si rasmi ah ugama jawaabin qorshaha cusub ee Maraykanka, Xildhibaan Iiraan u qaabilsan guddiga siyaasadda arrimaha dibadda iyo amniga qaranka, Ebrahim Rezaee, ayaa qoraalka heshiiska ku tilmaamay: “liiska rabitaanka Maraykanka mid ka badan xaqiiqda.”
Guddoomiyaha baarlamaanka Iran, Mohammad Bagher Ghalibaf, ayaa isna ku jeesjeesay wararka sheegaya in heshiis la isku dhow yahay, isagoo baraha bulshada ku qoray: “Hawlgalkii ‘I AAMIN SAAXIIB’ wuu fashilmey| Operation Trust Me Bro failed.”
Si kastaba ha ahaatee wararka ayaa sheegaya in Iran ay ku adkaysanayso: “In marxaladdan aan laga wada-hadlin barnaamijkeeda nukliyeerka, balse diiradda la saaro keliya in labada joojiyo dhammaan jihooyinka dagaalka iyo inay hesho dammaanad toos ah oo ka timaadda Golaha Ammaanka ee QM, cunaqabataynta oo la ga waado iyo dib u furista marin-biyoodka Hormuz. Haddii taas la gaadhana, wareega labaad ee wadahadaladda ay diyaar u yihiin inay ka wada-hadlaan barnaamijkooda nukliyeerka,” ayuu yidhi.
Kaaliyihii hore ee xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka, Mark Kimmitt, ayaa sheegay in dalabka Trump ee ah in Iran gebi ahaanba joojiso sifeynta uranium-ka uu yahay mid aan macquul ahayn, isla markaana Tehran aysan aqbali doonin.
“Haddii ay jirto wax Iran ku adkeysan doonto wada-hadalladan, waa xaqa ay u leedahay inay uranium-ka sifeyso ilaa heerka 3.67%, taas oo uu oggol yahay heshiiska caalamiga ah ee nukliyeerka,” ayuu yidhi.
Kimmitt waxa kale oo uu sheegay in xitaa heshiiskii 2015 uu Iran u oggolaanayey inay sii waddo sifeynta uranium-ka. Iran ayaa kor u qaaday heerka sifeynta ilaa 60% kadib markii Trump ka baxay heshiiskaas sanadkii 2018.