68 views 4 mins 0 comments

Falcelinta waddamada uu Trump ugu baaqey inay ku soo biiran howlgalka Hormuz

In Wararka
March 16, 2026
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhammaadkii toddobaadka ka codsaday waddamada xulafada la ah inay gacan ka geystaan sugidda amniga marinka baddeed ee Strait of Hormuz.

Falcelinta waddamada uu Trump ugu baaqey inay ku soo biiran howlgalka Hormuz Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhammaadkii toddobaadka ka codsaday waddamada xulafada la ah inay gacan ka geystaan sugidda amniga marinka baddeed ee Hormuz, xilli ciidamada Iran ay sii wadaan weerarro ka dhan ah marinkaas muhiimka ah ee biyaha, iyada oo dagaalka u dhexeeya Maraykanka iyo Israel ee ka dhanka ah Iran-na uu galay toddobaadkiisii saddexaad. Trump ayaa sheegay in maamulkiisu uu hore ula xidhiidhey toddobo dal, kuwaas oo aanu xusin magacyadooda. Haseyeeshee qoraal uu hore ugu daabacay baraha bulshada ayuu ku sheegey in uu rajaynayo in waddamo ay ka mid yihiin China, France, Japan, South Korea iyo United Kingdom ay ka qayb qaataan howlgalkaas. Iran ayaa si rasmi ah u xidhay marinka Hormuz, oo ah marin badeed cidhiidhi ah oo u dhexeeya Iran iyo Oman, taasoo hakad gelisay ku dhowaad shan meelood meel sahayda saliidda ee dunida, arrintan ayaana noqotay carqaladdii ugu weynayd ee soo wajahda sahayda tamarta caalamka.

Waa kuwan falcilinta qaar ka mid ah waddamada uu baaqa u direy Trump iyo jawaabta codsiga Washington ee ah inay maraakiib u diraan gobolka:

Japan

Ra’iisul wasaaraha dalkaas Sanae Takaichi ayaa Isniintii sheegtay in Japan aysan hadda qorsheynayn inay dirto maraakiib ciidan oo ilaalinaya maraakiibta ganacsiga ee Bariga Dhexe. “Wax go’aan ah kama aannaan gaarin dirista maraakiib ilaalisa ganacsiga Bariga Dhexe. Waxaan sii wadeynaa inaan dib u eegno waxa Japan ay si madaxbannaan u qaban karto iyo waxa sharcigu oggol yahay,” ayay Takaichi u ka hor tidhi baarlamaanka dalkaas. Waxa ay sidoo kale sheegtay inay toddobaadkan u safri doonto Washington halkaas oo ay wadahadallo ay ka mid yihiin arimaha la xidhiidha colaada Iran ay kula yeelan doonto Trump.

Australia

Australia ayaan iyaduna diri doonin maraakiib ciidan si ay uga qayb qaataan dib u furista marinka Hormuz, sida uu sheegay wasiir ka tirsan xukuumaddaas. “Ma dirayno markab u socda marinka Hormuz. Waan ognahay sida ay muhiim u tahay, balse taas ma aha wax nalaga codsadey ama aan hadda ku biirinayno,” ayay Catherine King u sheegtay warbaahinta dowladda ee ABC.

South Korea

Xafiiska madaxtooyada South Korea ayaa sheegay inay si dhow uga la xidhiidhi doonaan arinkan Maraykanka, islamarkaana ay go’aan ka gaadhi doonaan kadib marka ay si taxadir leh u qiimeeyaan.

Dastuurka Kuuriyada Koonfureed ayaana dhigaya in hadii loo baahdo in ciidamo loo diro dibadda ay ku ansaxeyso ogolaanshaha baarlamaanka, waxaana siyaasiyiin mucaarad ahi sheegeen in dirista maraakiib dagaal ay u baahan doonto ansixinta sharci-dejiyeyaasha.

Britain

Ra’iisul wasaaraha dalka Britain Keir Starmer iyo Madaxweynaha Markeykan Donald Trump ayaa ka wada hadley muhiimadda ay leedahay in dib loo furo marinka Hormuz si loo wax looga qabto carqaladdaha ku yimi maraakiibta ganacsiga caalamiga ah, sida uu sheegay xafiiska Downing Street. Starmer ayaa sidoo kale la hadlay Ra’iisul Wasaaraha Canada, Mark Carney, iyada oo lagu heshiiyey in wadahadaladda ku saabsan xiisadda Bariga Dhexe lagu sii wado kulan la qorsheeyay Isniinta.

Midowga Yurub

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa Isniinta ka wada hadlaya xoojinta hawlgal badeed yar oo ay ku leeyihiin Bariga Dhexe, balse lama filayo inay ka hadlaan sidii howlagalkaas loo gaadhsiin lahaa marinka Hormuz.

Germany

Wasiirka arrimaha dibadda ee Germany, Johann Wadephul, ayaa sheegay in hawlgalka badeedee Midowga Yurub ee loo yaqaano Aspides uusan xitaa si buuxda u qaban karin shaqadiisa hadda. “Sababtaas awgeed aad ayaan uga shakisanahay in balaadhinta hawlgalka Aspides ee marinka Hormuz ay keeni doonto amni ka wanaagsan xaalada hada,” ayuu ku sheegay wareysi uu siiyay telefishinka ARD ee Jarmalka.