32 views 4 mins 0 comments

Muxuu daaran yahay khilaafka ka dhex qarxey Raysarwasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni iyo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump?

Khilaaf shakhsi ah oo si weyn u shaac baxay ayaa toddobaadkan soo kala dhex galay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni, kadib markii Trump uu warbaahinta Talyaaniga ka sheegay hadal jeesjees ah oo uu ku sheegey in Meloni ay ka bariday sawir xilligii ay ku sugnaayeen shirkii G7 ee ka dhacay Faransiiska. Trump waxa uu sheegay in uu sawirka uu ula galay “naxariis darted”, isaga oo hadalka u dhigey qaab yasmo ah iyo kaftan dhaawacaya sumcadda Meloni. Intaas waxa uu ku darey in ujeedada ay sawirka uga baridey tahay si ay u dhisto taageeradeeda gudaha.

Meloni ayaa si degdeg ah uga jawaabtay hadalkaas, waxayna ku tilmaantay “sheeko gebi ahaanba la sameeyey” oo aan waxba ka jirin. Iyada oo si cad u tidhi: “Aniga iyo Talyaanigu cidna ma barinno.” Kadibna waxay Trump ugu baaqday inuu ka fikiro sumcaddiisa halkii uu ka weerari lahaa xulafadiisa oo ay uga jeedo Talyaani, waxayna xustay in taageeradeeda guduhu aanay ku xirnayn sawir ay la gasho madaxweynaha Mareykanka.

Khilaafku halkaas kuma joogsan. Trump ayaa maalintii xigtay mar kale ku celiyey hadalkiisii, isagoo xitaa bartiisa Truth Social ku qoray magaca Meloni oo uu si qaldan u higaadiyey, kuna andacooday inay doonayso inay “saaxiibtinimada dib u soo celiso si ay kor ugu qaaddo taageeradeeda gudaha.” Meloni ayaa iyaduna mar kale soo jawaabtay, waxayna ku qortay Ingiriisi: “Madaxweyne Trump, weerarradan aan sababta lahayn waa kuwo aan macno lahayn. Caannimadaydu ma aha arrin adiga ku khusaysa. Waxaan kugula talinayaa inaad ka welwesho taada.”

Haseyeeshee xiisaddu ma ahayn oo keliya muran ku saabsan sawir ama hadal jeesjees ah. Asalka khilaafku waxa uu dib ugu laabanayaa bilihii la soo dhaafay, gaar ahaan dagaalka Iran iyo doorka Talyaaniga ee xulafada reer galbeedka. Trump ayaa sheegey in uu aad uga cadhooday go’aankii Talyaaniga uu kaga hor istaagtay diyaarado Mareykan ah inay adeegsadaan saldhig militari oo ku yaalla Sicily xilligii colaadda Iran, arrintaas oo Talyaanigu ku sababeeyey in Mareykanku aanu marin habraacyadii lagama maarmaanka ahaa. Tallaabadaas waxay ahayd farriin muujinaysa in Talyaanigu aanu diyaar u ahayn inuu si toos ah ugu lug yeesho dagaal kasta oo Washington hoggaaminayso.

Sidoo kale, Meloni waxay si isa soo taraysa uga fogaanaysay khadka adag ee Trump ee ku wajahan Bariga Dhexe. Waxay ka hortimid weerarradii afka ahaa ee Trump ku qaaday Pope Leo, waxayna doorbidday in Talyaanigu ku adkaysto diblomaasiyad iyo xasillooni halkii uu geli lahaa mowqif dagaal oo toos ah. Sidaas darteed, khilaafka maanta muuqda waxa uu ka tarjumayaa kala fogaansho siyaasadeed oo ka weyn hadallada la isku tuurayo.

Jawaabta Talyaanigu kuma ekaan Meloni oo keliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda Antonio Tajani ayaa baajiyey safar uu ku tagi lahaa Mareykanka, waxaana sidoo kale la joojiyey shir ganacsi oo Talyaani iyo Mareykanku ku yeelan lahaayeen Miami. Saraakiil sare oo ka tirsan xukuumadda Meloni ayaa si kulul u cambaareeyey hadallada Trump, qaarna waxay ku tilmaameen kuwo dhaawacaya xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Yurub.

Gunaanadkii, khilaafka Trump iyo Meloni wuxuu muujinayaa laba arrimood. Midda koowaad waa in xiriirka shaqsiga ah ee labada hoggaamiye uu si muuqata u dhaawacmay. Midda labaadna waa in Talyaanigu aanu doonayn inuu si indho la’aan ah ula safnaado Washington, gaar ahaan marka ay timaaddo dagaallada Bariga Dhexe. Taasi waxay ka dhigan tahay in muranka toddobaadkan uusan ahayn oo keliya hadal kulul oo dhex maray laba siyaasi, balse uu noqon karo calaamad muujinaysa kala fogaansho siyaasadeed oo sii ballaaran oo u dhexeeya Trump iyo mid ka mid ah xulafadiisii ugu muhiimsanaa ee Yurub.