Dalka Saudi Arabia ayaa sheegay in nidaamyadiisa difaaca cirku ay qabteen oo soo rideen 10 diyaaradood oo nooca loo yaqaano drones-ka ah kuwaas oo lagu arkay hawada agagaarka caasimadda Riyadh iyo sidoo kale gobollada bari ee dalkaasi. Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaana sheegay in drones-ka la arkay ka hor inta aysan gaadhin bartilmaameedyadooda, isla markaana nidaamyada difaaca hawadu ay si dhammeystiran u burburiyeen ka hor intii aan wax khasaare ahi ka dhalan weerarkan. Dhanka kale, ciidamada ilaalada kacaanka ee Iran, (IRGC), ayaa si degdeg ah jawaab u ga bixiyey iyaga oo bayaan ay soo saareen ku diidey masuuliyada weerarkaas iskana fogeeyey inay wax lug ah ku leeyihiin. “Weerarkan wax xidhiidh ah lama laha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, dowladda Sacuudiguna waa inay baadhaa halka ay ka yimaadeen weerarradani,” ayaa lagu yiri bayaanka. Dhacdadan ayaa imanaysa xilli xiisadda gobolka ay sii kordhayso, lamana oga cida dhab ahaan qaadaneysa masuuliyadda weerarkaas, oo lala xidhiidhinayo dagaalka ka dhex socda Iran iyo Israel.

