Telefishinka Ruushka ee RT ayaa soo bandhigay qorshe qarsoodi ah oo ay diyaarinayso Iiraan, kaas oo diiradda lagu saarayo sidii ay u wajihi lahayd duullaan kasta oo kaga yimaada dhanka Maraykanka iyo Israa’iil haddii uu dagaalku dib u qarxo. Warbixintan ayaa muujinaysa in xeeladda ugu weyn ee Tehran ay tahay adeegsiga marinka Hormuz, oo ah halbowlaha tamarta adduunka; iyadoo qorshuhu yahay in si baaxad leh loogu rido miinooyinka badda oo loogu talagalay inay curyaamiyaan socodka maraakiibta ganacsiga.
Sida ay muujinayaan qiyaaso lagu kalsoon yahay oo ay soo xigteen majaladda Forbes iyo warbixinnada sirdoonka, Iiraan waxay gacanta ku haysaa kayd aad u ballaadhan oo miinooyinka badda ah, kuwaas oo tiradoodu u dhaxayso 2,000 ilaa 6,000 oo xabbo. Miinooyinkan ayaan ahayn kuwo hal nooc ah, balse waxay isugu jiraan kuwa si is-kood ah u qarxa marka uu markabku taabto iyo kuwa aad u casriyeysan oo ku shaqeeya dareemayaal kala duwan. Waxaa ka mid ah kuwa ku qarxa marka ay dareemaan birta ama awoodda magnet-ka ee markabka, kuwa maqla dhawaqa mishiinka, iyo xitaa kuwa ka jawaaba isbeddelka cadaadiska biyaha ee ay keento socodka maraakiibta waaweyn. Inta badan hubkan khatarta ah waa mid ay Iiraan gudaha dalkeeda ku farsamaysay, halka inta kalena ay ka soo iibsatay dalalka Shiinaha iyo Ruushka.
Dhinaca kale, xog sirdoon oo ay baahisay shabakadda CNN ayaa xaqiijinaysa in ciidanka Iiraan ay si layaab leh uga badbaadiyeen duullaankii Maraykanka iyo Israa’iil inta u dhaxaysa 80% ilaa 90% doonniyadeedii yaryaraa iyo qalabka loo adeegsado aaska miinooyinka. Tani waxay siinaysaa awood ay si degdeg ah marinka Hormuz ugu dhex ridi karaan boqolaal miinooyin dheeraad ah muddo kooban gudaheed, iyadoo la adeegsanayo doonyaha aadka u dheereeya oo aan raadaarku qaban, gujisyo si qarsoodi ah u socda, iyo xitaa maraakiib ganacsi oo loo qaabeeyey inay si dhuumasho ah u aasaan miinooyinkaas.
Ugu dambeyntii, istiraatiijiyaddan Iiraan ma aha mid loogu talagalay oo kaliya iska hor-imaad milatari, balse waa istiraatiijiyad lagu beegsanayo dhaqaalaha dunida; si cadaadis xooggan loogu saaro Maraykanka inuu joojiyo dagaalka Iiraan. Marka la eego in Hormuz uu yahay marinka ugu weyn ee shidaalka adduunku maro, dhigista miinooyinkan waxay keenaysaa in caymiska maraakiibtu kor u kaco, caalamkuna uu galo xaalad cabsi ah oo keenta in qiimaha shidaalku uu gaadho heerar aan hore loo arag. Tani waxay Iiraan u saamaxaysaa inay dunida oo dhan u afduubto danaha difaaceeda qaran.
