Wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada mucaaradka ayaa maanta oo Khamiis ah galaya marxalad cusub, iyada oo laga gudbayo kulamadii hordhaca ahaa loona gudbayo doodaha ku saabsan qodobbada ugu waaweyn ee salka u ah khilaafka siyaasadeed ee dalka.
Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee ay si fool ka fool ah isugu hor fariistaan guddiyada farsamo ee Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, waxaana goob-joog ka ah wakiillo ka socda Turkiga iyo dalalka reer Galbeedka, kuwaas oo fududeynaya wada-hadallada.
Sida ay sheegayaan ilo ku dhow wada-xaajoodka, qodobka ugu weyn ee maanta laga doodayo waa hannaanka doorashooyinka iyo maamulka marxaladda kala-guurka. Golaha Mustaqbalka ayaa la filayaa inuu miiska saaro hindisihiisa doorasho, kaas oo ku dhisan in codbixiyeyaashu noqdaan kuwo ballaaran, in la dhiso laba guddi doorasho, in la kordhiyo deegaan-doorashooyinka, isla markaana kuraasta lagu qaybsado nidaamka 4.5 ee beelaha. Hindisahan ayaa si weyn uga duwan qorshaha Dowladda Federaalka oo ku saleysan hirgelinta nidaamka qof iyo cod.
Dhanka kale, beesha caalamka ayaa aqbashay in Madasha Midnimada Qaran, oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid, ay qayb ka noqoto wada-hadallada iyadoo la sheegayo in ajandaha doorasho ee ay wataan Madasha Midnimada Qaran uu aad ugu dhow yahay hindisaha Dowladda Federaalka ee qof iyo codka. Waxa kale oo kulanka ka qaybgalaya xisbiga Nabad iyo Nolol.
Si kastaba ha ahaatee, arrinta ugu weyn ee indhaha lagu hayo ayaa ah in dhinacyadu awood u yeelan doonaan iyo in kale inay isu soo dhowaadaan. Golaha Mustaqbalka ayaana waxa uu ku adkaysanayaa hannaan ku dhisan is-afgarad siyaasadeed, halka Dowladda Federaalka ay difaacayso qorshaheeda doorasho. Taas ayaana kulamadan ka dhigaysaa kuwo go’aamin kara jihada siyaasadeed ee Soomaaliya bilaha soo socda.
Natiijada kulamadan ayaa sidoo kale muujin doonta in dhexdhexaadinta ay wadaan Turkiga iyo dalalka reer Galbeedku ay horseedi karto heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, ama in kala aragti duwanaanshaha dhinacyadu uu sii dheereeyo ismariwaaga doorashooyinka oo muddooyinkii dambe hareeyey siyaasadda Soomaaliya.

