149 views 4 mins 0 comments

Budhcad-baddeed Soomaaliyeed oo Mar kale Markab Afduubey

In Bogga Hore, Wararka
May 03, 2026

Markabka shidaalka qaada ee M/T EUREKA oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta, ayaa Burcad-badeed Soomaali ahi ka afduubeen xeebaha Yemen, meel u dhow magaalada Shabwa ee gobolka Xadramuut ,

Ilaalada xeebaha Yemen ayaa sheegay afduubka markabka, iyo in uu u jihaysan yahay dhanka Soomaaliya. Halka Ilo kale oo xog ogaal ahi ay soo wariyeen in burcad-badeeddu ay markabka kula wareegeen gacanka Cadmeed, meel u dhow dekedda Qana.

Burcad-badeeddu ayaana ka dhaqaaqey xeebta aaga magaalada Qandala, sida ay BBC u sheegeen saddex sarkaal oo ka tirsan maamulka Puntland.

Dhacdadan ayaa noqoneysaa afduubkii labaad ee markab shidaal sida muddo 10 maalmood gudahood, iyo afduubkii afraad ee mudo laba todobaad ah. kadib markii 20-kii Abriil la qabsaday markabka kalluumeysiga ee Alkhary 2, kaas oo ciidanka ilaalada xeebaha Puntland ay xogtiisa la wadaageen Ciidamada Badda ee Midowga Yurub. Maalintii xigtay, waxaa la afduubey markabka Honor 25 oo waday 18,500 foosto oo shidaal ah kuna socday. Haseeyeeshee maalintii saddexaad waxaa la sii daayey markabkii kalluumeysiga Alkheyr 2. 26 kii April-na waxaa lagu qabsadey meel u dhow xeebaha Garacad Markab ganacsi oo lagu magacaabo Sward, masuuliyiinta Puntland ayaana sidoo kale xaqiijiyey afduubkaas.

Burcad-badeednimadu inkasta oo ay mudo dheer ka jirtay xeebaha Soomaaliya, Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya islamarkaana Kumanaan shaqaale la gu afduubay ama la weeraray badahaas, iyadoo madax-furasho malaayiin doolar ah la gu dalban jiray, hadana sannadihii u dhexeeyey 2005 ilaa 2012 waxay aheeyeen kuwii ugu sii darnaa wxaana World Bank uu qiyaasay in sannadahaas madax-furashadu gaadhay $339 milyan ilaa $413 milyan. 2011 oo keliya ayaana, la diiwaangeliyay 212 weerar

Haseyeeshee Isbahaysi caalami ah oo ay ku jiraan NATO, ciidamada badda ee midowga Yurub, isbahaysiga ciidamada badeed ee ilaalada baddaha caalamiga iyo hay’adaha Soomaaliya ayaa bilaabay roondooyin badeed. Tallaabooyinkaas iyo iskaashiga oo ay sidoo kale qayb ka ahaayeen 47 dal ayaa si weyn hoos ugu dhigay weerarradii.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa muuqata in khatarta iyo walaaca caalamiga ah ee ku saabsan dhaqdhaqaaqa budhcadbadeednimada Soomaaliya uu mar kale si xawaare sare ah isu soo tarayo. Burcad-badeednimada Soomaaliya oo hoos u dhacday tan iyo 2011, ayaa mar kale soo korortay ilaa dabayaaqadii 2023, kadib markii kooxda Xuutiyiinta Yemen ay weerarro ku bilaabeen maraakiibta ku sugan gacanka Cadmeed iyo Badda Cas. Weerarradaas ayaa ku qasbay ciidamada caalamiga ah inay diiradda saaraan khatarta Xuutiyiinta, taas oo fursad siisay kooxaha hubeysan ee xeebaha Soomaaliya inay ka faa’iideystaan firaaqaas amni.

Haseyeeshee iminka, qalalaasaha badeed ee uu sababey dagaalka saddex geesoodka ah ee u dhaxeeya Mareykanka, Iran iyo Isreal ayaa mar kale kor u sii qaadey suurtagalnimada qabsashada maraakiibta sabeynaya bad weynta hindiya iyo iyo gacanka cadceed. Kororka qiimaha shiidaalka ayaa isaguna ah qodob kale oo soo jiidanaya damaca budhcadbadeedka.  

Hay’adaha amniga badda ayaa ka digaya khatar sii kordheysa oo ku wajahan maraakiibta maraya xeebaha Somalia,

Kooxahan ayaan la garaneyn dhab ahaan cida ay ku tiirsan yihiin mana jirto sumad gooni loogu baadi soocdo iyo magic ay isugu yeedhaan haseyeeshee, afduubyadii hore ayey ku lug lahaayeen kalluumeysato deegaan ah ah iyo kooxo hubeysan oo ay ku jiraan kuwa xidhiidh la leh Daacish iyo al-Qaeda.