145 views 3 mins 0 comments

Dalalka Afrika iyo Kariibiyaanka ayaa dalbaday raalligelin rasmi ah iyo magdhow laga bixiyo ganacsigii addoonsiga

Dalalka Afrika iyo Kariibiyaanka ayaa dalbaday raalligelin rasmi ah iyo magdhow laga bixiyo ganacsigii addoonsiga ee Atlantic-ka ee lagu iibsan jirey dadka nool ee Afrikaanka ah kaas oo qarniyo badan socday.

Dalabkan ayaa yimid dhammaadkii shir saddex maalmood ka socday magaalada Accra ee dalka Ghana, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta dadaallada lagu raadinayo caddaalad iyo magdhow la xidhiidha addoonsigii malaayiinta Afrikaan ah ee loo qaaday Ameerika.

Shirkan ayaa daba socday qaraar taariikhi ah oo Golaha Guud ee Qaramada Midoobay uu bishii March ansixiyay, kaas oo addoonsiga Atlantic-ka ku tilmaamay “dambigii ugu weynaa ee ka dhanka ahaa bani’aadantinimada”, isla markaana ku baaqay in la sameeyo sanduuq caalami ah oo loogu talagalay magdhowga.

Waxaa la qiyaasaa in intii u dhexeysay qarniyadii 15-aad ilaa 19-aad, 12 ilaa 15 milyan oo Afrikaan ah oo isugu jira rag, dumar iyo carruur la qabtay loona iib geeyay qaaradaha Ameerika si loogu adeegsado shaqooyin kala duwan iyada oo la adoonsanayo.

Shirka Accra waxaa lagu ansixiyay qorshe ka kooban 19 qodob, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

  • In laga cafiyo deymo lagu leeyahay dalalka Afrika iyo Kariibiyaanka.
  • In dib loo celiyo hantidii dhaqameed ee la dhacay xilligii gumeysiga iyo addoonsiga.
  • In la sameeyo sanduuq caalami ah oo magdhow lagu bixiyo.
  • In si gaar ah loo tixgeliyo saameynta addoonsigu ku yeeshay haweenka iyo gabdhaha Afrikaanka ah.

Hoggaamiyeyaasha shirka ayaa sidoo kale ku baaqay in dalalkii ku lug lahaa ganacsigii addoonsiga ay bixiyaan “raalligelin buuxda, rasmi ah oo aan shuruudi ku xidhnayn.”

Qaraarka Qaramada Midoobay ee bishii March waxaa taageeray 123 dal, halka Mareykanka, Israel iyo Argentina ay diidmo ugu codeeyeen. 52 dal, oo ay ku jiraan Britain iyo dalalka Midowga Yurub, ayaana ka aamusay codbixinta.

Britain iyo Mareykanka ayaa muddo dheer diidanaa in ay bixiyaan magdhow. Dowladda Britain waxay ku doodday in hay’adaha maanta jira aan lagu qaadi karin masuuliyadda khaladaad dhacay qarniyo ka hor. Mareykankuna waxa uu sheegay inuusan aqoonsanayn “xuquuq sharci ah oo lagu dalban karo magdhow falal aan xilligaas sharci-darro ka ahayn sharciga caalamiga ah.”

Ilaa maanta, ma jiro waddan si rasmi ah magdhow u siiyay faracyada dadka la addoonsaday ama dalalka ay dhibaatadu saameysay. Waxaase xusid mudan in magdhowgii ugu weynaa ee la bixiyay qarnigii 19-aad uu inta badan gaaray milkiilayaashii addoomaha, halkii uu gaari lahaa dadka la addoonsaday. Tusaale ahaan, Britain waxay 1830-meeyadii bixisay lacag maanta u dhiganta in ka badan $21 bilyan, taas oo la siiyay milkiilayaashii addoomaha kadib markii addoonsiga la mamnuucay.