
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in Maraykanku uu bilaabi doono Isniinta maanta ah wax ay ay u bixiyeen ‘Project Freedom’ oo ah howlgal Mareykanku uu ku dhaafinayo marinka Hormus maraakiibta ku xayiran marin biyoodkaas oo Iran u xidhnaa mudo laba bilood iyo dheeraad ah.
Waxaanu bartiisa Truesocial ku qorey in isaga oo eegaya danta Iran, ta Bariga Dhexe, iyo ta Maraykankaba uu u u sheegay dalalkan leh maraakiibtaa in uu si badbaado leh uga saari doono maraakiibtooda marin-biyoodkaas ku xaniban, inkasta oo aanu sheegin dalalka uu caawinayo.
Hadalkan Trump ayaa yimid kadib markii warbaahinta ku xiran dowladda Iran ay sheegtay in Tehran ay heshay jawaab ka timid Maraykanka oo ku saabsan soo jeedintoodii nabadeed ee ugu dambeysay. Jawaabtaas oo loo soo mariyey Pakistan, ayaa Iran dib u eegaysaa, sida ay baahisay wakaaladda Tasnim.
Maraykanku weli si rasmi ah uma xaqiijin inuu jawaab siiyay Iran. Inkasta oo, Trump uu warbaahinta Israel u sheegay in soo jeedintaasi aysan ahayn mid uu aqbali karo.
Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in qorshaha nabadeed ee 14 qodob ah ay ku jiraan
- in Maraykanku ciidamadiisa ka saaro meelaha u dhow xuduudaha Iran
- in la joojiyo go’doominta badeed ee dekedaha Iran iyo
- in la dhammeeyo guud ahaanba colaadaha, oo ay ku jiraan weerarrada Israel ee Lubnaan
Sidoo kale qorshuhu wuxuu ku baaqayaa in heshiis lagu gaadho muddo 30 maalmood gudahood, isla markaana diiradda la saaro “soo afjaridda dagaalka” halkii laga sii dheereyn lahaa xabbad-joojinta hadda jirta.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iran, Esmaeil Baghaei, ayaana sheegay in aysan jirin marxaladdan wax wadahadalo ah oo ku saabsan nukliyeerka Iran taas oo ahayd dalab muhiim ah oo Maraykanku qabo.
Iran ayaa marar badan beenisay inay doonayso hub nukliyeer ah, iyada oo sheegtay in barnaamijkeedu yahay mid nabadeed, inkasta oo ay tahay dalka keliya ee aan haysan hub nukliyeer balse gaadhsiiyay uranium heer aad ugu dhow hub.
Trump ayaana tilmaamay in howlgalka loo bixiyay “Project Freedom” uu yahay mid bani’aadannimo, looguna talagalay in lagu badbaadiyo maraakiibta iyo shaqaalaha ku xayiran badda.
Taliska dhexe ee Maraykanka CENTCOM ayaa sheegay in howlgalka ay ka qeyb qaadan doonaan:
- 15,000 askari
- Maraakiib dagaal
- Iyo in ka badan 100 diyaaradood
Iyaga oo intaas ku darey in faragalin kasta ay kaga jawaabi doonaan dagaal.
waxaa xusid mudan in Qiyaastii 20,000 badmaax ay ku xayiran yihiin gacanka tan iyo markii dagaalku bilowday.
Marin-biyoodka Hormuz waxaa caadi ahaan mara qiyaastii 20% shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee dunida, taasoo sababtay in qiimaha tamarta uu si weyn u kaco.
Ugu dambeyn, hay’adda ganacsiga howlgaladda badda ee UK ayaa sheegtay in markab shidaal ah lagu dhuftay “walax aan la aqoon” gudaha marinka, balse shaqaalihii markabka ay badbaadeen.
