Madaxweynaha Mareykanka ayaa maanta oo Arbaca ah la filayaa in uu gaadho caasimada dalka chine Beijing markii ugu horreysay muddo sagaal sano ah. labadan dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida ayaa la filayaa inay ka wada hadlaan dhamaan ilaha xiisadda u dhexeeysa oo ay ka mid yihiin Iran, Taiwan iyo hubka nukliyeerka.
Haseyeeshee Arrinta koowaad ee la rajeynayo in uu kulankani ku saabsanaado ayaa ah ganacsiga. Muddo laba sano ah, Maraykanka iyo Shiinuhu waxay isku cadaadinayeen canshuuro ganacsi oo is-daba joog ah oo lagu kordhiyo badeecadaha mid ba ka kale u dhoofiyo. Kuwaas oo kor u qaada qiimaha qalabka elektarooniga ah, dharka iyo cuntada ay isticmaalaan dadka caadiga ahi.
Maraykanka iyo Shiinaha ayaa la filayaa inay ku heshiiyaan hannaan lagu fududeynayo ganacsiga iyo maalgashiga labada dhinac, halka Shiinaha la filayo inuu ku dhawaaqo in uu Mareykanka ka iibsan doono diyaaradaha Boeing, wax soo saarka beeraha Maraykanka iyo tamarta, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ahi. Macdanta dhifta ah ayaa iyaduna ka mid ah waxyaabaha miiska saaran
Waxaa sidoo kale la filayaa in shirkan si rasmi ah loo gaga dhawaaqo qorsheyaal lagu dhisayo Guddi Ganacsi iyo Guddi Maalgashi, inkasta oo mid ka mid ah saraakiishu uu sheegay in hababkaasi u baahan karaan shaqo dheeraad ah ka hor inta aan la dhaqan gelin.
Arrinta kale ee mihiimka ah ee la filayo in labada madaxweyne ka wada hadlaan ayaa ah Iran iyo dagaalka ka socdo Bariga Dhexe, Washington ayaana og in Chine uu xidhiidh toos ah la leedahay Tehran. Sidaas darteed, mid kamid ah codsiyada ugu waaweyn ee Maraykanku usoo gudbinayo Shiinaha kulankan, ayaa ah in uu si hoose ugu adeegsado saameynta Chine Iran iyo sidii Tehran loogu riixi lahaa heshiis ay la gasho Washington.
Sarkaal ka tirsan Mareykan ayaana sheegey in Madaxweyne Trump dhowr jeer kala hadley Xoghayaha Guud ee Chine Xi Jinping arrinta Iran iyo ta Ruushka, gaar ahaan dakhliga Shiinuhu siiyo labada nidaam iyo suurtagalnimada dhoofinta hubka, waxaanu sheegey in uu filayo in arimahaasi noqon doonaan kuwa laga wada hadlo.
Dhanka kale, Xi Jinping ayaa ka careysan siyaasadda Washington ee Taiwan. Maraykanku ayaana ah taageeraha ugu weyn ee caalamiga ah ee Twain isaga oo siiya hubka ugu badan. Halka uu Beijing ay aaminsan tahay in ay tahay dhul Shiine.
Shiinaha ayaana sanadihii u dambeeyay kordhiyay joogitaankiisa militari ee agagaarka Taiwan, balse sarkaalku u hadley Mareykanka ayaa sheegay in siyaasadda Maraykanka ee ku aadan Twain aysan isbeddeli doonin.
Washington ayaa sidoo kale muddo dheer rajeynaysay in ay wada-hadallo ku saabsan hubka nukliyeerka la furto Beijing, inkastoo Shiinuhu wali ka caga jiidayo inuu ka hadlo keydkiisa nukliyeerka.
Si kastaba ha ahaatee shirkan ayaa waxaa falaanqeeyayaasha siyaasadu isku raacsan yihiin in aanu noqon doonin mid lagu xaliyo wax kasta oo Mareykanka iyo Shiinuhu ku kala tagan yihiin balse u gu yaraan uu noqon doono mid la ga ga hor tago in xaaladu sii xumaato. Waxa kale oo suuragal ah in lasoo saaro bayaan wadajir ah oo si taxaddar leh loo qoray si uu macnayaal kala duwan ugu yeesho dhageystayaal kala duwan.
Falanqeeyayaal badan ayaa qaba in China uu hadda taagan yahay meel ka awood badan Washington, sababtoo ah Beijing waxay gacanta ku haysaa macdanta dhifka ah ee muhiimka u ah diyaaradaha dagaalka, AI, baabuurta korontada iyo warshadaha difaaca.
