Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa ku gacan seyray jawaabta Iran ee ku saabsan soo-jeedinta Maraykanka ee lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka, isagoo ku tilmaamay “mid gebi ahaanba aan la aqbali karin”.
Wakaaladda wararka ee Tasnim oo xiidhiidh dhow la leh dowladda Iran ayaa sheegtay in Tehran ay jawaabteeda u dirtay Maraykanka iyadoo adeegsanaysa Pakistan oo dhex-dhexaadinaysa wada-hadallada. Qorshaha Iran ayaa ku koobnaa in si degdeg ah loo joojiyo dhammaan jihooyinka dagaalka, in la soo afjaro go’doominta ciidamada badda Maraykanka ay ku hayaan dekedaha Iran, iyo ay helaan dammaanad qaad ah inaan weerar dambe lagu qaadin Iran.
Xabbad-joojin loogu talagalay in lagu fududeeyo wada-hadallada lagu soo afjarayo dagaalka ay billaabeen Maraykanka iyo Israel bishii February ayaa in badan la ilaaliyay, inkasta oo mararka qaar rasaas lays waydaarsadey. Horaantii toddobaadkana, Trump ayaa mar kale sheegay in dagaalka Iran “si dhakhso ah ku dhammaan doono”.
Si kastaba, Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in kaydka uranium-ka la hodmiyey ee Iran ay tahay in “laga saaro dalkaas” ka hor inta aan dagaalka loo arkin mid dhammaaday. “Weli waxaa jira xarumo hodmin oo u baahan in la burburiyo,” ayuu Netanyahu ku sheegay wareysi uu siiyay barnaamijka 60 Minutes ee CBS.
Sida ay warbaahinta dowladda Iran sheegtay, qorshaha Tehran waxa kale oo ku jiray dalab ah in magdhow laga siiyo khasaaraha dagaalka iyo madaxbannaanida Iran ee marinka Hormuz. Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa Axaddii yidhi: “Marnaba madaxa uma foorarin doono cadowga, waxaa la hadal hayaa wada-hadal ama gorgortan, haseyeeshee taas macnaheedu maaha isdhiibid ama dib-u-gurasho.”
Trump ayaa qoraal uu ku daabacay Truth Social ku yiri: “Waxaan hadda akhriyey jawaabta ka timid waxa loogu yeeray ‘wakiillada’ Iran. Ma jecli – GEBI AHAANBA LAMA AQBALI KARO.”
Warbaahinta Axios ayaa sheegtay in heshiiska is afgaradka ah ee halka bog ah oo ka kooban 14 qodob ee Maraykanka uu ku jiro joojinta hodminta uranium-ka Iran, qaadista cunaqabateynta iyo dib u furista marinka Hormuz. Warbixintu waxay soo xiganaysay laba mas’uul oo Maraykan ah iyo laba ilood oo kale oo aan magacyadooda la shaacin, kuwaas oo sheegay in qodobbadaasi ay dhaqan geli doonaan haddii heshiis rasmi ah la gaadho.
Iran ayaa sii wadday xannibaadda marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz, taas oo sababtay kororka qiimaha shidaalka adduunka. Qiyaastii 20% shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee dunida ayaa caadi ahaan mara marinkan.Dhanka kale, Maraykanka ayaa sii wada go’doominta dekedaha Iran si uu cadaadis ugu saaro Tehran inay aqbasho shuruudihiisa, arrintaas oo Iran si weyn uga cadheysiisay.
Ciidamada Israel iyo Maraykanka ayaa weerarro culus oo cirka ah ku qaaday Iran 28-kii February, halka xabbad-joojin rasmi ah ay dhaqan gashay bishii hore.
Iran ayaa uga digtay dalalka deriska ah inay u hoggaansamaan cunaqabateynta Maraykanka. Afhayeenka militariga Iran, Mohammad Akraminia, ayaa sheegay in maraakiibta maraya marinkka Hormuz ay wajihi doonaan “cawaaqib adag” haddii aysan marka hore la shaqeyn Tehran, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Irna.
Akraminia ayaa sidoo kale sheegay in Maraykanku “uusan waligiis awoodi doonin inuu marinkan ballaadhan ee waqooyiga Badweynta Hindiya ku rogo go’doomin dhab ah isagoo adeegsanaya maraakiibtiisa dagaalka”. Tehran ayaa adeegsanaysa gacan-ku-haynta marinka Hormuz, oo ay caadi ahaan ay maraan ku dhawaad shan meelood meel shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee dunida — tan iyo markii dagaalka uu billowday kadib weerarradii Maraykanka iyo Israel ku qaadeen Iran 28-kii February.
Iran ayaa digniino u dirtay maraakiibta isku dayaysa inay maraan marinka, iyadoo mararka qaar weerarro lagu qaaday maraakiibtaasi. Dhanka kale, Maraykanku wuxuu saldhigyo militari ku leeyahay dalal badan oo Khaliijka ah sida Qatar, Bahrain, Kuwait, United Arab Emirates, Saudi Arabia iyo Oman.
Sabtidii ayaa lagu dhawaaqay in ciidamada badda Britain ay markab dagaal u dirayaan Bariga Dhexe si uu uga qeyb qaato howlgal caalami ah oo lagu ilaalinayo maraakiibta maraya marinka Hormuz. Ra’iisul Wasaaraha Britain, Keir Starmer, iyo Madaxweynaha France, Emmanuel Macron, ayaa taageeraya qorshahan, balse Starmer wuxuu sheegay in howlgalkaasi uu bilaaban doono marka dagaalka gobolka uu dhammaado.
Iran ayaa Axaddii uga digtay France iyo Britain inay wajihi doonaan “jawaab degdeg ah oo adag” haddii ay ciidamo geeyaan marinka Hormuz. Macron ayaa markaas sheegay in France aysan qorsheynin ciidamo badeed balse ay taageersan tahay howlgal amni oo “lala jaanqaadayo Iran”.
Iran ayaa sidoo kale tallaabooyin ka dhan ah xulafada Carabta ee Maraykanka ka qaaday gobolka Khaliijka. Xarunta UKMTO ee la socota maraakiibta caalamiga ah ayaa sheegtay in markab xamuul ah lagu dhuftay “walax aan la aqoon” meel qiyaastii 43km waqooyi-bari ka xigta Doha, kaas oo sababay dab yar balse aan geysan khasaaro nafeed. Wakaaladda wararka ee Fars ayaa markii dambe sheegtay in markabkaasi uu watay calanka Maraykanka.
Sidoo kale, Kuwait ayaa sheegtay in diyaarado drones ah ay soo galeen hawadeeda islamarkaana militariga dalkaasi uu ka hortagay, halka saacado kadib Imaaraatku uu sheegay in nidaamkeeda difaaca cirka uu soo riday laba drone oo Iran laga soo diray.
Isniinta, wasiirrada gaashaandhigga ee in ka badan 40 dal ayaa kulan ka yeelan doona qorshaha ay Britain hoggaamineyso ee lagu ilaalinayo maraakiibta maraya marinka Hormuz. Kulanka waxaa wada guddoomin doona wasiirka gaashaandhigga Britain John Healey iyo dhiggiisa Faransiiska Catherine Vautrin, iyadoo la filayo in dalalka isbahaysiga ay soo bandhigaan sida ay u ilaalin doonaan isu socodka maraakiibta marka colaadaha la joojiyo.
Dhanka kale, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa 6-dii May qoraal uu ku daabacay Truth Social ku sheegay in haddii Iran aysan aqbalin heshiis, “duqeyntu ay bilaaban doonto, islamarkaana ay noqon doonto mid aad uga xoog iyo culays badan tii hore.”
