37 views 8 mins 0 comments

Tuhuno muujinaya in Imaaraatku uu si toos ah ugu jiray weerarada Iran la gu qaadey

Warbaahinta iyo falanqeeyayaasha xidhiidhka la leh dowladda Iran ayaa si isa soo taraysa u sheegay in Imaaraadku laga yaabo inuu ku lug lahaa weerarro lagu qaaday dhulka Iran, oo ay ku jiraan weerarro waxyeelleeyay xarumo shidaal oo ku yaalla jasiiradaha koonfureed.

Inkasta oo saraakiisha militariga Iran aysan si rasmi ah ugu eedeyn Imaaraadka weerarradaas, haddana barnaamijyo badan oo telefishinka dowladda ah ayaa si toos ah farta ugu fiiqay Imaaraadka.

8-dii April, kadib markii Trump ku dhawaaqay xabbad-joojin wax yar ka hor waqtigii uu Iran ugu qabtay inuu duqeeyo xarumaha korontada, warbaahinta Iran waxay baahisay muuqaallo muujinaya weerarro ka dhacay warshadda sifeynta shidaalka ee Lavan iyo qaraxyo ka dhacay Siri. Maraykanka iyo Israa’iil waxay sheegeen inaysan ku lug lahayn.

Wax yar kadib, kanaallada Telegram ee ciidamadda Ilaalada Kacaanka Iran iyo warbaahin kale ayaa faafiyay sawir la sheegay inuu muujinayo diyaarad Mirage 2000-9 oo Faransiisku sameeyay, kana tirsan ciidanka cirka Imaaraadka, oo dulmaraysa koonfurta Iran. Warbaahinta dowladda ku dhow ayaa si weyn u baahisay eedeyntaasi.

Mas’uuliyiinta Iran ayaa si isa soo taraysa fariimo digniin ah u gu bartilmaameedsanaya Imaaraatka, iyaga oo uga digey weerarro xooggan haddii Marayka iyo Israel dib u bilaabaan duqeymaha ay ku hayaan Iran.

“Magacii aynu Imaaraadka ugu yeedhi jirnay ee “deris’’ waa laga bedeley, waxaananu ku beddelay ‘saldhig cadow’,” ayuu telefishinka dowladda u sheegay Cali Khezrian oo xubin ka ah guddiga amniga qaranka ee baarlamaanka Iran.

Dalka Imaaraadka ayaa sidoo kale si toos ah loogu xusay bayaano ay bishan soo saarten xarunta dhexe ee ciidamada Iran ee Khatam al-Anbiya, kadib markii Iran iyo Maraykanku isweydaarsadeen weerarro la xidhiidha marinka Hormuz, inkasta oo xabbad-joojin lagu dhawaaqay bishii April.

Taliska wadajirka ah ee ay hoggaaminayaan saraakiisha ciidamadda Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC), ayaa toddobaadkii hore si toos ah ula hadlay hoggaanka Imaaraadka, waxayna u sheegeen inaan dalka loo beddelin “god ay leeyihiin Maraykanka iyo Sahyuuniyadda iyo ciidamadooda” si loogu khiyaameeyo dunida Islaamka.

Waxay sheegeen in xidhiidhka militari, siyaasadeed iyo sirdoon ee sii xoogeysanaya ee Imaaraadku la leeyahay Maraykanka iyo Israa’iil uu khatar ku yahay amniga gobolka, waxayna uga digeen “inay ka ga jawaabi doonaan burburin ay ka qoomameeyaan” haddii weerarro kale lagu qaado jasiiradaha iyo dekedaha koonfureed ee Iran.

Ciidamadda Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sidoo kale sheegtay in dekedda muhiimka ah ee Fujairah ay ku taallo aag ay Iran maamusho oo dhinaca badda marinka Hormuz ah, taas oo ka dhigan in maraakiibta tagaya ama ka imanaya dekeddaasi ay galaan “maamulka Iran”. Dekedda ayaa bishan la weeraray, balse Iran way beenisay inay mas’uul ka ahayd weerarkaas. Dhankiisa, Imaaraadku waxa uu si joogto ah u cambaareeyay weerarrada Iran wuxuuna sheegay inuu xaq u leeyahay inuu jawaab bixiyo, haba noqoto mid militari’e.

Imaaraadku waxa uu sidoo kale kansaley fiisayaal badan oo ay haysteen Iiraaniyiin muddo dheer ku noolaa dalkaasi, waxa uuna xidhay ganacsiyo, waddooyin ganacsi, shabakado sarif iyo hay’ado Iraniyiin ah.

Xidhiidhka sii xumaanaya ee labada dal ayaa sidoo kale saameyn weyn ku yeeshay Iran, maadaama badeecooyin badan ay Iran kasoo dejisan jirtay dalal saddexaad sida China ay soo mari jireen dekedaha Imaaraadka.

Mas’uuliyiinta Iran ayaa isku dayaya inay beddelaan waddooyinka badda ee ay lumiyeen iyaga oo adeegsanaya waddooyin dhulka ah oo mara Pakistan, Iraq, Turkiga iyo dalal kale oo deris ah, kadib go’doominta badeed ee Maraykanku ku hayo dekedaha Iran.

Waxaa jira sababo badan oo ay Iran si gaar ah diiradda u gu saareyso Imaratka sida in ciidamada Maraykanku ay muddo dheer joogeen Imaaraadka, gaar ahaan saldhigga cirka ee al-Dhafra oo ku dhow Abu Dhabi, halkaas oo ay ku sugan yihiin kumannaan askari iyo qalab casri ah oo ay ku jiraan raadaarro iyo nidaamyo sirdoon oo Ciidamadda Ilaalada Kacaanka Iran ay sheegeen in ay bartilmaameedsadeen intii uu dagaalku socday.

Sidoo kalena sanadkii 2020, Imaaraadka, Bahrain iyo Morocco waxay saxiixeen heshiisyadii Abraham Accords ee lagu caadiyeynayay xidhiidhkla Israa’iil. Donald Trump ayaa sheegay inuu doonayo inuu sii balaadhiyo heshiisyadaas, gaar ahaan isaga oo ku riixaya Saudi Arabia inay ku biirto balse dagaalkii Gaza ayaa hakiyay dadaalladaas. Trump waxa uu sidoo kale ammaanay Madaxweynaha Imaaraadka, Mohammed bin Zayed Al Nahyan, isagoo ku tilmaamay hoggaamiye caqli badan oo laga yaabo “inuu jidkiisa gaarka ah maro” kadib markii Imaaraadku ka baxay OPEC bishii hore.

Tan iyo saxiixii Abraham Accords, Israa’iil iyo Imaaraadku waxay si degdeg ah u ballaadhiyeen iskaashiga militari iyo sirdoon, halka shirkadda hubka ee Israa’iil Elbit Systems ay xarun ka samaysatay dalkaasi. Intii uu socday dagaalkan, Israa’iil waxay sidoo kale Imaaraadka geysay nidaamka difaaca gantaallada ee Iron Dome iyo askar lagu sheegay inay maamulaan nidaamkaas, arrintaas oo aan hore uga dhicin dal Carbeed oo kale.

La-taliyaha Madaxweynaha Imaaraadka, Anwar Gargash, ayaa 17-kii March sheegay in weerarrada Iran ee dalalka Carabta ay sii xoojinayaan xidhiidhka Israa’iil iyo dowladaha xidhiidhka la leh. Imaaraadku waxa uu sidoo kale sheegay in xidhiidhadiisa dibadda iyo heshiisyadiisa difaac ay yihiin “arrin ay u madax bannaan yihiin”, isla markaana Tehran ay isku dayayso inay marin habaabiso bulshada caalamka iyada oo ku andacoonaysa in dhulka iyo hawada dalalka Carabta loo adeegsado weerarro lagu qaado Iran.

Imaaraadka iyo Iran waxay sidoo kale muddo dheer isku hayeen jasiiradaha Greater Tunb, Lesser Tunb iyo Abu Musa, kuwaas oo Iran maamulaysay tan iyo 1971, laguna tilmaamo kuwo muhiim u ah xakamaynta marinka Hormuz.

Wasiirka iskaashiga caalamiga ah ee Imaaraadka, Reem al-Hashimy, ayaa bishii hore ku sheegtay sababta dalkooda loo weeraray in ay tahay in ay yihiin dal metala barwaaqo dhaqaale, soona dhoweynaa in ka badan 200 jinsiyadood oo kala duwan, iyada oo ku eedeysay Iran inay hantideeda ku bixisay barnaamijkeeda nukliyeerka.

Maalmo yar kadib markii dagaalku bilowday 28-kii February, warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka Imaaraadka ay si toos ah u duqeeyeen xarun biyaha lagu sifeeyo oo ku taal jasiiradda Qeshm ee Iran. Balse Cali al-Nuaimi oo ah mas’uul sare oo Imaaraad ah ayaa ku tilmaamay “war been abuur ah”, isagoo yiri: “Markaan wax sameyno, waxaan leenahay geesinimo aan ku sheegno.”

Tehran waxay weerarkaasi ku eedeysay isbahaysiga Maraykanka iyo Israa’iil, halka Ciidamadda Ilaalada Kacaanka Iran ay sheegeen inay gantaallo ku rideen saldhigga Juffair ee Bahrain maadaama ay rumeysnaayeen in halkaas laga fuliyay weerarka.

Horaantii April, telefishinka dowladda Iran ee IRIB ayaa soo bandhigay burburka diyaarad drone ah oo ay sheegeen inay ahayd nooca Wing Loong ee Shiinaha sameeyo, kaas oo Imaaraadku hore ugu adeegsaday Yemen.