Iiraan ayaa xilli dambe oo xalay ah weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku qaaday bartilmaameedyo Mareykanka la xidhiidha oo ku yaalla Kuwait, Baxrayn iyo waqooyiga Ciraaq, arrintaas oo kusoo beegantay xilli ay jireen rajooyin laga qabay in xiisadda labada dal ay u jihaysato heshiis rasmi ah kadib toddobaadyo wada-hadallo iyo xabbad-joojin ah.
Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC) ayaa sheegay in weerarradan ay jawaab u ahaayeen weerarro uu Mareykanku hore ugu qaaday markab shidaal oo Iiraan leedahay meel u dhow marinka Hormuz, kaas oo ay sheegeen in ay waxyeello kasoo gaadhay qolka matoorada. Sidoo kale Tehran waxay ku eedeysay Mareykanka inuu weeraray xarun isgaadhsiineed oo ku taallay jasiiradda Qeshm.
Iiraan ayaa digniin u dirtay Washington, waxayna sheegtay in weerar kasta oo cusub laga ga jawaabi doono tallaabooyin ka adag kuwii hore.
Dhanka kale, Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa xaqiijiyay in weerarro uga yimi Iiraan la la beegsaday saldhigyo iyo bartilmaameedyo ku yaalla gobolka, balse waxay sheegeen in inta badan gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn la qabtay ka hor inta aysan gaadhin bartilmaameedyadii loo wadey, islamarkaana aysan jirin khasaare weyn oo la diiwaangeliyay.
CENTCOM ayaa sidoo kale sheegay in weerarradii Mareykanka ee ka dhacay jasiiradda Qeshm ay ahaayeen tallaabooyin is-difaac ah oo jawaab u ahaa falalka Iiraan, iyaga oo ku adkeystay in xabbad-joojinta u dhexeysa labada dhinac ay wali sii socoto.
Dhacdooyinkan ayaa mar kale muujinaya sida xiisadda Mareykanka iyo Iiraan ay wali ugu dhex jirto xaalad u dhaxaysa dagaal iyo diblomaasiyad, inkasta oo ay jirto xabbad-joojin rasmi ahina, haddana weerarro isdaba joog ah iyo hanjabaadaha militari ayaa sare u qaadayaan halista ah in gobolka dib ugu laabto dagaal buuxa.
