88 views 4 mins 0 comments

Wax kasta oo aanu ka og nahay ”Project Freedom” 24 saacadood ee u danbeeyey

In Bogga Hore, Wararka
May 05, 2026

Madaxweyne Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Maraykanku uu hagi doono maraakiib ku xanniban Marinka Hormuz. Maalin kadib ku dhawaaqistaas, dagaal kooban ayaa dib u billowday, iyadoo Maraykanku uu beegsaday dhowr doonyood oo Iran leedahay, Iran-na ay iyaduna sheegtay inay weerarro fulisay.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in dalal “ka kala yimid adduunka oo dhan” ay Maraykanka ka codsadeen in uu ka caawiyo sii deynta maraakiibtooda ku xayiran Hormuz, kuwaas oo uu ku tilmaamay “kuwa aan waxba galabsan”.

Waxa uu sheegay in Maraykanku uu “hagayo maraakiibta si ay si nabad ah uga baxaan marin biyoodkaas xanniban”. Isaga oo intaa ku daray in ay tahay “tallaabo bani’aadamnimo” oo ay Maraykanku qaadey, isla markaana xitaa Iran ay qayb ka tahay faa’iidada, maadaama maraakiibtani ay wajahayaan dhibaatooyin sahayeed iyo xaalado adag.

Haseyeeshee, Iran waxay si adag u diidday sheegashadaas. Taliyaha ciidamada Iran ayaa sheegay in ay weerari doonaan “ciidamo kasta oo shisheeye” oo isku daya inay u soo dhowaadaan ama galaan marinka Hormuz, gaar ahaan ciidamada Maraykanka. Isaga oo sheegay in marinka lagu marayo kaliya amarka Iran.

Intaa kadibna Trump ayaa yidhi: “Waxaanu ridnay toddobo doomood oo yaryar ama sida ay ugu yeedhaan ‘fast boats’. Kuwaas oo ah waxa kaliya ee ay haystaan.” Ciidamada Maraykanka ayaana sheegay inay helikobtarro u adeegsadeen weerarka doonahaas.

Balse, Isla markiibana warbaahinta dowladda Iran ayaa beenisay sheegashada Trump, inkasta oo markii danbe wakaaladda wararka Tasnim ay sheegtay in laba markab oo xamuul oo yar la duqeeyey, isla markaana ay ku dhinteen shan qof oo rayid ah.

Dalalka Imaaraadka Carabta iyo South Korea ayaa labaduba Isniintii sheegay in weerarro lagu qaaday maraakiibta ay leeyihiin oo ku sugan marinka Hormuz. Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) ayaana sidoo sheegay in nidaamyadooda difaaca cirku ay la tacaalayaan weerarro gantaallo iyo diyaarado drone ah oo ka imaanaya Iran.

Wasaaradda Difaaca ee UAE ayaa sheegtay in ay qabteen gantaallo ballistic ah, gantaallo cruise ah, iyo diyaarado drone ah oo ku soo wajahnaa dalka oo dhan. Imaaraadka ayaa sidoo kale sheegay in dab ka kacay dekedda shidaalka ee Fujairah kadib weerar la sheegay in Iran ay fulisay.

Horey, Maraykanku wuxuu sheegay in maraakiib dagaal iyo maraakiib ganacsi oo wata calankiisa ay marinka ka gudbeen. Iran ayaa sheegashadaas ku tilmaantay “mid gebiahaanba been ah”, iyadoo ciidamadeedu sheegeen inay rideen rasaas digniin ah oo ku wajahan markab dagaal oo Maraykan ah, arrintaas oo Maraykankuna diiday.

Galabnimadii Isniintana, shirkadda Maersk ayaa sheegtay in Markabkeeda Alliance Fairfax oo wata calanka Maraykanka, kuna xayirnaa gacanka tan iyo weerarradii Maraykanka iyo Israel ee bishii Febraayo, uu ka baxay marinka Hormuz.

Shirkaddu ayaa sheegtay in Maraykanku la soo xidhiidhey, isla markaana loo soo bandhigay fursad ay markabku uga bixi karo gacanka iyadoo ay ilaalinayaan ciidamada Maraykanku.

Afhayeenka Aqalka Cad ayaa sheegay in Maraykanku uu qaaday tallaabo “difaac oo caalami ah” ah si loo ilaaliyo ganacsiga caalamiga ah loona caawiyo maraakiibta ku xanniban.

Taliska dhexe ee Maraykanka (Centcom) ayaa sheegay ayaa dhankooda sheegey inay howlgalkaas u adeegsanayaan burburiyeyaal badeed (destroyers), in ka badan 100 diyaaradood, diyaarado aan duuliye lahayn, iyo 15,000 askari.

Waxa kale oo la sheegay in diyaaradaha qumaatiga u kaca ay beegsadeen doonyo Iran leedahay oo lagu eedeeyay inay halis gelinayeen maraakiib rayid ah.

In kasta oo aan si rasmi ah loo faahfaahin sida uu u shaqaynayo ‘Project Freedom’, haddana waxaa la rumeysan yahay: in Maraykanku bixinayo difaac dhanka hawada oo laga ga hortago gantaalaha Iran ay ku beegsaneyso maraakiibta isku daya inay ka gudbaan marinka Hormuz. Si kastaba ha ahaatee, waxaa laga cabsi qabaa in isku dhacan militari uu si weyn u balaadho xabadjoojintuna burburto.