201 views 4 mins 0 comments

Shirkii NATO oo Soo Gabagaboobay: Maxay Ahayeen Qodobadii Ugu Muhiimsanaa?

Shir-madaxeedkii Isbahaysiga NATO ayaa lagu soo gabagabeeyey caasimadda Turkiga ee Ankara, kadib laba maalmood oo uu halkaas ka socday. Shirkan, oo ahaa kulan heer sare ah oo ay isugu yimaaddeen hoggaamiyeyaasha dalalka xubnaha ka ah NATO, ayaa ku soo beegmay xilli isbahaysigu wajahayo xaalado cakiran oo ay ka mid yihiin dagaalkii saddexda bilood socday ee Mareykanka iyo Israel ay la galeen Iran, hadallada joogtada ah ee Madaxweyne Donald Trump uu ku dhaleeceeyo xulafadiisa, iyo walaaca sii kordhaya ee Yurub ka qabto awoodda milatari ee Ruushka.

Dagaalka Iran ayaa ahaa qodob si weyn uga dhex muuqdey shirka iyo bayaanada ka soo baxayey, gaar ahaan kadib markii Trump uu sheegay in is-afgaradkii Washington iyo Tehran uu “uu gebi ahaanba burburey”. NATO ayaana Iran ugu baaqday inay ixtiraamto xorriyadda maraakiibta ka gudbaya Marinka Hormuz, iyada oo mar kale ku celisay in Tehran aan loo oggolaan karin hub nukliyeer.

Sida la filayey, qodobada ugu waaweyn ee shirka lagaga hadlay waxaa iyana ka mid ahaa kordhinta miisaaniyadda difaaca iyo taageerada Ukraine. NATO waxay ballanqaadday inay Ukraine siin doonto 70 bilyan oo Yuuro oo qiyaastii u dhigma 80 bilyan oo dollor oo gargaar ah. Madaxweyne Zelenskyy ayaana kulamo badan la yeeshay hoggaamiyeyaasha, waxaana Trump uu sheegay in Ukraine loo oggolaan doono inay gudaha Ukreine ku soo saarto nidaamyada difaaca gantaalaha iyo diyaaradaha ee uu sameeyey Mareykanku ee loo yaqaan Patriot.

Isla markaas waxaa la isla qaatey in la sii kordhin doono kharashaadka difaaca dalalka NATO gaar ahaan difaaca cirka, gantaallada, drones-ka, tiknoolajiyadda casriga ah, sirdoonka iyo adeegsiga garaadka macmalka ah ee milatariga si loo ilaaliyo, ayey yidhaahdeen, amniga ku dhowaad hal bilyan oo qof.

Tartanka Greenland iyo xiisada gobolka cidhifka waqooyi ee dunida ayaa iyaduna u muuqata in ay soo laba kacleysey intii uu socdey shirka NATO. Trump ayaa mar kale sheegay in Greenland muhiim u tahay Mareykanka, isaga oo ku dooday in Mareykanku si qalad ah dib ugu celiyay jasiiradan Denmark. Hayeshee Denmark iyo Midowga Yurub ayaa si cad uga horyimid hadalkaas, iyaga oo sheegay in mustaqbalka Greenland ay go’aaminayaan dadka Greenland iyo dowlada Denmark. Inkasta oo Xoghayaha Guud ee NATO, Mark Rutte, uu sheegay in Trump uu uu qodob sax ah ku taagan yahay marka la eego tartanka sii kordhaya ee Shiinaha iyo Ruushka ay ugu jiraan gobolka gobolka cidhifka waqooyi Arctic isaga oo xusey go’aanka ay NATO isku raacday ee ah inay si wadajir ah uga hortagto ballaarinta saameynta labadaas quwadood ee Ruushka iyo Shiinaha ee gobolkaasi istiraatiijiga ah.

Qodob kale ayaa isaguna ahaa cabashada Trump ee NATO. Inkasta oo uu ammaanay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, Trump waxa uu dhaleeceeyey qaar ka mid ah xulafada NATO, isaga oo sheegay inaysan si ku filan u garab istaagin Mareykanka dagaalkii Iran. Hadalkiisa ayaa shaaca ka qaadey in, inkasta oo shirku ku dhammaaday farriin midnimo ah, haddana khilaafyada gudaha NATO ay weli muuqdaan.

Guud ahaan, shirkii Ankara waxa uu muujiyey in NATO isku dayaysa inay isu muujiso mid mideysan, balse wajahaysa cadaadisyo waaweyn oo ay ka mid yihiin Ruushka, Iran, Ukraine, Greenland iyo su’aasha ah sida dalalka xubnaha ahi u wada qaadi doonaan culayska amniga reer Galbeedka.