213 views 2 mins 0 comments

Maraykanka iyo Iran oo ku dhow inay heshiis rasmi ah gaadhaan

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanka iyo Iran ay gaadheen “heshiis weyn”, waxaanu  xusay in heshiiska si rasmi ah loo saxiixi doono maalmaha soo socda, saxeexaas oo lag yaabo inuu ka dhaco Yurub.

Sida ay sheegayaan ilo ay soo xigatay Al Arabiya, heshiiska hordhaca ah ayaa ka koobnaan doona: xabad joojinta oo la kordhiyi muddo 60 maalmood ah, dib u furista marinka istaraatiijiga ah ee Hormuz, iyo bilaabashada wada-hadallo rasmi ah oo ku saabsan kaydka uranium-ka ee Iran iyo mustaqbalka barnaamijkeeda nukliyeerka.

Qorshaha ayaa sidoo kale dhigaya in dhammaan dhinacyadu joojiyaan weerarrada militari inta lagu jiro muddada heshiiska, iyada oo wixii khilaaf ah lagu xallin doono hannaan dhexdhexaadin iyo isku-duwid ah.

Dhanka kale, Mareykanka ayaa la filayaa inuu yareeyo qaar ka mid ah cunaqabateynta saaran Iran isla markaana qaado tallaabooyin lagu fududeynayo dib u soo kabashada dhaqaale ee dalkaas. Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegay in wada-hadallada nukliyeerka ay diiradda saari doonaan hababka kormeerka iyo xaqiijinta iyo xaddidaadaha mustaqbalka ee barnaamijka nukliyeerka Iran.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa xaqiijiyay in Trump uu kala hadlay heshiiska cusub ee la filayo in Tehran lagu geliyo wada-xaajood rasmi ah. Inkasta oo Israel aysan qayb ka ahayn heshiiska, Netanyahu ayaa la sheegay inuu soo dhaweeyay ballanqaadka Trump ee ku saabsan in heshiis kasta oo kama dambays ahi uu ka hadli doono uranium-ka Iran, kaabayaasha la gu hodmiyo, gantaallada ballistic-ga ah iyo taageerada kooxaha Iran ay gobolka ku leedahay.

Dhanka Iran, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in qayb weyn oo ka mid ah qoraalka wada-xaajoodka la dhammeystiray, taas oo muujinaysa in labada dhinac ay si weyn ugu dhow yihiin heshiis rasmi ah.

Haddii heshiiska la saxiixo, waxa ay noqon kartaa tallaabadii ugu weynayd ee dib loogu dejiyo xiisadaha u dhexeeya Washington iyo Tehran tan iyo markii dagaalkii ugu dambeeyay uu gobolka geliyay xaalad halis ah, isla markaana uu khatar geliyay ganacsiga caalamiga ah iyo marinka Hormuz.