196 views 6 mins 0 comments

Miyey Trump iyo Benjamin Netanyahu ku hungoobeen Natiijadii ay Ka Filayeen Dagaalka Iran

Ka hor inta aanu bilaabmin dagaalka Iran Madaxweyne Mareykanka Donald Trump iyo Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu waxay rumaysnaayeen in duulaan wada jir ah oo ay ku qaadaan Iran ay ka dhalan karto guul degdeg ah oo lagu soo afjaro dowladda kacaanka Islaamiga ah ee Iran, guushaas oo ay rumeysnaayeen in ay dib u  qaabeyn doonto Bariga Dhexe.

Markii Mareykanka iyo Israel ay dagaalka bilaabeen dhammaadkii February, labaduba waxay ku hadleen luqad muujinaysa in isbeddel taariikhi ahi soo socdo. Trump waxa ugu baaqay shacabka Iran inay diyaar u noqdaan inay la wareegaan dalkooda marka nidaamka hadda jira la rido. Netanyahu-na waxa uu hadalkiisu u muuqday qof ugu dambayn helay fursaddii uu afartan sano sugayay si uu u burburiyo nidaamka Iran.

Haseyeeshee waxaa dhacay xaqiiqo taas aad uga fog. in kasta oo isbedel uu ka dhacay gobolka hadana sidii ay rabeen Isreal iyo Maraykanku wax u ma dhicin. Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran lama jebin, waxaana hadda muuqanata in gobilku uu wajahayo khatar ah in uu galo qalalaase joogto ah iyo mustaqbal aan la saadaalin karin.

Dhacdadii ugu dambeeyay ee Iran ay ku soo ridday diyaarad helicopter ah oo nooca Apache ah oo Mareykanku leeyahay ayaa mar kale muujineysey in Iran wali awood u leedahay inay waxyeello gaadhsiiso Mareykanka, isla markaana aysan ka tanaasuleyn hadafkeeda ah inay dagaalkan ka baxdo iyada oo hubineysa in ay sii jirto isla markaana xoojinaysa awoodda ay kaga hortaggto cadowgeeda. Hadafka dagaalka Tehran, maaha qabsashado dhul cusub, balse waa badbaadinta nidaamkeeda iyo in la aqoonsado awooddeeda, gaar ahaan doorka ay ku leedahay marinka Hormuz taasina waxa ay ilaa hada u muuqata mid sugan.

Trump iyo saraakiishiisa militariga ayaa hadda isku dayaya inay si taxaddar leh uga jawaabaan dhacdooyinkan cusub, si ay u muujiyaan in Mareykanka aan la cabsi gelin karin, isla markaana ay u ilaaliyaan geeddi-socodka diblomaasiyadeed ee gaabiska ku socda. Trump waxa uu wali rajeynayaa heshiis dib loogu furo marinka Hormuz laguna bilaabo wada-hadallo waqti dheer socon kara oo ku saabsan uranium-ka Iran iyo barnaamijkeeda nukliyeerka.

Si kastaba ha ahaatee, dagaalku waxa uu noqday mid aan la isku raacsaneyn gudaha Mareykanka, taas oo Trump ku riixaysa inuu raadiyo waddo uu kaga baxo isaga oo guul siyaasadeed sheegan kara. Taasi se ma fududa.

Muddo dheer Netanyahu wuxuu ku doodayay in khatarta ugu weyn ee Israel aysan ka imaan Falastiiniyiinta ama dalalka Carabta, balse ay tahay Iran. Waxa uuna ku guuldareystay inuu madaxweynayaashii hore ee Mareykanka ku qanciyo weerar toos ah oo lagu qaado Iran, balse Trump ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee arrintaas oggolaada.

Labada hoggaamiye waxay aaminsanaayeen in Iran ay ku sugan tahay xaalad liidata, oo ay daaliyeen cunaqabateyno, musuqmaasuq iyo dhibaatooyin dhaqaale. Waxay sidoo kale arkayeen in Israel ay si weyn u dhaawacday xulafadii Iran sida Xamaas, Hezbollah iyo nidaamkii Bashar al-Assad ee Suuriya. Sidaas darteed waxay rumaysnaayeen in dilka hoggaanka sare ee Iran iyo cadaadiska militari ay sababi doonaan in nidaamku gudaha ka burburo.

Laakiin waxay si weyn u dhayalsadeen adkeysiga iyo awoodda Iran ee la qabsiga xaaladaha adag. Dowladda Iran waxay ku noolayd ku dhawaad nus qarni iyadoo wajahaysa hanjabaado joogto ah, waxayna muddo dheer dhisaysay qaab difaac iyo badbaado ku saleysan fikirkeeda diimeed, amni iyo istaraatiijiyadeed.

Sidaa darteed Iran, hoggaamiyeyaasha cusub ee beddelay kuwii lagu dilay weerarrada Mareykanka iyo Israel waxay u muuqdaan kuwo ka sii geesisan kuwii ka horreeyay. Waxay aaminsan yihiin in wada-hadallo keliya aysan ka damaanad qaadi doonin weerarro mustaqbalka ka yimaada Mareykanka ama Israel, sidaas darteedna ay muhiim tahay in ay muujiyaan in weerar kasta oo cusub ay leeyihiin awood ay kaga jawaaban mid u dhigma.

Dagaalku waxa uu sidoo kale dhaawac weyn gaarsiiyay dalalka Khaliijka ee xulafada la ah Mareykanka. Khasaaruhuna kuma koobna dakhliga shidaalka iyo warshadaha la xidhiidha, balse waxa uu taabanayaa aragtidii ay dalalkaas ku dhisayeen mustaqbalkooda oo ahayd in Khaliijku noqdo goob xasiloon oo u diyaar ah maalgashi iyo ganacsiga caalamiga ah. Dagaalka ayaa khatar geliyay sawirkaas.

Qodob muhiim ah oo ka mid ah istaraatiijiyadda Iran ayaa ah isku xidhka dagaalka Lubnaan iyo kan Khaliijka. Tehran waxay fariin ah in heshiis rasmi ah aan la gaadhi karin haddii Israel ay sii waddo weerarrada Lubnaan u dirtey Trump. Trump markii uu Netanyahu ku cadaadiyay inuu joojiyo qorshihii weerarka Beirut, waxa uu si dadban u muujiyay inuu aqoonsan yahay xidhiidhka u dhexeeya waxa ka dhacaya Lubnaan iyo jawaabteeda laga dareemayo khaliijka.

Netanyahu se arrintaas wuu diiday, isaga oo ku tilmaamay mid aan la aqbali karin. Mushkulada jirta ayaana ah in Trump uu mudnaanta siinayo danihiisa iyo sidii uu dagaalka ku soo afjari lahaa, halka Netanyahu uu wali doonayo inuu sii wado cadaadiska ilaa uu ka xaqiijiyo in Iran si buuxda loo wiiqay.

Si kastaba ha ahaatee waxaa run ah in isbedel weyni uu gobolka ka dhici doono. Balse Natiijadii ay filayeen ee ahayd Bari Dhexe cusub oo si buuxda looga adkaaday Iran waxa ay u muuqataa in ay ku soo ururtey dagaal daba dheeraadey, kharash badan iyo gobolka oo galay marxalad cusub oo hubanti la’aan ah.