44 views 6 mins 0 comments

Muxuu ku saabsanaa JCPOA, ama Joint Comprehensive Plan of Action?

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Truth Social ku sheegey in maanta oo Axad ah la saxeexayo heshiiskii hordhaca ahaa ee Iran iyo Mareykanka. Inkasta oo warkaas aaney ku raacin masuuliyiinta Iran hadana waxa uu isla qoraalkaas Trump ku dhaliilay heshiiskii nukliyeerka Iran ee loo yaqaanay JCPOA, kaas oo uu saxiixay Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama, isaga oo ku tilmaamay heshiiskaasI inuu ahaa waddo sahlan oo Iran ugu horseedi lahayd inay hesho hub nukliyeer ah.

Trump ayaana sheegay in heshiiska cusub ee uu maamulka Mareykanku la gelayo Iran iminka uu yahay mid gebi ahaanba ka duwan kii Obama, isla markaana ujeeddadiisu tahay in si buuxda looga hortago in Tehran ay hesho hub nukliyeer ah. waxa uuna ku adkaystay in Iran aysan mar dambe yeelan doonin hub nukliyeer ah, ha noqoto mid ay samaysato, iibsato ama si kale ku hesho.

JCPOA, ama Joint Comprehensive Plan of Action, waxa uu ahaa heshiis nukliyeer oo Iran iyo quwadaha waaweyn ay ku gaadheen Vienna 14-kii July 2015. Waxaa qayb ka ahaa Iran, Mareykanka, Britain, France, Germany, Russia, China iyo Midowga Yurub. Heshiiskaas ayaana dhigayey in Iran ay yareyso tirada mashiinnada uranium-ka lagu hodmiyo ee loo yaqaano centrifuges-ka kuwaas oo heshiiska ka hor ahaa ku dhawaad 19,000 mishiin balse heshiishku uu dhigayey in la gu koobo 5,060 mishiin oo yaalla kaliya xarunta Natanz muddo 10 sano ahna aan intaas la ga kordhin karin. Waxa kale oo uu heshiisku dhigayey in Heerka hodminta uranium-ka la xaddido laguna koobo ugu badnaan 3.67%. sameysashada hubka Nukriyeerka ayaana u baahan hodmin Uranium gaadhsiisan qiyaastii 90%. Waxay ayna Uraniumka Iran loogu talogaley in ay ku koobnaato koronto dhalin iyo adeegyada isticmaalka rayidka.

Sidoo kale heshiisku waxa uu farayey Iran in keydkii ay markaa haysatey oo dhammaa 10,000 kg kaliya lagu soo koobo 300 oo kg halka inta kalena laga saarayey Iran ama la khafiifiyey.

Xarunta Fordow oo ah xarun sir ah oo ku taala buur hoosteed ayaa iyadana heshiisku mamnuucey in mudo 15 sano ah la gu sameeyo wax uranium ah,

Xarunta  nukliyee ee loo yaqaan IR-40 oo ku taaley magaalada Arak oo qiyaastii 250 km koonfur-galbeed ka xigta Tehran ayaa iyadana heshiisku dhigayey in dib loo naqshadeeyo maadama oo ay awood u lahayd in ay soo saarto plutonium loo adeegsan karo hub nukliyeer ah.

Qodobka ugu muhiimsan heshiiskuna waxa uu ahaa in Iran ay ogolaatey kormeer joogto ah oo ay sameeyaan kormeerayaasha Hay’adda caalamiga ah ee Nukliyeerka aduunka. Hay’ada ayaana awood loo siiyey inay gali karto dhammaan xarumaha nukliyeerka iyo inay ku xidhan karto kamarado ay ka daawato, waxayna la socon kartay silsiladda sahayda nukliyeerka sanado badan.

Iran dhinaceeda waxa ay ku bedeletey Marka ay fuliso qodobadaas: in qaybo badan oo cunaqabateynta ay saartey Qaramada midoobey laga faydo, in qaybo badan oo cunaqabateynaha ay hore u saareen Yurub iyo Mareykanku la ga fududeeyo iyo in Tobanaan bilyan oo doolar oo hanti Iran leedahay ah la sii daayo islamarkaana shirkadaha shisheeye ee waaweyn loo ogolaado in ay dib uga howlgalaan Iran iyo waliba in la kordhiyo xadiga shiidaalka ay Iran dhoofiso.

Haseyeeshe Isreal si weyn ayaa ay uga soo hor jeesatey heshiiskaas waxayna aaminsaneyd in aanu heshiiskaasi si dhameystiran u joojineyn hamiga nukliyeerka Iran maadaama oo Heshiisku aanu si buuxda u burburinayn barnaamijka nukliyeerka Iran, balse uu kaliya xakameynayo, qaar badan oo xaddidaadaha ahina ay soconayaan 10 ilaa 15 sano oo kaliya. Sidoo kale Isreal waxa ay ku doodeysey in Lacagaha Iran loo sii deynayo ay kordhin karaan saameynteeda gobolka islamarkaana ay Iran sii wadan doonto horumarinta gantaallada ballistic-ga. Sababtaas ayaanu Netanyahu heshiiska ugu yeedhay “mid taariikh ahaan qalad weyn ahaa.

2018-na Trump waxa uu ka baxay heshiiskaas JCPOA isaga oo ku doodaya in: Heshiisku aad u jilicsanaa islamarkaasna Uusan ka hadlin gantaallada Iran, aanu waxba ka odhan kooxaha Iran taageerto ee gobolka sida Xamaas iyo Xisbulaah iyo in Uusan si rasmi ah u cidhibtireyn barnaamijka nukliyeerka Iran.

Kadib Mareykanku waxa uu dib u soo celiyay cunaqabateyntii Iran saarney Iran-na waxay si tartiib tartiib ah uga baxday xaddidaadihii heshiiska.

Iyada oo kordhisay:

            •           Tirada mashiinada Uraniumka.

            •           Kaydka uranium-ka iyo

            •           Heerka hodminta uranium-ka.