29 views 3 mins 0 comments

Trump cadowgiisa waxa uu kula macaamilaa macaan iyo qadhaadh meel ku wada yaal

Intii uu socdey dagaalka Iran, xiisadda u dhexeysa Washington iyo Venezuela, dagaalka ganacsi ee Mareykanka iyo China, iyo xitaa colaadda Ukraine iyo Ruushka, waxaa xoog u shaac baxdey shakhsiyad siyaasadeedka Donald Trump ee ku dhisan cadaadiska uu dhinac socdo heshiisku. Siyaasaddan oo falanqeeyayaal badani ku tilmaamaan “maximum pressure diplomacy” ama diblomaasiyadda cadaadiska uu sarreeya, waxa ay ku salaysan tahay in marka hore la kordhiyo culayska dhaqaale, siyaasadeed ama militari si dhinaca kale xaalada loogu adkeeyo, ka dibna isla cadaadiskaas laga dhigo qalab loogu riixo wada-hadal iyo heshiis., waxay ku dhisan tahay in marka hore la abuuro xaalad cabsi leh, cadaadis dhaqaale, hanjabaado militari ama jahawareer siyaasadeed, kadibna dhinaca kale lagu qasbo inuu miiska wada-hadalka yimaado. Trump wuxuu inta badan adeegsadaa hadallo adag, canshuuro, cunaqabateyn ama digniino militari si uu u abuuro cakirnaan, balse isla waqtigaas waxa uu albaabka u furaa heshiis iyo wada-xaajood, isagoo aaminsan in cadaadisku yahay qalabka ugu muhiimsan ee lagu gaaro “heshiis”-ka uu doonayo. Siyaasaddan ayaa ka dhigtay diblomaasiyaddiisa mid aan la saadaalin karin.

hal maalin gudaheed ayaana laga yaabaa in la ga maqlo hanjabaad dagaal iyo hadal nabadeed oo is barbar socda. 

Trump laftiisa ayaa marar badan ku faanay inuu yahay “Heshiis abuure xirfad leh”, taas oo ka dhigaysa inuu dagaalka, canshuuraha, cunaqabateynta iyo hanjabaadaha u arko qalab uu heshiisyada u gaadho,

Arrinta Iran ayaana tusaale cad u noqotey siyaasaddan. Bilihii lasoo dhaafay Trump wuxuu marar badan sheegay in Tehran ay wajahihi doonto “weerarro aan hore loo arag” haddii aan la gaadhin heshiis dhammeystiran, waxa uu balanqaadey in uu baabiin doono kaabayasha rayidka, waxa uu godoomiyey dhamaan dekadaha Iran waxaanu hanjabaado is dabajoog ah u dirayey maamulka dalkaas haseyeeeshee isla markaas waxa uu dhinac wadey saadaalino wanaagsan iyo yididiilo heshiis isaga oo tobanaan jeer ka dhawaajiyey isfagrada uu sheegey in intiisii badneyd soo dhammaatey waxaanu albaabka u furayay wada-xaajoodyo ay dhexdhexaadinayaan Pakistan, Qatar iyo dalal kale oo gobolka ah.

Sidoo kale dagaalkii ganacsi ee China ayuu Trump u adeegsaday isla qaabkan. Wuxuu Beijing ku rogay canshuuro waaweyn iyo cadaadis dhaqaale, balse ugu dambeyn wuxuu safar ku tagay China si uu heshiisyo ganacsi ula galo madaxweynaha dalkaas Xi Jinping.

Falanqeeyayaal badan ayaa qaba in Trump uu si ula kac ah u adeegsado siyaasad aan la saadaalin karin, si uu cadaadis maskaxeed iyo mid siyaasadeed ugu abuuro dhinacyada kale. qaabkan ayaana mararka qaar u shaqeeya maadaama uu keeno in dhinacyadu ka baqaan in xaaladu ka sii darto, halka kuwo kale ay ka digayaan in isku darka hanjabaadaha iyo wada-hadalladu uu sii hurin karo jahawareer iyo xasillooni darro caalami ah. si kastaba ha ahaatee nooc siyaasadeedkan ayaa waxa uu in soo xasuusinayaa sadderkii ku jirey gabayga abwaan Qaasim ee, “Waxaan ahay macaan iyo qadaad meel ku wada yaal.’’