Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku dhawaaqey kuna adkaystay in Isreal aysan ogolaan doonin qorshaha heshiiska Gaza ee Madaxweyne Donald Trump, isla markaana aanu ciidamadiisa kala bixi doonin Gaza ilaa ururka Xamaas si buuxda hubka looga dhigo. Arrintan ayaa caqabado hor leh ku kordhin karta dadaallada murugsan ee lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadaha ka taagan dhowr jiho oo gobolka ah.
Qorshahan oo ah dukumenti ka kooban 15 qodob ayaa Madaxweyne Donald Trump uu ku dhawaaqay 30-kii July 2026, waxaana uu qayb ka ahaa wejiga labaad qorshaha nabadda Gaza. Qorshuhu wuxuu dhigayaa in Xamaas iyo kooxaha kale ee hubaysan ay si tartiib tartiib ah u dhigaan, hubka culus, una baraxaan bakhaarada hubka, goobaha wax-soo-saarka hubka, tunnel-ladana la burburiyo ama laga la wareego, iyada oo taas lagu beddelayo in ciidamada Israa’iil ay si tartiib ah uga baxaan Gaza. Waxa kale oo qorshuhu dhigayaa in maamulka Gaza lagu wareejiyo guddi Falastiini ah oo madax-bannaan, iyada oo ay taageerayaan ciidan caalami ah iyo gudi nabad ilaalineed.
Haseyeeshee Netanyahu ayaa sheegay in aanay ciidanka Israa’iil ka bixi doonin Qaza ilaa Xamaas si dhab ah hubka looga dhigo, isla markaana uu sii wadi doono waxa uu ugu yeedhay ka hortagga khataraha ku wajahan ciidamada iyo muwaadiniinta Israa’iil. Wuxuuna intaas ku daray in Israa’iil ay arrintan kala hadlayso Mareykanka.
Aqalka Cad ayaana aan wax jawaab ah kama bixin hadalladaas. Balse Xamaas ayaa bayaan ay ku baahisay Telegram ku sheegtay inay weli ka go’an tahay fulinta qorshaha oo dhan. Ururku wuxuu ugu baaqay dhexdhexaadiyeyaasha iyo dalalka dammaanad-qaadayaasha ah inay gutaan masuuliyaddooda, kana hortagaan fadqalala kasta oo khalkhal gelin karta geeddi-socodka.
Heshiiskan ayaa waxaa loo nisbeeyay gudi nabadeed oo ah gole uu Mareykanku hoggaamiyo laguna dhawaaqay bishii Febraayo 2026, kana kooban qiyaastii 40 dal oo ay ku jiraan Israa’iil iyo dhowr dal oo Carbeed, balse aanay ku jirin wakiillo Falastiiniyiin ah. Trump ayaa guddoomiyaha golahaas loo magacaabay muddo aan xadidnayn.
Si kastaba ha ahaatee suurtagalnimada nabadwaarta iyo xal laba dowladood ooo Falastiin iyo Isreal ayaa wali u muuqata mid laalan. Natenyahu oo shalay la hadlayay golihiisa wasiirrada, ayaa sheegay in inta uu Ra’iisul Wasaare yahay aanay jiri doonin dowlad Falastiini ah”, wuxuuna ku celiyay in Israa’iil aanay ku dhaqmi doonin qorshaha uu Mareykanku taageerayo.
Netanyahu waxa uu intaas ku daray in Israa’iil ay doonayso “hub-ka-dhigis dhab ah, oo aan ahayn mid magac u yaal ah,” iyo inay tahay in laga qaado dhammaan falastiiniyiinta hubka, ay ku jiraan hubka fudud.

