27 views 5 mins 0 comments

China oo iskudaya in uu muujiyo awood baddeed oo u dhiganta kuwa quwadaha waaweyn

Shiinaha ayaa marinka Taiwan mariyey markabkiisa ugu casrisan ee diyaaradaha xambaara, ee Fujian, xilli Taiwan ay billowday dhoolatus ciidan oo shan maalmood soconaya si ay isugu diyaariso weerar suurtagal ah oo uga yimaada Beijing. War ahaan, tani waxay u ekaan kartaa dhaqdhaqaaq kale oo badeed oo ka mid ah xiisadda joogtada ah ee u dhaxaysa Shiinaha iyo Taiwan. Laakiin marka la eego waqtiga uu dhacay, nooca markabka la diray, iyo jawiga siyaasadeed ee ku xeeran, dhacdadani waxay u muuqataa wax ka badan safar ciidan oo caadi ah. Waxay u egyahay fariin si taxaddar leh loo diray—oo ku socota Taiwan, Mareykanka, iyo dhammaanba gobolka.

Fujian ma aha Markab dagaal oo iska caadi ah. Waa markabka ugu cusub uguna awoodda badan ee ciidamada badda Shiinaha, waana kii ugu horreeyey ee si dhab ah uga tarjumaya himilada Beijing ee ah inay yeelato awood badeed oo la jaanqaadi karta quwadaha waaweyn ee dunida. AP iyo warbaahino kale waxay xuseen in Fujian uu yahay markabka ugu weyn uguna casrisan ee Shiinaha. Sidaas darteed, go’aanka lagu mariyey marinka Taiwan waa bandhig awoodeed oo la doonayo in la arko, lana fahmo.

Waqtiga loo doortay in uu marinkan ka gudbo ayaa ah qodobka ugu horreeya ee dhacdadan ka dhigaya mid muhiim ah oo soo jiidatey indhaha falanqeeyayaasha. Markabka waxa uu marinka galay maalin kadib markii Taiwan ay bilowday waxa ay ugu yeertay “Immediate Combat Readiness Exercise”—dhoolatus shan maalmood soconaya oo diiradda saaraya sida ciidamada Taiwan uga jawaabi lahaayeen weerar degdeg ah oo Shiinuhu soo qaado. Reuters waxay qortay in tababarkan uu ka duwan yahay bandhigyada ciidan ee caadiga ah, maadaama markan lagu saleeyey suurtagalnimada in Beijing ay si lama filaan ah u beddesho mid ka mid ah dhaqdhaqaaqyadeeda joogtada ah ee hareeraha Taiwan una rogi karto weerar dhab ah. Sidaas darteed, in markabka ugu casrisan ee Shiinaha la mariyo marinka xilligan, waxa ay muujinayaa in Shiinuhu isku dayayo in uu diro fariinta ah in aan tabarbaraka iyo diyaargarowga ciidamada Twain aanu hor istaagi karin joogitaanka iyo dhaqdhaqaaqa militari ee albaabka Twain ay ku sameyn karto Beijing.”

Dhacdadan waxa kale oo muhiim ka dhigaya xaqiiqda ah in aysan ka dhicin jawi deggan. Taiwan muddooyinkii u dambeeyey waxay ka dayrineysey in waqtiga digniinta ee ay heli karto haddii Shiinuhu weerar soo qaado uu sii yaraanayo. Wasiirka gaashaandhigga Taiwan Wellington Koo ayaa maalintan lafteeda sheegay in “waqtiga digniinta ee weerar kasta oo Shiinuhu soo qaado uu gaabanayo,” taas oo ku khasbaysa Taiwan inay tijaabiso sida ugu dhakhsaha badan ee ay uga guuri karto xaalad nabad ah una geli karto xaalad dagaal. Hadalkaasi ayaana muujinayaa sida Twain ugu aragto dhaqdhaqaaqyada Beijing kuwo ka balaadhanaya cadaadis siyaasadeed, oo laga yaabo inay isu rogaan weeraro toos ah.

Qaar ka mid ah khubarada amniga ee warbaahinta reer galbeedku la hadashay waxay ku doodeen in Beijing u qasdi leedahay in joogitaankeeda militari ee agagaarka Taiwan uu noqdo mid la qabsasho u abuura Taiwan iyo xulafadeeda, taas oo culeys weyn saareysaa xisaabinta Taiwan, maadaama dhaqdhaqaaqa noocan ahi uu adkeynayo farqiga u dhexeeya weerar dhab ah iyo joogitaan military oo caadi ah.

Haseyeeshee fariinta Beijing kuma eka Taiwan. Maritaanka Fujian ee marinka Taiwan waa digniin iyo tijaabo ku socota Mareykanka sidoo kale. Marinka Taiwan waxa uu muddo dheer ahaa meel ay maraakiibta Mareykanka iyo xulafadiisu si ula kac ah u maraan si ay u cadeeyaan in biyahaasi yihiin marin caalami ah, islamarkaana ay taageero u muujiyaan Taiwan. Sidaas darteed marintaanka markabka ee xiligani waa isku day lagu beddelayo sawirka gobolka; halkii uu Mareykanku ku muujin lahaa awooddiisana, Beijing waxay rabtaa inay ka dhigto meel ay iyadu ku muujiso in ay tahay quwadda ugu dhow, uguna joogitaanka badan.

Waxaana hubaal ah in Washington iyo xulafadeedu aysan u arkin markabkan keliya calaamad farsamo. Xisaabta Maraykanka iyo Taiwan waxay ku taallaa waxa loo yaqaan “first island chain”—silsilad jasiirado ah oo ay ku jiraan Japan, Taiwan iyo Philippine, kuwaas oo muhiim u ah xannibaadda ama xakamaynta awoodda badda Shiinaha ee Pacificga. Haddii Beijing ay ku guulaysato inay joogitaan xooggan oo caadi ah ku yeelato marinka Taiwan, waxay si tartiib ah u wiiqaysaa fikradda ah in marinkaasi uu yahay meel si fudud looga celin karo ama loogaga hor iman karo hawlgalladeeda.