108 views 3 mins 0 comments

Iran iyo Mareykanka Ma waxa ay Galeen Weji Cusub oo Colaadeed?

Dagaalka u dhexeeya Iran iyo Mareykanka ayaa u muuqda inuu yeeshay weji cusub oo ka duwan dabeecadihii lagu yaqaanay colaadaha Bariga Dhexe. Halkii labada dhinac ay si cad ugu kala bixi lahaayeen dagaal ama nabad midkoodna, ay u eegtahay inay galeen marxalad ay isku mar adeegsanayaan awoodaha militari iyo dedaalada diblomaasiyad.

Iran ayaa gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones) ku weerartay saldhigyo iyo xarumo militari oo Mareykanku ku leeyahay dalal dhowr ah oo Khaliijka ah, xilli Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) uu qaaday wareeggiisii saddexaad ee duqeymo lagu beegsaday xarumaha raadaarka, gantaallada iyo diyaaradaha drones-ka ee koonfurta Iran.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Iran, ahna mid ka mid ah masuuliyiinta hormuudka u ah wada-hadallada nabadda, Mohammad Ghalibaf, ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa X ku yidhi:

“way dhammaadeen xilliyadii heshiisyadu hal dhinac u shaqaynayeen. Waxaan idiin sheegnaynaa: Ballanqaadkiinna oofiya ama bixiya qiimaha. Xaqiiqaduna albaabka ayay soo garaacaysaa.”

Ghalibaf ayaa qoraalkiisa ku lifaaqay sawirka Qodobka 5-aad ee heshiiskii is-afgaradka (MoU) ee khuseeya Marinka Hormuz, isaga oo muujinaya in Tehran ay tallaabooyinkeeda u aragto jawaab ka dhalatay Mareykanka oo jebiyey heshiiskaas gaar ahaan qodobka 5aad.

Dhanka kale, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in xabbad-joojintii u dhexeysay labada dal ay “gebi ahaanba burburtay.” Wax yar kadibna, Hoggaamiyaha Sare ee Iran Mojtaba Khamenei ayaa ballanqaaday in Iran ay u aargudi doonto dilkii aabbihii, taas oo sii muujisay in labada dhinac ay u diyaar garoobayaan marxalad cusub oo iska hor imaad ah.

Waxaase xusid mudan in, inkasta oo hadalladu sii adkaanayaan, labada dhinac midkoodna uusan gebi ahaanba albaabka ka xidhan diblomaasiyadda. Trump waxa uu sheegay inuu weli oggol yahay in wada-hadalladu sii socdaan, halka Iran ay iyaduna sheegtay inay diyaar u tahay wada-xaajood. Isla waqtigaas se, Tehran waxay xidhay Marinka Hormuz, waxay weerartay maraakiib ganacsi iyo saldhigyada Mareykanka ee Khaliijka, halka Washington ay sii ballaarisay ololaheeda militari.

Isbeddelka ugu weyn ee toddobaadkan ayaa ah in Mareykanku uusan hadda ku koobnayn weerarro jawaab-celin ah. CENTCOM waxay sheegtay inay beegsatay boqolaal bartilmaameed oo ay ku jiraan xarumaha isgaarsiinta, difaaca xeebaha, goobaha gantaallada iyo awoodda ciidamada badda ee Iran. Taasi waxay muujinaysaa in Mareykanku uu isku dayayo in uu si nidaamsan u wiiqo awoodda Tehran ay ku maamusho Marinka Hormuz.

Iran iyaduna waxa ay cadaadis saartay meelaha ugu nugul ee danaha Washington, sida saldhigyada ciidamada ee Khaliijka iyo isu-socodka Marinka Hormuz. Ujeeddadu waxay u muuqataa inay tahay in Mareykanka lagu kordhiyo kharashka joogitaankiisa gobolka, iyada oo aan la gelin dagaal buuxa oo cawaaqibtiisu aan la saadaalin karin.

Haddii xaaladdani sii socoto, waxaa suuragal ah in Bariga Dhexe uu galo waxa khubarada amniga ku tilmaamaan “low-intensity permanent conflict”—colaad joogto ah oo aan isu beddelin dagaal buuxa, sidoo kale noqon nabad waarta. Weerarro xaddidan, jawaabo militari, hanjabaado siyaasadeed iyo wada-hadallo marba hakad gala ayaanu isu beddeli karaa qaabka cusub ee xiriirka u dhexeeya Mareykanka iyo Iran.