50 views 2 mins 0 comments

Mareykanka oo Qorsheynaya In Uu Mar kale Dagaal Ku Qaado Iran

In Bogga Hore, Wararka
April 30, 2026

Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM) ayaa diyaariyay qorshe ku saabsan weerarro “gaabgaaban balse xooggan” oo lagu qaado Iiraan, si loo jebiyo ismariwaaga wada-hadallada Tehran, sida uu sheegay bogga wararka Axios.

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa la filayaa inuu Khamiista helo warbixin ku saabsan qorshayaal cusub oo tallaabo militari looga qaado Iran, taas oo uu siin doono taliyaha ciidamada Mareykanka CENTCOM, ee Brad Cooper, sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah.
Waxayna u muuqataaa in Trump uu si dhab ah uga fikirayo: inuu dib u bilaabo dagaal culus, ama ugu yaraan cadaadis ku saaro Iiraan in uu keeno miiska wada hadalada

Waxaana laga yaabaa in weeraradaas lagu beegsado kaabayaasha muhiimka ah ee Iiraan
Taas oo ujeedada laga leeyahay ay tahay in Iiraan lagu qasbo inay dib ugu soo laabato miiska wadahadalka iyadoo dabacsanaan ka muujinaysa mowqifyadeeda, gaar ahaan arrimaha nukliyeerka.

Ujeedooyinka qorshayaasha dagaalka la soo bandhigi doono ayaana loo badinayaa in la qabsado qayb ka mid ah marinka Hormuz si dib loogu furo ganacsiga iyo in la fuliyo howlgalo gaar ah oo ciidamo dhulku ay qaadaan, islamarkaana lagu la wareego keydka Yuraaniyamka.

Trump ayaana sheegay in go’doominta badda ay “ka waxtar badan tahay duqeynta” cadaadiska dhaqaalena uu taabtey Iran, balse uu weli tixgelinayo weerar militari haddii Iiraan aysan oggolaan heshiis.

Qiimaha shidaalka ayaa mar kale hawada isku shareerey suuqyada Caalamka, kadib warbixin tan sheegaysa in milatariga Maraykanku uu qorsheynayo inuu madaxweyne Trump u bandhigo qorshayaal cusub oo la xidhiidha tallaabooyin suurtagal ah oo ku saabsan dagaalka Iran.

Qiimaha shidaalka Caalamka ayaa ku dhowaad 7% kacay maanta oo kaliya, isaga oo gaadhay in ka badan $126 halkii foosto—waana heerkii ugu sarreeyay tan iyo duullaankii Ruushku ku qaaday Ukraine sanadkii 2022.

Haseyeeshee si guud Qiimaha tamarta ayaa sare u kacaysey toddobaadkan oo dhan iyadoo wadahadallada nabadda ay u muuqdeen kuwo hakad galay, halka marinka muhiimka ah ee Hormuz uu si buuxda ah u xidhnaa.

Maraykanka ayaana sheegay inuu sii wadi doono go’doominta dekedaha Iiraan inta Tehran ay ku hanjabeyso maraakiibta isticmaala marinka Hormuz, taas oo si weyn u carqaladeynaysa sahayda tamarta caalamka.