
Amiirkii hore iyo Aabbihii dalka Qatar, Sheekh Hamad Bin Khalifa Al Thani, ayaa geeriyooday isaga oo jira 74 sanadood, todobaadkan.
Mudo 18 sano ahayd oo uu hayey talada dalkaasi, waxa la gu sheegaa in uu ahaa Sheekh Hamad hogaamiyihii si weyn u beddelay dhaqaalaha dalkaasi una hogaamiyey mid ka mid ah waddama ugu hodansan dunida, waxaanu horumar baaxle gaarsiiyey muuqaalka gudaha iyo saameynta caalamiga ah ee dalka Qatar. Markii uu xilka la wareegay sannadkii 1995, dhaqaalaha Qatar waxa uu ahaa mid kooban oo inta badan ku tiirsanaa saliidda, halka kaydka gaaska dabiiciga ah ee aadka u weyn ee loo yaqaan North Field ahna gaaska dabeeciga ah ee ugu balaadhan ee hal meel ku taala dunida oo dhan uu weli ku jiray marxaladihii ugu horeeyey ee horumarintiisa.
Wax ka yar labaatan sano gudahood, Qatar waxay isu beddeshay dalka ugu weyn dunida ee dhoofiya gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah, waxayna yeelatay mid ka mid ah sanduuqyada maalgashiga dowladeed ee ugu waaweyn dunida, iyada oo sidoo kale noqotay dalalka ay ugu dakhliga badan yihiin dadkiisu.
Isbeddelkan ma ahayn oo keliya koboc ka dhashay qiimaha sare ee saliidda iyo gaaska, balse waxa uu ahaa dib-u-habayn dhamaystiran oo lagu sameeyey qaab-dhismeedkii dhaqaalaha dalka. Istaraatiijiyaddu waxay ahayd in khayraadka dabiiciga ah loo beddelo hanti wax soo saar leh, hay’ado maaliyadeed oo xooggan, kaabayaal casri ah iyo maalgelin lagu sameeyo dadka.
Sheekh Hamad horumarkan dhaqaale ma uusan bilaaban markii uu talada qabsaday oo ahayd 1995. Waxa uu salka u dhigay sannadkii 1989, markaas oo loo magacaabay guddoomiyaha Golaha Sare ee Qorshaynta, oo ahayd hay’addii dejinaysay siyaasadaha dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada. Jagadaas ayaa u suuragelisay inuu diyaariyo qorshayaal horumarineed ka hor intuusan noqon amiirka dalka.
Barnaamijkan waxa aynu si kooban u eegeynaa taalaaboyinka dhaqaale ee Sheekh Hamad uu ugu rogay Qatar quwad weyn oo saameyn ku leh suuqyada tamarta iyo maalgashiga caalamka.
Ugu horeyn Horumarinta North Field oo ah beerta gaaska dabeeciga ah ee ugu weyn aduunka, ayaa noqotay bilowgii dhabta ahaa ee isbeddelka dhaqaalaha Qatar.
Go’aankii lagu dardar-geliyey maalgelinta iyo ballaarinta warshadaha gaaska dabeecigadabayaaqadii sagaashamaadkii ayaa beddelay kaalintii Qatar ee suuqa tamarta, una horseeday hoggaanka caalamka.
Qatar waxay dhoofisay shixnaddii ugu horreysay ee gaaska dareeraha ah ee dabeeciga sannadkii 1996, wax ka yar 15 sano gudahoodna waxay noqotay dalka ugu weyn dunida ee dhoofiya gaaska dareeraha ah.
Sannadkii 2010, awoodda wax-soo-saarka gaaska dareeraha ah ee dabeeciga ee Qatar waxa uu gaadhay 77 milyan oo tan sannadkii, sida ay muujinayaan xogaha QatarEnergy iyo Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta.
Saamaynta kobocana kuma koobnayn dakhliga oo kordhay oo keliya, balse waxay Qatar ka dhigtay saaxiib istaraatiiji ah oo muhiim u ah amniga tamarta dunida, gaar ahaan dalalka Aasiya iyo Yurub.
Xogaha Diwaanka Amiirka Qatar ayaa muujinaya baaxadda isbeddelkaas. Qiimaha wax-soo-saarka qaybta shidaalka iyo gaaska ayaa ka kacay 11 bilyan oo Riyaalka Qatar ah oo u dhiganta (qiyaastii $3 bilyan) ilaa 403 bilyan oo Riyaal (qiyaastii $110 bilyan) muddadii uu Sheekh Hamad talada hayey.
Xogta Bangiga Adduunka ayaa muujisaysa in dhaqaalaha Qatar uu in ka badan 20 laab koray muddadii uu Sheekh Hamad talada hayey. Wax-soo-saarka guud ee dalka ama (GDP) oo markii hore ahaa $8 bilyan sannadkii 1995 waxa uu sannadkii 2013 noqdey $199 bilyan.
Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa sidoo kale sheegay in Qatar ay muddadaas lahayd heerarka koboca ugu sarreeya dunida, waxa uuna gaadhay 18% sannadkii 2006, kadibna waxa uu kor ugu kacay 26.2% sannadkii 2011, xilli ay shaqo bilaabeen mashaariicdii waaweynaa ee gaaska dareeraha ah ee dabeeciga.
Haseyeeshee Isbeddelka dhaqaale kuma uusan joogsan kororka wax-soo-saarka iyo dakhliga oo keliya, waxaa kale oo qayb ka ahaa habka loo maamulayo hantida dalka.
Sannadkii 2001, Qatar waxay dhistay Golaha Sare ee Arrimaha Dhaqaalaha iyo Maalgashiga, oo uu guddoomiye u ahaa Sheekh Hamad.
Golahan waxaa loo xilsaaray kala-duwidda maalgashiga gudaha iyo dibadda, si loo kobciyo kaydka maaliyadeed ee dalka loona ballaariyo ilaha dakhliga.
Afar sano kadib, waxaa la aasaasay Hay’adda Maalgashiga Qaran ee Qatar si ay u maareeyso dakhliga ka soo xarooda saliidda iyo gaaska.
Sheekh Hamad waxa uu hirgeliyey siyaasad ku dhisan in qayb ka mid ah dakhliga tamarta loo beddelo maalgashi muddo dheer faa’iido dhalinaya, si Qatar aysan mustaqbalka ugu tiirsanaan khayraadka dabiiciga ah oo keliya.
Hay’adda Maalgashiga Qaranka ee Qatar waxay muddo gaaban gudaheed noqotay mid ka mid ah sanduuqyada maalgashiga dowladeed ee ugu waaweyn dunida. Waxay saamiyo ka iibsatay shirkado waaweyn sida Barclays, Volkswagen, iyo dukaanka caanka ah ee Harrods ee London.
Maalgashiga Qatarna waxa uu ku fiday ku dhowaad dhammaan qaaradaha, waxay iibsatey Qatar kooxo kubbadda cagta ah, hay’ado dhaqaale oo caalami ah iyo dhismayaal caan ah sida dhismaha The Shard ee London.
Maanta hantida Hay’adda Maalgashiga Qaranka ee Qatar waxaa lagu qiyaasaa in in ka badan $500 bilyan ay gacanta ku hayso, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah maalgeliyeyaasha dowladeed ee ugu waaweyn dunida.
Sidoo kale Koboca dhaqaalaha waxa uu si toos ah uga muuqday nolosha shacabka Qatar waxaana kor u kacay heerka nololeed ee shacabka.
Sida ay sheegayaan Bangiga Adduunka iyo hay’adda lacagta aduunka, muddadii uu Sheekh Hamad talada hayey, Qatar waxay noqotay mid ka mid ah dalalka ay dadkiisu ugu dakhliga badan yihiin.
Halkii qofba dakhliga waxa uu dhaafay $90,000 marka lagu cabbiro awoodda wax-iibsiga (PPP), iyada oo dowladduna ay si weyn u kordhisay kharashaadka lagu bixiyo guryaha, waxbarashada iyo caafimaadka, isla markaana xaalka shaqo la’aantu uu hoos ugu dhacay heerar aad u hooseeya.
Khubaradu waxay rumaysan yihiin in kororka dakhliga aanu ku iman oo keliya qiimaha sare ee tamarta, balse uu ka dhashay maalgelinta ballaadhan ee dowladda iyo shaqo-abuurkii ka dhashay mashaariicda tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Intaas uun kuma eeka ee sidoo kale Qatar waxay sidoo kale bilowday dhismaha dhaqaale ku salaysan aqoon.
Mid ka mid ah go’aamadii ugu horreeyey ee Sheekh Hamad qaatay waxa uu ahaa aasaaska Qatar Foundation for Education, Science and Community Development bishii Agoosto 1995.
Hay’addaas oo noqotay tiirka ugu weyn ee lagu maalgeliyo waxbarashada, cilmi-baarista iyo hal-abuurka.
Qatar waxay markii dambe soo jiidatay jaamacado caalami ah sida Georgetown, Texas A&M iyo Carnegie Mellon, taas oo qayb ka ahayd qorshe lagu diyaarinayey dhaqaalaha casriga ka dambeeya saliidda iyo gaaska.
Intaas kuma ekaan Sheekh Hamad. Sannadkii 1996 ayuu sidoo kale aasaasay telefishinka caalamiga ah ee Al Jazeera, oo muddo kooban gudahood isu beddelay mid ka mid ah warbaahinta ugu saameynta badan dunida Carabta iyo guud ahaan caalamka. Aasaaska Al Jazeera ma ahayn oo keliya maalgelin warbaahineed, balse waxa uu qayb ka ahaa istaraatiijiyad ballaadhan oo Qatar ku dhisanaysay waxa loo yaqaan “soft power” ama awoodda jilicsan. Halkii ay saameynteeda ku kordhin lahayd awood militari ama juqraafiyeedna, Qatar waxay dooratay inay ku kasbato saameynteeda warbaahineed, diblomaasiyadeed, waxbarasho, ciyaaraha iyo dhexdhexaadinta khilaafaadka. Siyaasaddaas ayaana dalka yar ee Qatar ka dhigtay mid codkiisa laga maqlo arrimaha ugu waaweyn ee gobolka iyo kuwa caalamkaba.
Sidoo kale, qaybta caafimaadka ayaa si weyn loo ballaariyey, iyada oo la horumariyey Hamad Medical Corporation, lana dhisay isbitaallo iyo xarumo caafimaad oo casri ah si loo hagaajiyo adeegyada bulshada islamarkaana kor loogu qaado badqabka guud ee bulshada.
Isla waqtigaas, furfurnaanta dhaqaalaha iyo siyaasadda lagu doonayey in Doha looga dhigo xarun dhaqaale iyo ganacsi oo gobolka ah ayaa sababtay in caasimadda Qatar noqoto goob muhiim u ah shirarka maalgashiga iyo dhaqaalaha caalamka.
Dakhliga gaaska muddadii Sheekh Hamad talada hayey kuma uusan koobnayn maalgelinta miisaaniyadda dowladda, balse waxaa lagu dhisay kaabayaal waaweyn oo dalka beddelay.
Waxaana ka mid ahaa Garoonka Caalamiga ah ee Hamad, Dekedda Hamad, Magaalada Lusail, shabakado waddooyin casri ah iyo mashaariicdii saldhigga u noqday Doha Metro oo ahaa nidaamka tareennada casriga ah ee magaalada Doha, oo badankiisu uu maro dhulka hoostiisa.
Mashaariicdan oo Doha u rogay xarun caalami ah, taas oo gogol-xaadh u noqotay in Qatar noqoto dalkii ugu horreeyey ee Carab iyo Bariga Dhexe ah ee martigeliya Koobka Adduunka ee FIFA 2022.
Sannadkii 2008, Qorshaha Qaran ee Higsiga 2030(Qatar National Vision 2030), oo ah qorshe istaraatiiji ah oo lagu dhisayo dhaqaale ku salaysan aqoon, si loo hubiyo barwaaqo waarta oo ay ka faa’iidaystaan jiilasha mustaqbalka.
Aragtidan, oo ilaa maanta hagta siyaasadaha dhaqaalaha Qatar, waxay ka tarjumaysaa jihadii uu Sheekh Hamad bilaabay ee ahayd in khayraadka dabiiciga ah loo beddelo saldhig horumar waara.
Haddii horumarinta warshadaha gaasku ahayd bilowgii isbeddelka dhaqaalaha Qatar, dhaxalka ugu weyn ee Sheekh Hamad waxa uu ahaa inuu dakhliga aan caadiga ahayn ee tamarta u beddelay aalado horumarineed oo muddo dheer shaqaynaya.
Aasaaska hay’ado sida Golaha Sare ee Arrimaha Dhaqaalaha iyo Maalgashiga, Hay’adda Maalgashiga Qaranka ee Qatar, hirgelinta Qorshaha Qaran ee Higsiga 2030, iyo maalgelinta waxbarashada, caafimaadka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ayaa Qatar ka dhigay dal aan gebi ahaanba ku tiirsaneyn dhoofinta saliidda una beddelay dhaqaale isku dara awoodda tamarta iyo saameynta maalgashiga caalamiga ah.
Qaab-dhismeedkan dhaqaale ayaa weli saldhig u ah siyaasadaha uu maanta sii wado wiilkiisii, Amiir Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani.
