272 views 10 mins 0 comments

Waxyaabaha Dagaalka Iran Aanu Ka Beddeli Doonin Gobolka

In Bogga Hore, Falanqayn, Turjumaad
June 09, 2026

Waxaa qorey:
Mohamed Elmenshawy

Dagaal kasta, oo weyn, oo ka dhaca Bariga Dhexe waxaa dib u soo noqda hal mala-awaal oo soo jireen ah: in gantaallada iyo duqeymuhu ay dib u qori karaan taariikhda. Dagaalka ay Mareykanka iyo Israel kula jiraan Iran waxa uu si degdeg ah u beddelayaa muuqaalka siyaasadeed ee gobolka, balse waxaa jira xaqiiqooyin qoto dheer oo aanay xitaa dagaallada ugu xooggani beddeli karin.

Khubaro iyo falanqeeyayaal badan ayaa ku mashquulsan saadaalinta sida uu Bariga Dhexe u ekaan doono marka dagaalku dhammaado. Qaar waxay ku doodaan in dagaalkani dib u qaabeyn doono gobolka, burburin doono isbahaysiyo hore, isla markaana abuuri doono nidaam cusub oo goboleed. Qayb ka mid ah arrintaasi waa run, maadaama dagaallada waaweyn ay taariikh ahaan horseedaan isbeddello waaweyn oo saameeya xuduudaha, nidaamyada siyaasadeed iyo bulshooyinka. Hase yeeshee waxaa jira mala-awaal kale oo mar kasta la socda dagaallada: in dagaalku tirtiri karo wax kasta oo hore u jiray, uuna abuuri karo bog cusub oo taariikhda laga bilaabo. Taariikhda gobolka ayaa se marar badan beenisay fikirkaas.

Bariga Dhexe waxa uu soo maray duullaannadii Mongoliyiinta, dagaalladii Saliibiyiinta, gumaysigii reer Yurub, Dagaalkii Qaboobaa, kacdoonno, argagixisooyin iyo dagaallo sokeeye. Si kastaba ha ahaatee, gobolka ayaa mar kasta muujiyay awood uu ku nuugo jugaha waaweyn, dibna ugu soo kabto qaab u dhow kii hore. Isbeddellada ugu waaweyn ee gobolka ka dhacay badankood waxay ahaayeen kuwo tartiib tartiib ah oo ka yimid gudaha bulshada, xoogag military oo la gu soo riogay.

Mihiimada Juquraafi ee Gobolka Waxba iskama Bedelayaan

Tan iyo markii ilbaxnimooyinkii ugu horreeyay ay ka hanaqaadeen gobolka, juqraafiyaddu waxay ahayd qodobka ugu weyn ee qaabeeya siyaasadda Bariga Dhexe. Marinka Hormuz wali waxa uu xakameeyaa ku dhawaad shan meelood meel shidaalka dunida. Kanaalka Suweys wali waa halbowlaha ugu muhiimsan ee ganacsiga caalamiga ah. Gobolka Fertile Crescent-na wali waxa uu isku xidhaa Aasiya iyo Yurub.

Iran dagaalka kadib wali waxay ahaan doontaa dal ku yaalla marinka Hormuz. Yemen wali waxay ahaan doontaa albaabka koonfureed ee Bab al-Mandeb. Masarna wali waxay maamuli doontaa Kanaalka Suweys. Dagaalladu waxay beddeli karaan cidda maamusha meelahaas, balse ma beddeli karaan muhiimaddooda juqraafiyeed. Sidaa darteed, tartanka lagu hayo goobahaas istaraatiijiga ah ayaa sii jiri doona.

Qadiyadda Falastiin Lama Tirtiri Karo

Mid ka mid ah mala-awaallada ugu waaweyn ee dagaalka Iran daaha ka qaaday ayaa ah fikirka sheegaya in burburinta waxa loo yaqaan Isbahaysiga Iska caabinta Iran ee ay ku wada jireen, Iran, Xisbulaah, Xuutiyiinta Yemen, kooxaha Shiicada ah ee Ciraaq iyo dowladii Bashaar Al Assad ee Suuriya ay meesha ka saari karto qadiyadda Falastiin.

Qadiyadda Falastiin waxay jirtay kahor Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, waxayna sii jiri doontaa haddii dowladda Iran sii jirto iyo hadii ay dhacdoba. Dhibaatada malaayiinta Falastiiniyiinta ah ee ku nool dhulka la haystaana ma dhammaan doonto xitaa haddii la burburiyo barnaamijka nukliyeerka Iran ama la dilo hoggaamiyeyaasheeda.

Heshiisyadii Abraham Accords ee 2020 waxay ku salaysnaayeen fikrad ah in Iran tahay khatarta ugu weyn ee mideyn karta Israel iyo dalalka Khaliijka, isla markaana arrinta Falastiin dhinac loo riixi karo. Laakiin dagaalka Iran ayaa muujiyay in xisaabtaasi aysan sidaas u fududayn.

Iran waxay ku guuleysatay inay mar kale isu muujiso dhibbane la kulmaya weerarro ka imanaya Mareykanka iyo Israel, taasoo dib uga soo celisay qayb ka mid ah taageeradii ay ka lumisay dunida Carabta sababo la xidhiidha doorkeedii Suuriya, Yemen iyo Ciraaq.

Dhanka kale, ra’yiga guud ee shacabka Carabta ee ku dhaqan Atlantic ilaa Khaliijka wali waxa uu si qoto dheer ugu xidhan yahay qadiyadda Falastiin. Sidaa darteed nidaam goboleed kasta oo iska indho tira qadiyadda Falastiin waxa uu sii wadi doonaa inuu la kulmo xasillooni darro.

Kala-Qaybsanaanta Mad-habtu Way Sii Jiri Doontaa

Dagaalka Iran ayaa sii huriyay xiisadaha Sunniga iyo Shiicada ee dalal badan sida Ciraaq, Lubnaan iyo Yemen. Hase yeeshee khilaafaadkaasi kama aysan bilaaban Kacaankii Islaamiga ahaa ee Iran, mana dhammaan doonaan xitaa haddii Iran la jebiyo.

Khilaafaad mad-habeedku waxay leeyihiin xididdo taariikheed oo soo jiray qarniyo badan. Dagaalku waxa uu kordhin karaa ama yarayn karaa heerka xiisadda, balse ma tirtiri karo sababaha qotoda dheer ee abuura kala qaybsanaantaas.

Gunaanadkii, dagaalka Iran waxa uu beddeli karaa hoggaamiyeyaal, isbahaysiyo iyo xisaabaad siyaasadeed, balse waxaa jira xaqiiqooyin waaweyn oo ka sii xoog badan dagaalka laftiisa: juqraafiyadda gobolka, qadiyadda Falastiin, iyo kala-duwanaanshaha taariikheed ee bulshada Bariga Dhexe kuwaas oo sii jiri doona marka qiiqa dagaalku kala tago.

Dagaalka Iran waxa uu wiiqi karaa awoodda Tehran ee ay ku saameyn jirtay kooxaha Shiicada ee gobolka, waxa uuna beddeli karaa isu dheellitirka awoodda ee dalalka qaar sida Ciraaq, Lubnaan iyo Yemen. Hase yeeshee ma tirtiri karo aqoonsiyada mad-habeed iyo khilaafaadka taariikhiga ah ee soo jiray qarniyo badan. Bulshooyinka Shiicada ee Bahrain, Ciraaq, Lubnaan iyo Sacuudi Carabiya waxay leeyihiin cabashooyin, duruufo bulsho iyo dano siyaasadeed oo ka madax-bannaan Iran. Sidaa darteed, xitaa haddii awoodda Iran la wiiqo, arrimahaas gudaha ahi waxay ahaan doonaan inay qaabeeyaan siyaasadda dalalkooda.

Nuglaanta Dowladaha Carabta Way Sii Jiri Doontaa

Waxyaabaha aanu dagaalkani beddeli karin waxaa ka mid ah dhibaatada dhismaha dowladaha Carabta ee casriga ah. Dalalka la daalaa dhacaya hay’ado siyaasadeed oo tabar daran, nidaamyo garsoor oo daciif ah, hay’ado amni oo kharash badani uu ku baxo, iyo dhaqaalo ku tiirsan khayraad aan wax-soo-saar badan lahayn waxay ahaayeen kuwo nugul kahor dagaalka, waxayna sii ahaan doonaan kuwo nugul kadib.

Xaqiiqdii, dagaalku waxa uu sii kordhin karaa nuglaantaas. Marka dowladuhu diiradda saaraan khilaafaadka amniga iyo isbahaysiyada militari, dib ayaa loo dhigaa dib-u-habeyntii siyaasadeed iyo dhaqaale ee shacabka si toos ah u saameyn lahayd. Dalalka mudnaanta siiyay la dagaallanka Iran halkii ay xoogga saari lahaayeen waxbarashada, horumarinta dhaqaalaha iyo kobcinta wax-soo-saarka ayaa laga yaabaa inay mustaqbalka wajahaan culaysyo gudaha ah oo aad u waaweyn.

Ku-tiirsanaanta Mareykanka Ma Damaanad Qaadayso Badbaado

Xitaa kahor duullaankii Mareykanka ee Ciraaq sanadkii 2003, kalsoonida shacabka gobolka ee siyaasadaha Washington waxay bilowdey inay hoos u dhacdo. Dad badan oo ku nool dunida Carabta, xitaa kuwa ku nool dalalka xulafada la ah Mareykanka, waxay siyaasadda Mareykanka ku eegaan indho nacayb, niyad-jab iyo kalsooni darro.

Dagaalka Iran waxa uu kor u qaadi karaa sumcadda Mareykanka ee indhaha qaar ka mid ah dowladaha ka cabsanayay saameynta Iran, balse ma soo celin doono kalsoonida guud ee shacabka Carabta. Gobolka ayaa marar badan arkay in awood militari keliya aysan dhisi karin sharciyad siyaasadeed ama kalsooni dadweyne. Casharkaas Mareykanku waxa uu ku bartay Afghanistan iyo Ciraaq, waxaana laga yaabaa inuu mar kale ku barto Iran.

Islaamdoonka Siyaasiga ahi Kuma Dhammaanayso Iran

Dagaalku waxa dhaawac weyn u geystay kooxaha iyo ururrada ku dhow Iran, waxa uuna kala daadiyay qayb ka mid ah waxa loo yaqaan Isbahaysiga Iska caabinta Iran ee ay ku wada jireen, Iran, Xisbulaah, Xuutiyiinta Yemen, kooxaha Shiicada ah ee Ciraaq iyo dowladii Bashaar Al Assad ee Suuriya. Hase yeeshee, dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ah ee siyaasadda ku lug leh way ka ballaadhan yihiin Iran.

Ururka Ikhwaanul Muslimiinka, kooxaha Salafiyiinta siyaasadda ku lug leh iyo dhaqdhaqaaqyo kale oo Islaami ah ayaa kasoo baxay duruufo bulsho iyo siyaasadeed oo maxalli ah, kuwaas oo aan ku xidhnayn Tehran. Waxa aanu dagaalkani beddeli karin ayaa ah in malaayiin qof oo gobolka ku nool ay Islaamka u arkaan il aqoonsi, caddaaladeed, siyaasadda iyo iska-caabbinta lagu fahmo. Fikraddaasi ma dabar go’i doonto xitaa haddii la burburiyo xarumaha nukliyeerka Iran ama la wiiqo saameynteeda gobolka.

Haddii hal cashar laga barto taariikhda Bariga Dhexe, waa in dagaallada waaweyn ay beddeli karaan dowlado, hoggaamiyeyaal iyo isu dheellitirka awoodda, balse ay dhif tahay inay taabtaan xaqiiqooyinka qotada dheer ee qaabeeya gobolka. Taariikhda, juqraafiyadda, aqoonsiyada bulshada iyo dhibaatooyinka dhismaha dowladuhu waa arrimo ka sii cimri dheer dagaal kasta.