84 views 10 mins 0 comments

U Fiirso Waxa Madaxweynahaagu balanqaadey

In Bogga Hore, Falanqayn, Turjumaad
April 08, 2026

Maalin qoysaska Mareykanku xidhnaayeen dharkoodii ugu quruxda badnaa si ay uga qeyb galaan ciida Easter-ka, oo Axad ah, carruurta Mareykankuna ay saladahooda Easter-ka kala soo baxayeen nacnacyo ay ku sugayeen ciyaaraha raadinta ukunta, madaxweynaha Mareykanka—oo ah qof isla carruurtaas la baro inay ixtiraamaan oo qiimeeyaan—ayaa qoraal laga yaabo in uu yahay kii ugu waalida casaa uguna khatarsanaa muddaxileedkiisa madaxweynenimo ee ka badan shanta sanno ku baahiyey baraha bulshada.

Trump wuxuu ballan qaaday inuu burburin doono dhammaan buundooyinka iyo warshadaha korontada ee Iran haddii nidaamka Iran ka taliya uusan dib u furin marinka Hormuz, oo Iran ay ka xidhay maraakiibta ganacsiga tan iyo markii Trump bilaabay dagaalkiisa aan gebi ahaanba micnaha lahayn ee sharci darrada ah ee ka dhanka ah Iran. “Fura marinkan baas, eey yahay waalani| Open the Fuckin’ Strait, you crazy bastards,” ayuu yidhi, waxaanu ku darey, “ama arka waxaa idinku dhaca.” Ka hor inta aanu soo gabagabeyn hadalkiisana waxa uu ku yidhi dadka u dabaaldegaya Easter, “Alle ayaa mudan mahad oo dhan leh.”

Isla markii uu Trump daabacay qoraalka, waxa uu bilaabay inuu si degdeg ah u waco wariyeyaasha ka faalooda siyaasadda si uu u xaqiijiyo ballanqaadkiisa aasaasiga ah: inuu bilaabi doono fulinta dambiyo dagaal oo ballaadhan Salaasadda. Kadibna galabnimadii Isniintii, Trump mar kale ayuu ku adkeystay hadalkiisa, isaga oo shir jaraa’id ku yidhi, “dalka oo dhan hal habeen ayaa la baabi’in karaa, habeenkaasna laga yaabee inuu noqdo habeen danbe.” Inkasta oo Mareykanka ay soo mareen, intii uu Trump joogey xafiiska, waxyaabo badan oo aan madaxweyne ka horeeyey ka suurtoobini, hadana tani waxa ay noqon doontaa mid ka mid ah arimaha ugu aragaxa badan uguna xun. 

Waxaad I weydiin kartaa in aan hubo in ay danbiyo dagaal yihiin waxa uu sameyn doono Trump, ee uu ku hanjabey, haddii aysan Iran furin marinka Hormuz? Haa. Mana aha wax muran badan ka taagan yahayba. Heshiisyada Geneva waxay si cad u xaddidayaan duqeymaha dagaalka oo ay sheegayaan inay ku ekaato bartilmaameedyo milatari iyo qaar ka mid ah bartilmaameedyadda isku-dhafan (goobo ay wada isticmaalaan rayid iyo milatari). Laakiin ballanqaadka Trump ma aha inuu bartilmaameedsanayo kaabayaal koronto ama buundooyin ay milatarigu isticmaalaan; waxa uu wacayaa wariyeyaal isaga oo u sheegaya inuu burburin doono DHAMMAAN warshadaha korontada iyo buundooyinka. Ololahaasina waxa uu dili doonaa tobannaan kun oo Iiraaniyiin aan waxba galabsan oo ka shaqeeya warshadahaas ama ku safraya waddooyinka. Taasina waa dembi dagaal.

Warbixin ay daabacdey jariiradda The Wall Street Journal, dhammaadkii toddobaadkii hore oo wax yar iftiimisay go’aanka Trump ayaa sheegtey in la-taliyeyaashiisu ugu sheegeen ujeeddada guud ee ololaha duqeynta cusub in ay tahay in lagu cabsi geliyo rayidka Iran. Waa maxay sababtu? Bartilmaameedsiga kaabayaasha rayidka waxa uu abuuri karaa jahawareer siyaasadeed oo laga yaabo in uu nidaamka meesha ka saaro. Haddii nidaamka ka taliya Iran uusan dib u furin marinka Hormus, waxa uu rajeynayaa Trump in kadib marka la dilo kumannaan qof oo aan waxba galabsan, uu qarxo dagaal sokeeye oo horseeda burburka nidaamkan. Haddii qorshahani u muuqdo mid argagax leh oo waalli ah, wuu yahay… dhab ahaantii waa sidaas.

Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas, oo ah hay’adda loo xilsaaray fasiraadda axdiyadda Geneva, ayaa sidoo kale si cad u sheegtay in weerarro loogu talagalay ujeeddadan—abuurista kacdoon rayid si keliya kacdoon rayid loo abuuro—ay sidoo kale yihiin dambiyo dagaal.

Hadii aad tahay ardey bartay heshiisyada dambiyada dagaalka ee caalamiga ah, waxaad ogtahay xaddidaadaha badan ee duqeymaha loo yeeley wax-ka-beddelkii axdiga Geneva ee 1979—inkasta oo aan wax-ka-beddelkaas Mareykanku ansixinin hadana Mareykanku waa uu ixtiraamay oo ku dhaqmay hab-raacyadan dheeraadka ah xataa hadii aanu si rasmi ah u oggolaan. Dembi dagaalna weli waa dembi dagaal.

Laakiin dabcan, Trump ma muujinayo inuu arrintaas dan ka leeyahay. Hanjabaaddiisa oo dhan waa inuu si ula kac ah u cabsi geliyo Iiraaniyiin aan waxba galabsan, isagoo rajeynaya in nidaamku uga jawaabo fulinta dalabkiisa.

Taasi ma dhici doonto. Iran waxay aaminsan tahay inay ku guuleysanayso dagaalkan. Jawaabtoodii degdegga ahayd ee hanjabaaddii subaxnimadii hore ee Trump waxay ahayd inay kordhiyaan weerarrada ay ku hayaan deriskooda. Warbixinno kooban oo aan ka helay saraakiisha sirdoonka maamulka Iran waxa ay ina tusayaan inaaney jirin caddeyn muujinaysa in nidaamku khatar ugu jiro inuu dhaco, halka weerarrada Mareykanku ay u muuqdaan inay kor u sii qaadayaan nacaybka Iiraan ee Mareykanka—sida ay weerarradii aynu ku qaadnay Afghanistan ugu riixeen shacabka inay dib taageeraan Daliban.

Laakiin xitaa haddii dambiyada dagaalka ee Trump ay ku guuleystaan inay ku qasbaan Iran inay dib u furto marinka Hormuz, sidee taasi u noqon kartaa guul? Marinku waa uu furnaa ka hor dagaalka masiibada ah ee uu Trump bilaabay, ee kor u qaaday qiimaha shidaalka in ka badan afar doolar halkii gallon gudaha Mareykanka. Dhab ahaan ma waxa aynu ku bixinnay tobannaan bilyan oo doollar oo la ga qaadey canshuur bixiyeyaal, in aynu fowdo ka abuurno Bariga Dhexe, dhaawacno suuqa tamarta caalamiga ah, islamarkaana lumino in ka badan toban qof oo Mareykan ah—si aan ugu dambeyn u galno dambiyo dagaal oo xun si kaliya loo furo marin biyood hore u furnaa?

Aan se ka hadlo danbiyada dagaalka ee uu Trump ballan qaaday sababtoo ah waxaan si qoto dheer uga walwalsanahay sida aynu marar badan uga indha qarsanno sida uu u jabiyo caadooyinka iyo xeerarka dhaqan-siyaasadeed ee Mareykanka. Mar walba waynu ka indho qarsanaa inaga oo aan cudurdaar haysanin. Laakiin Axaddii, markii uu ku hanjabayey danbiyada dagaal waxa uu u muuqday inuu sii xoogeysanayo mar kasta oo uu ku faano dambiyadaas. hanjabaadiisu waxay aheyd mid khatar badan oo aan la xakameyn karin, wax aan caadi ahayn ayaana ka muuqday. Waana inaan fahamnaa waxa ka dhalan kara haddii toddobaadkan madaxweynaheennu si kibir leh u bilaabo duqeynta rayidka Iran, sida Vladimir Putin uu rayidka ugu duqeeyo Ukraine.

Waxba odhan maayo hadalka dheer ee ah “sumcadda caalamiga ah ee dalka si weyn bay u dhaawacmi doontaa.” Dad badan oo Mareykan ah oo inta badan ku nool mushahar ka mushahar ayaa si tartiib ah u luminaya ujeeddada, macnaha iyo xidhiidhkooda nololeed kuwaas oo aan daneyneyn casharro ku saabsan sumcadda Mareykanka ee caalamka. Waxaan se si fudud kuu weydiinayaa: ma rabtaa in dalkaagu noqdo mid ka mid ah dalalka yar ee si cad u doonaya inay waxyeelleeyaan dad aan waxba galabsan oo ay xanuunkooda u adeegsada madax-furasho ahaan, si ay dowlado shisheeye ugu qasbaan inay u hoggaansamaan rabitaankeenna? Adigu shikhsiyan sidaas ma sameyn lahayn? Ma u gu hanjabi lahayd inaad dhaawacdo ilmo yar oo deriskaaga ah si aad u saameyso sida ay kuula dhaqmaan qoyskiisu? Waxay aniga ila tahay in Mareykanku ku faano waxa aynu ka ga duwanahay dalalka kale ee ah sareynta. Waxay ku dagaallannay oo ku guuleysannay dagaalkii qaboobaa in aynaan noqon Ruushka oo kale. Maxaa hadda inagu khasbaya inaan ku dayanno dambiyadooda dagaal?

Maan kaftamayn markii aniga oo ka jawaabaya tweet-kii Easter-ka ee Trump aan idhi golihiisa wasiirradu waa inay bilaabaan baadhitaanka wax-ka-beddelka uu dhigayo heshiiska 25aad ee dejiya habraaca beddelka madaxweyne haddii: Madaxweynahu galo xaalad caafimaad oo jidheed ama maskaxeed, amaba ay awooddiisa uga maqan tahay si ku meel gaar ah ama joogto ah. Waxaa suurtagal ah inuu lumiyay xasilloonidiisa maskaxeed maadama uu wajahayo dagaal uusan ku guuleysan karin. Dagaal noqon kara burbur dhaqaale oo caalami ah iyo burbur siyaasadeed oo isaga u gaar ah. Dadka ku xeeran, kuwa u fududeeya, waa inay ka joojiyaan inuu galo dambiyadan dagaal. Annaguna waa inaanu cod dheer kaga hor tagno in aanu sidaas yeelin.

Senator Chris Mu