Waxaa isa soo taraya dareenka ah in Mareykanka—oo muddo dheer ahaa xarunta go’aamada caalamka—uu wajahayo caqabado gudaha iyo dibadda ah oo hoos u dhigaya awooddiisa saameyneed. Waxaana muuqata in nidaamkii hal-quwadeedka ahaa ee Washington hoggaaminaysay tan iyo dhammaadkii Dagaalkii Qaboobaa uu hadda wajahayo isbeddel weyn. Sawirka awoodda caalamkuna wuxuu galay marxalad cusub oo ay si cad u muuqato in miisaankii siyaasadda, dhaqaalaha iyo diblomaasiyadda uu isu rogayo mid dhinacyo badan shookaantiisa la ga hayo.
Isku darka xidhiidhka sii xoogeysanaya ee China iyo Ruushka, tartanka sii kordhaya ee Mareykanka iyo China iyo dalal badan oo madaxa la soo kacaya oo ay ku jiraan India, Turkey, Brazil iyo qaar kale waxay muujinayaan in dunidu u socoto nidaam cusub oo aan hal quwadi aanay keligeed hoggaamin karin.
Si gaar ah China waxa uu isku dayaya in uu noqdo“xarun diblomaasiyadeed oo cusub oo dunida isku xidha”
Bookhashada madaxweynaha ruushka Vladimir Putin ee dalka China ayaa noqotay mid si weyn loo falanqeynayo, gaar ahaan maadaama oo ay timid maalmo yar kadib safarkii Donald Trump ee Beijing. Dad badan ayaana qaba in Shiinuhu uu doonayo inuu dunida tuso inuu hadda yahay xarunta ugu weyn ee diblomaasiyadda caalamka, isagoo toddobaad gudihii qaabilay labada hoggaamiye ee ugu saamaynta badan dunida waa Putin iyo Trump e’.
Warbaahinta reer galbeedka ayaana aad uga faalooneysa ama diiradda saareysa xidhiidhka Moscow iyo Beijing ee sii xoogeysanaya iyo waliba ku tiirsanaanta Ruushku ee Chine oo sii kordhaysa.
Haseyeeshee waxaa kale oo isna qodob la tixgaliyey noqdey qaababka kala duwan Xi u qaabiley labada madaxweyne.
Trump waxaa lagu qaabilay bandhigyo waaweyn iyo kulano si weyn loo soo agaasimey, halka safarka Putin uu ahaa mid si hoose u socdey taas oo loo fasiran karayey in Xi Jinping uu doonayaa inuu muujiyo in xidhiidhka Ruushka iyo China aanu ku dhisnayn sawirro iyo fahaarayaal la qurxiyey, balse uu yahay iskaashi muddo dheer soconaya iyo saaxiibtinimo istaratijiyadeed. Kulanka Xi iyo Putin ayaa loo arkayay mid ka qoto dheer wada hadalladii uu Xi la yeeshay Trump, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen xidhiidh dhow oo muddo dheer soo socday.
Waxaa sidoo kale muuqata in rajadii qaar ka mid ah siyaasiyiinta Washington ay ka qabeen in Trump uu China ka fogeyn karo Ruushka ay sii yaraanayso. Inkasta oo Trump toddobaadkii hore Beijing kala hadlay arimo ganacsi, dagaalka Iran iyo qadiyadda Taiwan, haddana maalmo kadib Putin ayaa yimid isla magaaladaas, taas oo fariin cad u dirtay Mareykanka. Beijingna waxay muujisey in ay dooneyso in xidhiidhka ay la yeelaneyso Washington u uu ahaado mi ku kooban arimo gaar ah iyo in aanay diyaar u ahayn inay ka tanaasusho cilaaqaadka Moscow ama aanu saameyn ku yeelan xulafadiisa kale.
Xi Jinping iyo Vladimir Putin ayaana si wadajir ah u cambaareeyay waxa ay ugu yeereen siyaasadda “aan masuuliyadda lahayn” ee Mareykanka, iyagoo ka digay in dunidu dib ugu laabato nidaam ku dhisan “xeerka duurka” oo quwaddu ay noqdaan waxa keliya ee go’aamiya xidhiidhada caalamiga ah.
Falanqeeyayaal badan ayaa hadda qaba in awoodda dhabta ahi ay si tartiib tartiib ah ugu wareegayso dhinaca China. Sanadkii hore Trump ayaa oo ahaa hoggaamiyaha cadaadiska saaraya Beijing kuna rogey canshuuraha iyo dagaalka ganacsiga, maanta ay xaaladiisu ka duwan tahay sidii hore. China wuxuu gacanta ku haysaa suuq weyn, warshadaha dunida, iyo macdanta dhifka ah ee muhiimka u ah tiknoolajiyadda casriga ah, halka Mareykanku uu wajahayo dagaallo iyo cadaadis dhaqaale oo sii kordhaya.
Sidaas darteed safarka Putin ee Beijing ma ahayn oo keliya kulan laba geesood ah, balse wuxuu ahaa calaamad muujinaysa sida nidaamka cusub ee dunidu isugu beddelayo; nidaam uu China si tartiib tartiib ah isugu rogayo bartamaha awoodda caalamka, halka ay ka sii buleeyso saaxiibtinimada Ruushka iyo Chine.
Beijing waxay si tartiib ah u dhiseysaa nidaam ay ku muujinayso: in ay tahay “xarun dhexdhexaad ah” oo awood u leh inay la shaqeyso quwado kala duwan islamarkaana aanay aysan ku xirnayn kaliya Mareykanka ama reer galbeedka.
Marka la ga imaado in Chinuhu yahay quwad dhaqaale oo aan la loodin karin waxa uu wakhti badan galiyey casriyeeyaa ciidamadiisa iyo kor u qaadist awooddiisa badda iyo hawada
isla markaana waxa uu xoojiyey joogitaankiisa badweynta Hindiya iyo badweynta Basifiga. Intaas waxaa dheer technologyada oo ah tiirka ugu muhiimsan ee awoodda cusub ee China—xitaa mararka qaar ka miisaan culus dhaqaalaha iyo militariga laftiisa.
