Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa ka soo jawaabey warqad ay ku qoran tahay soo jeedin nabadeed oo ay u gudbiyeen masuuliyiinta Iran taas oo ay ku dalbanayeen ugu yaraan in la furo marinka Hormuz iyo la faydo godoominta badeed ee dekadaha Iran islamrkaana dib loo dhigo wadahalada Nuclierka. Trump ayaana muujiyay inuusan ku qanacsanayn soo jeedintaas nabadeed isagoo sheegay: “in Iran ay dalbanayso waxyaabo aanu aqbali karin”, waxaanu ka digay in si “degdeg ah” loo soo afjaro khilaafka,
Wadahadalladii lagu doonayay in lagu soo afjaro dagaalka Maraykanka, Iran iyo Isreal ayaa hakad galey mudo toddobaadyo ah. halka Kulamadii wareega koowaad oo ka dhacay Islamabad 11-kii Abriil kana socday in ka badan 21 saacadood, aysan soo saarin wax is afgarad ama natiijo ah iyo xitaa qaab-dhismeed aasaasi ah oo lagu sii wadi karo wadahadallada.
Maraykanka ayaa uga digay maraakiibta bixiya canshuur ama khidmad si ay ugu gudbaan marinka Hormus inay halis ugu jiraan cunaqabatayn ka timaadda Washington. Waxaana muuqata in aan wax isbedel ah oo la sheegi karaa aaney ku dhicin mowqifyadii kala durugsanaa ee Tehran iyo Trump.
Sahamin cusub oo ay sameeyeen Washington Post, ABC News iyo Ipsos ayaa muujisay in 61% dadka Maraykanka ah ay aaminsan yihiin in adeegsiga xoogga militari ee Trump ee ka dhanka ah Iiraan uu ahaa qalad, waxaana maalintii shalay meelo kala duwan oo aduunka ah ka dhacay mudaharaadyo laga ga soo horjeeda dagaalka Ameerika ee Iran ka dhanka ah.
Dhinica Lubnaana ururka Xisbilaah iyo ciidamada Isreal ayaa weeraro is dhaafsadey ay ku dhinteen 16 qof. ugu yaraan lix weerar oo ay Israel ka geysatay koonfurta Lebanon, ayaa lagu beegsaday kaabayaal iyo dhismayaal kala duwan. Dhanka kale, Hezbollah ayaa fulisay sagaal hawlgal oo militari oo ay ku beegsaneysay ciidamada Israel ee gudaha dhulka Lubnaan, sidoo kalena waxay weerarro ka fuliyeen xadka loo yaqaan Blue Line, iyagoo u gudbay waqooyiga Israel.
Tobannaan kun oo qof oo reer Lubnaan ah oo hore uga barakacay guryahooda ayaa hadda ku soo laabtay koonfurta dalka, iyagoo mar kale wajahaya xaalado adag.
Milatariga Mareykanka ayaa sheegay inuu kala baxayo 5,000 askarta Mareykanka ah dalka Germany, waxaana sii kordheysa xiisada u dhaxaysa xulufada Yurub ee muhiimka ah, taasoo la xiriirta dagaalka Maraykanka ee ka dhanka ah Iran.
Warbixin ay baahisay Reuters ayaa go’aankan ay qaadatay Wasaarada Difaaca Mareykanku Jimcihii, la xidhiidhisey hadal uu dhowr maalmood ka hor uu yidhi Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka, Friedrich Merz, oo uu ku sheegay in Iiraan ay “ceebaynayso” Maraykanka inta lagu jiray wada-hadallada lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka
Arrintan ayaana ah mid ka balaadhan xaalado milatari oo leh weji siyaasadeed: Maraykanka ayaana cadaadis saaraya xulafadiisa Yurub taas oo ka dhigan tahay in khilaafka Iran uu saameyn ku yeeshay xiriirka NATO iyo xulafada reer galbeedka.

