199 views 2 mins 0 comments

Garsooraha Soomaaliyeed Omar Artan Oo Loo Diiday Gelitaanka Mareykanka Xilli Uu Ku Sii Jeeday Koobka Adduunka

In Bogga Hore, Ciyaaraha, Wararka
June 08, 2026

Garsooraha Soomaaliyeed ee ku guuleystey abaal-marinnada kala duwan, Omar Artan, oo la filayay inuu noqdo qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee ka garsoora tartanka kama dambaysta ah ee Koobka Adduunka, ayaa loo diiday inuu galo Mareykanka, sida uu AFP u sheegay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Soomaaliya.

Ilaa hadda si rasmi ah looma shaacin sababta loogu diiday gelitaanka garoonka diyaaradaha ee Miami, hase yeeshee Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ku jira xayiraadaha socdaalka ee uu hirgeliyay maamulka Madaxweyne Donald Trump.

Ciise Aadan Abshir, oo ah la-taliye sare oo ka tirsan Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Soomaaliya isla markaana hore u ahaa kabtankii xulka qaranka, ayaa sheegay in Omar Artan uu ka mid yahay garsoorayaasha ugu sumcadda badan Afrika isla markaana uu mudan yahay taageerada guud ee bulshada kubadda cagta.

Sida uu sheegay Abshir, Omar Artan waxa uu watay fiise sharci ah oo uu ku geli lahaa Mareykanka, balse hadda waxa uu dib ugu laabtay Istanbul oo uu hore ugu sugnaa.

“U diidista gelitaanka Mareykanka iyo ka hor istaagista inuu qabto ciyaarihii loo qorsheeyay waxay dhaawacaysaa isaga shaqsi ahaan, waxayna sidoo kale dhaawac ku tahay qiyamka kubadda cagta ee caddaaladda, kartida iyo tartanka hufan,” ayuu yiri Abshir.

Omar Artan waxa uu ka mid ahaa 52 garsoore oo ay FIFA u xulatay inay ka garsooraan Koobka Adduunka ee lagu qabanayo Canada, Mexico iyo Mareykanka inta u dhexeysa June iyo July.

waxa ka garsoorayay horyaalka kubadda cagta Soomaaliya tan iyo markii uu noqday garsoore FIFA ah sanadkii 2018. Sidoo kale waxa uu ka qeyb galay garsooridda tartankii 2023 Africa Cup of Nations, halka sanadkii 2025 loo magacaabay Garsooraha Ragga ee Sanadka ee Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, ayaa bishii April ku ammaanay Omar Artan kadib markii uu noqday qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee loo xusho garsooridda Koobka Adduunka.

“Waxaan bogaadinayaa dadaalka, xirfadda iyo daacadnimada uu muujiyay Omar, maadaama uu noqday astaan dhiirrigelin u ah jiilka cusub ee Soomaaliyeed,” ayuu yiri madaxweynuhu.