Heshiiska cusub ee Donald Trump la galay Iran waxa uu markii hore u muuqday dadaal lagu joojinayo dagaalkii tan iyo bilowgii sannadkan ka socday gobolka, laguna dejinayo xiisadda marinka Hormuz iyo suuqyada tamarta. Haseyeeshee markii faahfaahinta qaar soo baxeen, waxaa muuqday in arrinta Lubnaan iyo xabbad-joojinta Hezbollah ay noqdeen qayb muhiim ah oo ka mid ah xisaabta heshiiska. Halkaas oo uu ka bilaabmey werwerka Israel.
Isreal waxay wajahaysaa cabsida ah in heshiiska Trump iyo Iran uu Tehran siiyo saameyn siyaasadeed iyo amni oo dheeraad ah gudaha Lubnaan, gaar ahaan haddii Iran lagu daro hannaan cusub oo lagu maareynayo xabbad-joojinta iyo amniga Lubnaan. Welwelka Israel waxa uu yahay in Iran loo aqoonsado aktar muhiim ah oo wax laga weydiiyo xasilloonida Lubnaan. Reuters ayaa qortay in Hezbollah uu aaminsan yahay Iran inaysan saxiixi doonin heshiis kama dambays ah haddii Israel ka bixi weydo Lubnaan, taas oo muujinaysa in kooxda lafteedu ay u aragto heshiiska inuu yahay aalad cadaadis lagu saarayo Israel.
Arrintaas oo Israel u la muuqata isbeddel khatar leh oo ku soo foodleh. Muddo dheer, Netanyahu iyo hay’adaha amniga Israel waxay ku adkeysanayeen in Iran iyo Hezbollah aan la kala saari karin. Aragtidooda, Hezbollah waa gacanta ugu muhiimsan ee Iran ku leedahay waqooyiga Israel, sidaas darteed wixii Iran saameyn laga siiyo Lubnaan waxay si dadban u xoojinayaan booska Hezbollah.
Haddii heshiiska cusub uu dhigo in xabbad-joojinta Lubnaan lagu ilaaliyo hannaan ay Iran qayb ka tahay, Israel waxay ka baqaysaa in Hezbollah hesho nooc “gaashaan diblomaasiyadeed” ah. Taasi waxay ka dhigan tahay in weerar kasta oo Israel ka fuliso koonfurta Lubnaan ama Beirut uu noqon karo arrin carqaladeysa heshiiska Trump doonayo inuu badbaadiyo. Sidaas darteed, Trump iyo Washington waxay cadaadis saari doonaan Netanyahu si uusan u qaadin hawlgallo waaweyn oo militari oo burburin kara geeddi-socodka heshiiska Iran.
Xudunta khilaafku halkaas ayay taallaa. Israel waxay muddo dheer rabtay inay haysato xorriyad buuxda oo ay ku garaacdo Hezbollah marka ay u aragto khatar iyo markii ay iyadu doontaba. Haseyeeshee Trump waxa uu hadda u muuqdaa in uu Lubnaan u arko fayl xasillooni u baahan, si heshiiska Iran u shaqeeyo, marinka Hormuz u furnaado, suuqyada shidaalkuna u degaan. Taas oo ka dhigan in danaha Washington iyo Tel Aviv ay mar kale kala leexanayaan.
Trump dhinaciisa, waxa uu doonayaa natiijo siyaasadeed oo muuqata iyo inuu yiraahdo dagaalkii waan hakiyay, Iran waxa aan keenay miiska wadahadalada, Hormuz waan furay, suuqyada tamartana waan dejiyay. Si taas u dhacdo, wuxuu u baahan yahay in arinka Lubnaan uusan mar kale qarxin. Weerar kasta oo Israel ay ka fuliso Lubnaan waxa uu halis gelin karaa dhammaan sawirkaas. Sidaas darteed, ayey Lubnaan u tahay meel heshiiska Iran lagu badbaadin karo ama lagu burburin karo.
Dhanka Israel, arrintu waxay u muuqataa mid ka duwan. Netanyahu waxa uu rumeysan yahay in Iran aysan heshiiska u adeegsan doonin dejin dhab ah, balse ay u adeegsan karto xaddididda Israel. Haddii Tehran ay yeelato door ku saabsan xabbad-joojinta Lubnaan, waxay heli kartaa awood ay ku tiraahdo: haddii Israel sii waddo weerarrada, heshiiska lama saxiixi doono ama wuu burburi doonaa. Taasi waxay Iran siinaysaa cadaadis siyaasadeed oo cusub, iyada oo aan xitaa si toos ah u kordhin awoodda militari ee Hezbollah.
Hezbollah laftiisu waxa uu arkaa heshiiska fursad cusub. Haddii Iran ay heshiiska kama dambaysta ah ku xirto in Israel ka baxdo koonfurta Lubnaan ama ay joojiso weerarrada joogtada ah, Hezbollah waxay heli kartaa guul siyaasadeed oo aanay awood militari ku xaqiijinin. Sidaas darteed, waxa Israel ka cabsi qabto ma aha oo keliya in Hezbollah sii hubaysnaato, balse in kooxdaasi hesho sharciyad cusub oo diblomaasiyadeed oo ka dhalata heshiiska Washington iyo Tehran.
Halkaas waxaa ka muuqda laba fasir oo kala duwan. Fasirka koowaad waxa uu muujinyaa in Trump uu Iran si dadban ugu soo celinayo miiska Lubnaan, taas oo balaadhineysa saameynta Iran ee gobolka. Fasirka labaad waxa uu ina tusayaa in Trump uusan doonayn inuu Iran siiyo Lubnaan, balse uu doonayo in Iran heshiiska laftiisu ku qasbo inay xakameyso Hezbollah. Haseyeeshee Dhibaatadu waxay tahay in Israel aysan ku kalsoonayn in Iran ay dhab ahaan xakameyneynso Hezbolah. Tel Aviv ma rumaysna in Iran ay dhab ahaantii xakameyn doonto Hezbollah si loo ilaaliyo amniga Israel; taas bedelkeeda waxay aaminsan tahay in Tehran ay heshiiska u isticmaali doonto sidii ay Israel ugu xakameyn lahayd lahayd Lubnaan.
Arrintan waxay sidoo kale sharraxaysaa sababta hadallada Trump ee ku saabsan weerarrada Israel ee Lubnaan ay u noqdeen kuwo muhiim ah. Trump wuxuu si cad u dhaliilay qaabka Israel u fuliso duqeymaha, isaga oo sheegay in aan loo baahnayn in dhisme dhan la dumiyo si hal qof loo beegsado, maadaama dadka ku nool dhismayaashaasi aysan dhammaantood ka tirsanayn Hezbollah. Hadalkaas wuxuu ahaa mid ka duwan luqaddii ay madax badan oo Mareykan ah hore uga adeegsan jireen Israel, waxayna muujiysaa in Trump hadda xisaab kale leeyahay:
Xaaladan ayaa ay cakirnaanteedu Netanyahu gelinaysaa meel ay adag tahay in uu go’aan fudud qaato. Dhinaca, gudaha Israel waxaa ka jira rabitaan xooggan oo lagu doonayo in la sii wado cadaadiska militari ee Hezbollah iyo Iran. Dhinaca kalena, Washington waxay doonaysaa in xaaladda Lubnaan la dejiyo si heshiiska Iran u dhammeystirmo. Haddii Netanyahu sii wado weerarro waaweyn, wuxuu halis gelinayaa xiriirka Trump. Haddii uu joojiyana, wuxuu wajahaya dhaleeceyn gudaha Israel ah oo ah inuu ogolaaday in Iran iyo Hezbollah ay helaan waqti ay isku abaabulaan.
Si kastaba ha ahaatee heshiisku wali waxa uu taagan yahay meel ay jirto suurtagalnimo lagu carqaladeyn karo, Israel ayaana weli haysata awood ay ku carqaladeyn karto. Hal weerar oo weyn oo ka dhaca Beirut ama koonfurta Lubnaan ayaa keeni karaa in Iran dib uga laabato wada-hadallada ama ay ku dooddo in Mareykanku uusan xakameyn karin Israel. Sidoo kale, haddii Israel diido inay ka baxdo goobaha ay ka haysato koonfurta Lubnaan, Hezbollah iyo Iran waxay u adeegsan karaan cudurdaar ay ku adkeeyaan mowqifkooda.
Dagaalka kale waxa uu ka socdaa gudaha Mareykanka. Netanyahu iyo xulafadiisu waxay weli leeyihiin saameyn weyn oo ay ku leeyihiin siyaasadda Washington, Kongareeska, warbaahinta iyo kooxaha cadaadiska. Haddii heshiiska Trump lagu tilmaamo mid Iran u daneynaya ama Israel khatar gelinaya, cadaadis gudaha Mareykanka ah ayaa ku qasbi kara Trump inuu dib uga fiirsado. Sidaas darteed, mustaqbalka heshiiska kuma xirna Tehran iyo Washington oo keliya; wuxuu sidoo kale ku xiran yahay sida Israel iyo taageerayaasheedu uga falceliyaan.

