Iiraan ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u sheegtay in Qatar ay qabatay saddex duuliye oo ka tirsan Ciidanka Cirka Iiraan, kadib markii laba diyaaradood oo dagaal oo nooca Su-24 ah ay ku burbureen hawlgallo dhacay intii uu socday dagaalkii Iiraan, Mareykanka iyo Israa’iil bishii Maarso.
Sida uu sheegay Mohammad Bagherzadeh, oo madax ka ah guddiga Iiraan u qaabilsan raadinta ciidamadii la la’aa, saddexda duuliye ayaa ay nolol ku qabteen ciidamada Qatar kadib markii diyaaradaha ay burbureen. Afar duuliye ayaa saarnaa labada diyaaradood, balse Iiraan waxay sheegtay in mid ka mid ah uu dhintay, halka saddexda kale la qabtay.
Iiraan waxay sheegtay in saddexda duuliye ay ku jireen gacanta Qatar muddo ku dhow lix bilood, isla markaana aan loo oggolaan inay la xidhiidhaan qoysaskooda ama ay la kulmaan masuuliyiinta Iiraan. Iiraan ayaa sidaas darteed Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) ugu baaqday inuu arrinta farageliyo, xaaladda duuliyayaasha hubiyo, isla markaana laga shaqeeyo sii-dayntooda.
Qatar illaa hadda kama aysan jawaabin ama xaqiijin sheegashada Iiraan, arrintan ayaa sidoo kale muhiimad gaar ah leh, maadaama Qatar ay hore u sheegtay in laba diyaaradood oo Su-24 ah oo ka yimid Iiraan ay soo riday xilli ay socdeen weerarro ay qaadey Iiraan, taas oo muujinaysa in dhacdadan ay qayb ka ahayd iska horimaadkii ballaarnaa ee gobolka ka dhacay.
