Mas’uuliyiinta Iiraan ayaa ku adkaysanaya in awoodahooda dhaqaale ee gudaha dalkooda ay isku filan yihiin, inkasta oo Mareykanku toddobaadkan ku soo rogay cunaqabateyn dhaqaale oo cusub.
Mareykanka ayaa doonaya inuu cunaqabateyntan ku abuuro cadaadis hor leh oo uu aaminsan in ay Iiraan keenayo miiska wada hadalada kadib lix bilood oo uu socdey dagaal. Dowladda Iiraan se waxay sheegaysaa inay arrintaasi ay hore u diyaargarowday, Wasiirka Dhaqaalaha Ali Madanizadeh ayaana sheegay in dowladdu leedahay qorshe ay dadkooda ku samatabix karaan mudo laba sano ah isaga oo tixraacaya waayo-aragnimada sannadaha badan ah ee Iiraan u leedahay ku dhex noolaanshaha cunaqabateynta.
Kaydinta badeecooyinka daruuriga ah, lacagaha qalaad iyo dahabka ayaana noqday mid ka mid ah xeeladaha ugu muhiimsan ee Iraan ay kaga dabaalato xaaladaha noocan ah. Dowladda ayaa sidoo kale lagu qasbay inay nidaam qoondayn ah ku maamusho tamarta, inkasta oo Iiraan ay ka mid tahay dalalka dunida ugu qanisan dhanka kheyraadka dabiiciga ah.
Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Abdolnasser Hemmati, ayaa ganacsatada u sheegay in dhoofinta shidaalka, oo ah isha ugu weyn ee Iiraan ka hesho lacagaha qalaad, ay ku dhowaad gebi ahaanba istaagtay. Hase yeeshee, gudoomiyuhu wuxuu sheegay in Bangiga Dhexe uu haysto kayd lacag qalaad ah oo ku filan badeecooyinka daruuriga ah, lacagtaasna lagu hayo meelo uusan Mareykanku gaadhi karin.
Inkasta oo uu qiray in dalku wajahayo dhibaatooyin culus oo ay ka mid yihiin sicir-barar xawli ah iyo awoodda wax-iibsiga shacabka oo si joogto ah hoos ugu dhacaysa, hadana waxa uu xusey in adkeysiga dhibaatadu ay qayb ka tahay dagaalka islamarkaana uu aad ugu duwan tahay burburka uu Mareykanku la rabo Iiran.
Afhayeenka dowladda Iiran Fatemeh Mohajerani ayaa sidoo kale sheegtay in shacabka Iiraan aysan filan karin in xaaladdu soo hagaagto sannadka soo socda. Waxay intaas ku dartay in Golaha Sare ee Amniga Qaranku uu oggolaansho bixiyo ka hor inta aan dowladdu shaacin xogta heerka hoos u dhaca dhaqaale ee dalka.
Lacagta Iiraan ayaana Salaadadii gaadhay heerkii ugu hooseeyay abid, iyada oo halka dollar ee Mareykan ahi uu suuqa xorta ah ka gaadhay 2 milyan oo rial, inkasta oo rial-ku wax yar soo kabtay Arbacadii.
maadama xaaladda dhaqaale sidaasi tahay, madaxa cusub ee amniga Iiraan Mohsen Rezaei ayaa dhalinyarada dalka ugu baaqay inay “dhaqaalaha galaan”, oo ay guryahooda ka bilaabaan soo saarista badeecooyinka ay qoysaskooda iyo bulshooyinkoodu u baahan yihiin.
Fikradda isku-filnaanshaha ayaa tobannaan sano qayb ka ahayd istaraatiijiyadda Iiraan. Qorshayaasha horumarinta qaranka ayaa marar badan xoogga saaray in dalka laga yareeyo ku-tiirsanaanta dibadda.
Dhinaca cuntadana, dowladda ayaa sheegaysa in Iiraan ay gudaha ku soo saarto 85% wax-soo-saarkeeda beeraha, dal ay ku nool yihiin qiyaastii 90 milyan oo qof. Si kastaba ha ahaatee, kordhinta wax-soo-saarka beeraha ayaa dhalinaysa walaac kale, maadaama Iiraan ay horey u wajahaysay biyo-yaraan aad u daran.
Wasiirka Beeraha Gholam-Reza Nouri ayaa sheegay in Tehran ay muddada dhow doonayso inay heerka isku-filnaanshaha cuntada gaarsiiso 90%, hadafka ugu dambeeyaana uu yahay in dhammaan cuntooyinka aasaasiga ah gudaha lagu soo saaro.
Dowladda Iiraan ayaa sidoo kale sheegaysa inay gudaha dalkaasi laga soo saaro qiyaastii 97% daawooyinka dalka, inkasta oo daawooyinka dibadda laga keeno ay wali qayb aad uga weyn ka yihiin guud ahaan lacagta lagu bixiyo dawooyinka.

