Saldhig milatari oo ku yaalla galbeedka magaalada Erbil oo hoy u ah askar Faransiis iyo Ciraaqiyiin ah ayaa lagu weeraray diyaarado aan duuliye lahayn (drones). Weerarkaasi ayaana dilay hal askari oo Faransiis ah, islamarkaana lagu dhaawacay dhowr kale. Saldhiggan ayaa qayb ka ahaa howlgaladda Curaaq lagula dagaallamo kooxda Daacish (ISIS).
Waxaana masuuliyadda weeraradaas sheegtey kooxda loo yaqaan “Islamic Resistance in Iraq”, oo ka mid ah kooxo hubeysan oo Iran ay taageerto.
Waxaana hubaal ah in weerada kooxahani ay u gonlahaayeen fadhiyada reer galbeedka qaasatana saldhigyo milatari iyo qunsuliyadda Maraykanka ee Erbil, safaaradda Maraykanka ee Baqdaad, iyo saldhiga weyn ee Victory Base oo Mareykanku ku leeyahay meel ku dhow garoonka caalamiga ah ee Baqdaad.
Inkasta oo weerarradani ay bilaabmeen kadib markii uu qarxey ololaha milatari ee Maraykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iran, haseyeeshee maalmahan ayaa ay aad u sii dardar galiyeen.
Kooxahan ayaana si cad u sheegayaan in weerarradaasi yihiin aargoosi ku aaddan dilka hoggaamiyihii sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, iyo sidoo kale ololaha milatari ee Israa’iil iyo Maraykanku ku wadaan Iran.
War
