72 views 50 secs 0 comments

UAE: 10 Ajaanib ah oo la xidhay kadib markii ay faafiyeen muuqaalada weerarrada drones-ka iyo gantaallada

In Wararka
March 15, 2026

Toban qof oo ajaanib ah ayaa lagu xiray dalka United Arab Emirates kadib markii lagu eedeeyay inay baraha bulshada ku faafiyeen muuqaallo ku saabsan weerarro gantaallo iyo drones ah oo ka dhacay dalkaas, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Emirates News Agency (WAM). Dadkan ayaana faafiyey muuqaallo dhab ah oo muujinaya nidaamyada difaaca hawada oo qabtay weerarro, iyo sidoo kale muuqaallo la gu sameeyey AI oo muujinaya weerarro la sheegay inay ku dhaceen goobo caan ah. haseyeeshee warbixintu ayaan sheegin jinsiyadaha dadka la xidhay. Waxaana la sheegay in faafinta muuqaalladan — ha ahaadaan kuwo dhab ah ama kuwo been-abuur ah e’ — ay “saameyn ku yeelan karto amniga guud”. Xeer-ilaaliyaha guud ee UAE, Hamad Al Shamsi, ayaa sheegay in dambiyada noocan ah lagu mutaysan karo xabsi ugu yaraan hal sano ah iyo ganaax lacageed oo ay u yar tahay 100,000 dirham. Waxaa kale oo xusid mudan in horraantii toddobaadkana, nin British ah lagu soo oogay dacwad tan la mid ah gudaha UAE iyadoo la adeegsanayo sharciyada dambiyada internetka, kadib markii uu duubay oo baraha bulshada ku faafiyay muuqaallo la xidhiidha weerarrada ay Iran ku qaadday dalkaas. Ninkan oo 60 jir ah, isla markaana la sheegay inuu dalxiis ahaan u joogay magaalada Dubai, ayaa ka mid ahaa 20 qof oo hore loogu soo oogay dacwad ku saabsan jebinta sharci mamnuucaya faafinta waxyaabo carqaladeyn kara amniga guud.