26 views 6 mins 0 comments

Somaaliya; ismaandhaafka iyo is-mari-waaga siyaasadeed ee doorashada

Somaaliya; ismaandhaafka iyo is-mari-waaga siyaasadeed ee salka ku haya hannaanka doorashooyinka hay’adaha fedraalka ee baarlamaanka iyo madaxtooyadda ayaa si weyn u shaac baxay. Dhinacyada isbahaysiyada mucaaradka, maamul goboladeedyada Jubaland iyo Puntland iyo madaxweynaha taladda hada haya ee Xasan Sh. Maxamuud ayaana ku kala aragti duwan nooca iyo hanaanka doorasha ee suurtagalka ah in Somaliya laga qabto iyo wakhtiga la qabanayoba.

Kadib markii madaxweyne Xassan sheekh uu mucaaradka ku casuumey wada-tashi siyaasadeed oo looga hadlayo doorashooyinka, dastuurka iyo xaaladda guud ee dalka, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ah isbahaysi siyaasadeed, oo ay ku mideysan yihiin Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta, Puntland iyo Jubbaland ayaa warqad ay soo saareen ku sheegay inay aqbaleen casuumadda Madaxweynaha u fidiyey, balse ay ku xidhayaan shuruudo cad oo la xidhiidha in  la helo hannaan dhexdhexaadin madax-bannaan oo la isku raacsan yahay, lana xaqiijiyo doorasho hufan oo waqtigeeda ku dhacda, si looga fogaado qalalaase siyaasadeed, isla markaana waxuu goluhu ku soo gunaanadey warqadan, in ay qaadi doonaan talaabooyin ay ku sheegen inay ku badbaadinayaan dalkaas hadii aan doorashu qabsoomin  15 May.

Haseyeeshee warqadda kadib waxaa maalintii shalay magaaladda Muqdisho isugu yimi guriga madaxweynihii hore ee  Somaliya shariif sh. Axmed, isbahaysiga mucaaradka oo soo saarey go’aan ah in dibax balaadhan la qabto isla 10ka May, maalintii uu madaxweynuhu u asteeyey gogasha uu u fidiyey wada tashiga mucaaradka. Dibad baxaas oo ay ku sheegeen in la gu garab istaagayo dadka ay dowladda Soomaaliya ka barakisey guryahoodii ayuu dadweynaha ugu baaqey Shariif Sheekh Axmed oo ku hadlayey magaca isbahaysiga mucaaradka waxaanu farey inay si nabad ah uga qeyb qaataan mudaharaadka, isaga oo intaas ku darey in masuuliyiinta is bahaysiga mucaaradku hogaamin doonaan dibadbaxaas.

Waxayna u muuqata in isbahaysiga mucaaradka Soomaaliya, ay ku foogan yihiin dadaallo xooggan iyo iskudayo waaweyn oo lagu raadinayo hannaan doorasho oo ay isku waafaqaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, si ay uga hortagaan muddo kororsi, go’aanno hal dhinac ah iyo muran siyaasadeed oo daba dheeraada.

Dhanka kale, Villa Soomaaliya ayaa ku adkeysanaysa hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, iyadoo qorshuhu yahay in codbixinta si tijaabo ah looga qabto magaalooyinka Jowhar, Baydhaba iyo Dhusamareb. Siyaasiyiin mucaarad ah ayaa aaminsan in qorshahaasi siin karo Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud faa’iido siyaasadeed oo muuqata, halka Puntland iyo Jubaland ay si cad uga hor yimaadeen in doorasho noocaas ah lagu qabto deegaannadooda iyada oo aan dhinacyadu gaadhin heshiis siyaasadeed.

Warar soo xoogaysanaya ayaana sheegaya in wakiillo reer galbeed ah ay aqbaleen inay noqdaan dhexdhexaadiyayaal isu keenaya labada dhinac. Kulamo aan warbaahinta loo oggolaan ayaana la filayaa inay ka dhacaan gudaha qaar kamid ah safaaradaha ku yaalla Mogadishu, kuwaas diiradda lagu saarayo sidii loo yareyn lahaa kala aragti duwanaanta sii xoogeysaneysa ee dhinacyada xukuumada iyo is bahaysiga mucaaradka.

Qodobka ugu weyn ee la isku hayo ayaa ah nooca doorasho ee laga doodayo. Haseyeeshee Dowladda federaalka ayaa dooneysaa in laga wada hadlo oo keliya hirgelinta doorasho toos ah iyo sidii ay u qabsoomi lahayd farsamo ahaan, iyada oo aan dib loogu laabaneyn doodda ku saabsan nooca nidaamka la qaadanayo. Taas oo ah isla qodobkii fashiliyey wada-hadalladii hore ee ka dhacay magaalada Mogadishu bilo ka hor.

Mucaaradka dhankooda waxa ay soo bandhigeen hindise ku saleysan hannaan doorasho oo ka horumarsan qaabkii 2022, balse lagu qaban karo muddo kooban oo lagu qiyaasay sagaashan maalmood. Qorshahooda waxaa ku jira laba guddi doorasho, ergooyin ballaaran iyo nidaam awood dheeraad ah siinaya dowlad goboleedyada iyo beelaha leh kuraasta baarlamaanka.

Si kastaba, waxaa muuqata in Villa Soomaaliya aysan si fudud u aqbali doonin qaab kasta oo yareynaya awoodda dowladda dhexe ee maamulka doorashada. Arrimaha aad la isugu maandhaafsan yahayna waxaa kamid ah cidda maamuleysa doorashada heer federaal, habraacyada lagu soo xulayo xildhibaannada iyo doorka dowlad goboleedyada.

Sidoo kale, dastuurka ayaa noqday qodob kale oo si weyn loogu kala aragti duwan yahay. Puntland iyo Jubaland waxay ku adkeysanayaan in doorashada lagu saleeyo dastuurkii ku meel gaarka ahaa ee 2012, halka dowladda federaalku ay difaaceyso wax ka beddeladii dastuurka oo ay waqti iyo dadaal badan gelisay.

Waxaa intaas dheer tuhuno isa soo taraya oo sheegaya in gudaha madasha mucaaradka iyo dowlad goboleedyada laftooda ay ka dhex jiraan kala aragti duwanaansho ku saabsan hannaanka doorasho ee la doonayo. Warar ayaana tilmaamaya in Puntland iyo Jubaland aysan si buuxda u aqbalin qorshaha ay soo jeediyeen qaar kamid ah xubnaha mucaaradka, inkasta oo ay dhinacyo badan isku mowqif ka yihiin.

Dhammaan arrimahan ayaa muujinaya sida uu u qoto dheer yahay khilaafka siyaasadeed ee ku saabsan jihada dimuqraadiyadda Soomaaliya, xilli Soomaaliya ay wajahayo marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah oo saameyn ku yeelan karta mustaqbalka dowladnimada iyo geeddi-socodka doorashooyinka.