10 views 2 mins 0 comments

Muxuu uga baxay Imaaraatku ururka Epic

Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta shaacisay go’aan taariikhi ah oo si weyn u ruxay suuqyada caalamka, kaas oo ah in dalku uu gebi ahaanba ka baxayo ururka OPEC laga bilaabo 1-da bisha May, 2026. Tallaabadan ayaa noqonaysa mid horseedaysa isbeddel weyn oo dhanka tamarta iyo siyaasadda caalamka ah.

OPEC waa gaashaanbuur caalami ah oo ay ku midoobeen waddamada shidaalka ugu badan u dhoofiya adduunka; ujeeddadeedu waa inay mideeyaan siyaasadahooda si ay u xakameeyaan xaddiga shidaalka suuqa la geliyo, iyaga oo si wadajir ah u go’aamiya korodhka iyo hoos u dhaca qiimaha shidaalka.

Go’aanka Imaaraadku uu kaga baxayo gaashaanbuurtan wuxuu salka ku hayaa in dalku uu geliyay in ka badan $150 bilyan oo maalgashi ah kordhinta awoodda wax-soo-saarka shidaalka iyo gaaska, balse ururka OPEC uu ku soo rogay xayiraado adag oo diidaya inay suuqa geliyaan cadad ka badan kootada loo qoondeeyay.
Sidoo kale, Imaaraadku
waxa uu hadda xoogga saaray loolanka dhaqaale ee kala dhaxeeya Sucuudiga; waxayna rabaan inay noqdaan quwadda koowaad ee tamarta, tiknoolajiyadda, iyo garaadka macmalka ah (AI), iyagoo dhisaya isbahaysi toos ah oo ay la galaan Maraykanka si ay u helaan suuqyo ka madax-bannaan xeerarka OPEC.
Tallaabadani waxay calaamad u tahay dillaac weyn oo ku yimid midnimadii dalalka Khaliijka ee dhanka tamarta, iyadoo ka bixitaanka Imaaraadku ay si weyn u wiiqi doonto awooddii ururku ku xakamayn jiray suuqa caalamka. Ugu dambeyntii, go’aankan wuxuu keeni karaa in qiimaha shidaalku uu hoos u dhaco (illaa $50–$60), taas oo guul u ah dalalka shidaalka dibadda ka soo iibsada.

Waxay sidoo kale muujinaysaa in waddamada Khaliijku u xuub-siibanayaan tartan furan, oo waddan kastaaba uu si gaar ah u eegayo dantiisa dhaqaale iyo midda istiraatiijiga ah.