Mareykanka ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu dib u bilaabo weerarrada ka dhanka ah Iran haddii aan heshiis la gaadhin, xilli wada-hadallada u dhexeeya Washington iyo Tehran ay wali ka taagan yihiin khilaafyo waaweyn.
Wasiirka Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa Sabtidii sheegay in ciidammada Mareykanku ay si buuxda awood ugu leeyihiin inay dib u bilaabaan hawlgallada militari haddii loo baahdo. Isaga oo ka hadlayay shirka amniga ee Shangri-La Dialogue ee Singapore, ayuu sheegay in kaydka hubka Mareykanka uu ku filan yahay dagaal kasta oo suurtagal ah, isla markaana Washington ay ku jirto xaalad militari oo wanaagsan.
Hegseth ayaa sidoo kale sheegay in maamulka Trump aanu ka jeesan gobolka Asia-Pacific inkasta oo uu ku jiro colaadda Iran. Waxa uuna intaas ku darey in Mareykanku uu si weyn u kordhinayo wax-soo-saarka warshadaha difaaca, si loo hubiyo in ciidamada Mareykanku ay helaan hub iyo rasaas ku filan dhammaan hawlgallada ay ka wadaan dunida.
Dhanka kale, Hegseth wuxuu sheegay in Madaxweyne Donald Trump uu wali doonayo diyaarna u yahay heshiis kasta oo xaqiijiya in Iran aysan helin hub nukliyeer ah. Jimcihiina, Trump ayaa sheegay inuu kulan ku yeelan doono qol amni oo gaar ah oo Aqalka Cad ku yaalla si uu u gaadho go’aanka kama dambaysta ah ee ku saabsan qorshe lagu soo afjarayo dagaalka Iran. Qorshahaas ayaa la sheegay in la gu kordhinayo xabbad-joojintii bishii Abriil lagu heshiiyay muddo 60 maalmood ah, si wada-xaajoodayaashu waqti ugu helaan heshiis waara.

