65 views 8 mins 0 comments

Kala Daadashada Xulufadii Mareykanak ee Bariga Dhexe

Boqortooyada Sacuudiga ayaa si to os ah ugu sheegtay Mareykanka in aanu u isticmaali karin saldhigyada uu ku leeyahay dalkaas iyo hawadooda toona duulaanka Iran, gaar ahaana howlgalkii Trump ee uu u bixiyey Project Freedom. Ma ahayn fariin diblomaasiyadeed oo qarsoodi ah, mana ahayn wada-hadal hoose oo albaabbadu u xiran yihiin balse waxay ahayd ahayd tallaabo muuqata oo ciidan iyo amar sidiisa u fuley. Sacuudigu wuxuu xiray hawadiisa, wuxuuna joojiyay in diyaaradaha militariga Mareykanka ay isticmaalaan hawada iyo saldhigyadiisa, waxa uuna si cad ugu sheegay ciidanka ugu awoodda badan dunida: “in aanay Mar dambe dul mari karin dhulkooda.” Si gaar ahna Boqortooyadu waxay Mareykanka u sheegtay inaan loo oggolaan doonin diyaaradaha militariga Mareykanka inay ka duulaan saldhigga Prince Sultan Air Base ee koonfur-bari kaga yaalla Riyadh.

Arrintan ayaa waxaa xiise gaar ah u yeelaya in uu isla Sacuudigii uu Donald Trump marar badan ku tilmaami jiray saaxiibkiisa ugu dhow ee Khaliijka go’aan sidaas u adag qaatey. Isla Maxamed Bin Salmaankii Trump kula kulmay Aqalka Cad, gacantana la isku salaamay isagoo ku tilmaamay “saaxiib dhow.” Iyo  isla waddankii Trump uu sida weyn ugu faanay inuu Maraykanka ku maalgelin doono $600 bilyan oo doolar.

Waxayna u muuqatey xidhiidh sannado badan ku dhisnaa dano siyaasadeed, heshiisyo dhaqaale, iyo iskaashi gaar ah oo u dhexeeyey Sucuudiga iyo Maraykanka in uu hal maalin gudaheed weji kale ku yeeshey, kadib markii Trump uu baraha bulshada kaga dhawaaqay qorshaha “Project Freedom” isaga oo aan Sacuudiga wax ogeysiin ah siin. Sida wararku sheegayaan, go’aankaas uu qaatey Sucuudigu ayaa noqday sababta dhabta ah ee Trump u hakiyay mashruuca. Hakinta Trump ee howlgalkaas ku ma iman Pakistan oo xal keentay, mana ahayn Iran oo tanaasul sameysay. Dhab ahaan waxa go’aankan soo dedejiyey ayaa ahayd Sacuudiga oo albaabka xidhay, Trump-na uusan lahayn doorasho kale oo aan ka ahayn inuu qorshaha hakiyo. Waxayna wararku intaas ku darayaan si la mid ah Sucuudiga in Kuweit-na ay diidey in saldhigayada uu Mareykanku ku leeyahay dalkeeda uu u isticmaalo howlgalkaas.

Saldhigga Prince Sultan oo ah mid ka mid ah xarumaha militariga Mareykanka ugu muhiimsan Bariga Dhexe ayaa muddo tobannaan sano ah laf-dhabar u ahaa hawlgallada cirka ee Mareykanka ee gobolka Beriga Dhexe. In uu Mareykanku lumiyo helitaanka saldhiggaasna ma ahayn oo kaliya arrin adkaynaya howlgalka ilaalinta marin-biyoodka Hormuz; balse waxay si buuxda u beddeleysaa awoodda Mareykanka ee uu ciidan ahaan uga hawlgeli karo gobolka.

Wararku waxay sheegayaan in xitaa telefoon dhexmaray Trump iyo Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uusan xal keenin. Sida ay saraakiisha Mareykanku sheegeena, wada-hadalkaas aan natiijada lahayn kadib Trump waxa uu ku qasbanaadey inuu hakiyo howlgalka “Project Freedom” si loo soo celiyo isticmaalka hawada iyo saldhigyada muhiimka ah ee militariga Mareykanka.

Khilaafkan, oo aysan Riyadh beenin, ayaa muujinaya sida Sacuudigu u doonayo in si rasmi ah loo soo afjaro dagaalka waxyeellada badan geystay ee Mareykanka iyo Israa’iil kula jiraan Iran taas oo aad uga duwan mowqifka Imaaraadka Carabta

Calaamad muujinaysa sida Imaaraadku uga niyad jabay taxaddarka Sacuudiga ayaa ah in ay durba ka baxday ururka shidaal-soo-saareyaasha ee OPEC oo Sacuudigu hoggaamiyo, isla markaana ay hadda ka fikirayso inay ka baxdo Jaamacadda Carabta.

Imaaraadka, oo saxiixay heshiisyadii Abraham Accords, muddo dheer ayuu xidhiidh dhow la lahaa Israa’iil haseyeeshee khilaafka gudaha Khaliijka ayaa sii balaadhay intii uu dagaalku socday, waxaana uu dhaawac weyn u geystay dhaqaalaha iyo sumcaddooda caalamiga ah.

Imaaraadku oo aad uga careysan yahay inuu noqday bartilmaameedka ugu weyn ee weerarrada Iran, ayaa dareemaya in dalalka kale ee Khaliijka aysan si dhab ah u muujin taageero iyo garab istaag.

Dhanka kale, Sacuudigu waxa uu ka baqayay in howlgalka “Project Freedom” ee uu mareykanku sheegey in uu si xoog ah maraakiibta caalamiga ah ugaga talaabinayo marinka Hormus, uusan lahayn sharciyo cad oo qeexaya sida ciidamada loo adeegsanayo, taasoo keeni karta isku dhac badeed oo khatar ah oo dhex mara Iran iyo Mareykanka, arrintaas oo si rasmi ah u soo afjari lahayd xabbad-joojintii jilicsaneyd ee shaqaynaysay tan iyo 7-dii Abriil.

Iran waxay hore u sheegtay inay u arki doonto ilaalinta ay ciidamada Mareykanku siinayaan maraakiibta shidaalka ama weerar kasta oo lagu qaado maraakiibta Iran in ay u tixgalineyso xabadjoojintii oo la jabiyey, taas oo dalalka Khaliijka ka dhigi lahayd kuwo mar kale Iran beegsato.

Dhamaadka xabbad-joojinta ma keeni lahayn oo keliya dagaal ka qarxa marin-biyoodka Hormuz, balse sidoo kale Tehran waxay dib u bilaabi lahayd weerarradii diyaaradaha drone-ka iyo gantaallada ee ay ku beegsanaysay saldhigyada Mareykanka iyo xarumaha tamarta ee Khaliijka. Weerarradaas ayaa la rumeysan yahay inay ka waxyeello ka badan lahaayeen intii hore loo sheegay inay gaadhsiiyeen kaabayaasha dhaqaalaha ee Khaliijka.

Go’aankan Sacuudiga ayaa waxaa sidoo kale loo arki doonaa sida ay Riyad u muujisey kalsooni darrada ay ka qabto sida Trump u maareeyay colaadda. Sacuudigu marar badan wuxuu isu arkayay dhibbane aan awood lahayn oo ku dhex jira dagaal uusan ku talogalin. Riyadh kuma qanacsanayn heerka difaac ee Mareykanku ee weerarrada Iran, sidoo kalena waxa ayna ku qancin isku-duubnida istaraatiijiyadda Aqalka Cad.

Mid ka mid ah diblomaasiyiinta Sacuudiga ayaa sheegay inay muddo dheer Mareykanku u muuqaneyay in uu galay dagaal uusan sii wadi karin isla markaana uusan si fudud uga bixi karin.

Trump wax tixraac ah ma uusan sameyn diidmada Sacuudiga ama xiritaanka hawada.

Sacuudiga ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu ka walwalsanaa in howlgalkan badeed ee “Project Freedom” uu keeno in Xuutiyiinta Yemen ay dagaalka si rasmi ah u soo galaan. Riyadh waxa ay muddo dheer si qarsoodi ah uga shaqeynaysay in aaney kooxda hubeysan ee Xuutiyiintu soo galin dagaalka si aanay marinka Badda Cas u xidhin, xaaladda shidaalka caalamkana uga sii darin.

Inkasta oo ay soo baxeen wararka sheegaya in Sucuudigu mar kale ogolaadey isticmaalka saldhigyadaas kadib markii uu Trump hakiyey howlgalka, hadana Trump oo isku arka nin heshiisyada ugu fiican ee Mareykanka sameeya, ayaa ceebtii ugu weyn kala kulmaya in xulafadiisii ugu dhoweyd ee Khaliijka ay si cad uga hortimaaddo. Waa sheekada kaliya ee uusan rabin inay bannaanka timaaddo.