Mareykanka ayaa sheegay inuu joojinayo taageeradii uu Qaramada Midoobay u marin jiray howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya Washiton ayaana waxa ay Midowga Afrika ku wargelisey inaysan sii wadi doonin taageerada iyo miisaaniyadda saadka ee xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOS, kaas oo bixiya adeegyada cuntadda, shidaalka, gaadiidka iyo caafimaadka ee Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya. Washington waxay sheegtay in Soomaaliya aysan horumar ku filan ka samayn amniga iyada oo la siiyey tobannaan sano oo taageero ah. Saraakiil arrinta ka warqabana waxay sheegeen in go’aankan uu halis gelin karo sii socoshada howlgalka.
Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), oo ka kooban ku dhowaad 12,000 oo askari, ayaa laf-dhabar u ah dowladda jilicsan ee Federaalka Soomaaliya, isaga oo ka taageera dagaalka ka dhanka ah ururka Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida. Alshabaab ayaana weli gacanta ku haysa deegaanno ballaaran oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Hase yeeshee, howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa waxa uu si weyn ugu tiirsan yahay taageerada Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada saadka sida cuntada, biyaha, shidaalka, adeegyada caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.
Tan iyo markii uu xilka dib ugu soo noqday Madaxweyne Donald Trump, dowladda Mareykanka waxay sii kordhisay niyad-jabka ay ka qabto maamulka Muqdisho, oo ay sheegtay in uu hareeyay khilaaf siyaasadeed isla markaana uu ku guuldareystay inuu jebiyo Al-Shabaab inkasta oo uu helay taageero caalami ah oo socotay muddo sanado badan.
Warqad diblomaasiyadeed oo ku taariikhaysan 1-da July, ayay Washington ku wargelisay Midowga Afrika inaysan sii taageeri doonin Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) marka uu dhammaado sanadkani. Miisaaniyadda xafiiskaasi ayaana gaareysay ku dhowaad 500 milyan oo doollar.
Miisaaniyadda howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya sanadkii hore waxay ahayd 190 milyan oo doollar, balse maalgelinta howlgalka ayaa sii adkaanaysay, taasoo sababtay dhaqaale-xumo weyn. Sannadkii hore Mareykanku wuxuu sidoo kale hor istaagay qorshe ahaa in Qaramada Midoobay ay bixiso saddex meelood laba meelood miisaaniyadda howlgalka.
Khamiistii, Guddiga Midowga Afrika ayaa xubnaha Golaha Nabadda iyo Ammaanka ku wargeliyay go’aanka Mareykanka, isagoo uga digay inuu leeyahay “saameyn weyn oo ku saabsan saadka, awoodda howlgalka iyo maalgelinta howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.”
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa Reuters u xaqiijiyay in Washington aysan sii taageeri doonin howlaha UNSOS. Isaga oo sheegey in Mareykanku uu bixiyay ku dhowaad laba bilyan oo doollar oo uu ku taageeray UNSOS iyo howlgalladii ka horreeyay. Inkasta oo maalgelintaas la bixiyayna, Soomaaliya aysan weli awoodin inay si madax-bannaan u sii waddo guulihii howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo howlgalladii ka horreeyay ay ka gaareen la dagaallanka iyo xakameynta Al-Shabaab, islamarkaasna aysan la wareegin inta badan waajibaadka amniga dalkooda.
Waxa uuna intaas ku daray inaysan sii wadi karin maalgelinta howlgal aan la gaadhi karin ujeeddooyinkiisa aasaasiga ah, isla markaana wadada ka leexinaya mudnaanta amni ee si toos ah u taabanaysa danaha Mareykanka.”
Khuburada sida dhow ula socota howlgalka Midowga Afrika ayaa aaminsan in howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya uusan sii shaqeyn karin haddii aan la helin cid kale oo beddesha taageerada Qaramada Midoobay.
Warqadda uu Mareykanku u diray Midowga Afrika waxay sidoo kale si kulul u dhaliishay dowladda Soomaaliya, iyada oo ku eedeysey in Loollanka gudaha iyo khilaafaadka siyaasadeed ay wiiqayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish (ISIS). Waxa ayna ku wargalisey in taageerada caalamiga ahi ay ahaan doonto mid xaddidan ilaa hoggaanka Soomaaliya uu mideeyo dadaallada lagu wajahayo caqabadaha amniga iyo dowlad-dhiska dalka.”
Midowga Afrika ayaa qabtay shir degdeg ah oo looga hadlayo mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyada oo diblomaasiyiin Afrikaanka ahi ay ka digeen in haddii aan la helin ilo cusub oo dhaqaale, hawlgalku halis u geli karo inuu guud ahaanba istaago.
